Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan ”Afarta sanno ee soo socto waxey noqo doontaa, afar sanno oo xasilooni iyo Hormar ah”

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle mudane Cabdixakiin Luqmaan ayaa sheegay in afarta sanno ee soo socta ay ka shaqeyn doonaan Hirshabeelle xasiloon oo aan muushin iyo is-qab qabsi laheyn.

Guddoomiyaha oo boggaadiyay howshii adkeed oo la qabtay ayaa shacabka ku ammaanay dadaalladii ay ku bixiyeen sidii amniga qeyb ay uga qaadan la haayeen xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyin, wuxuuna ugu baaqay bulshada in aan halkaas lagu joojin wada-shaqeynta ee hore loo wado si loo gaaro guulo kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in hamigoodu yahay Hirshabeelle oo amni iyo barwaaqo ah isagoo carrabka ku adkeeyay in kaligood aysan wax qaba Karin lkn ay ku dadaali doonaan in la abuuro jawi ay ku wada shaqeeyaan bulshada Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...