Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe “Dhallinyarada wax-baratay waxaa idiin baahan deegaankiina, annaguna waan idin soo dhaweyheynaa”.

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen in guulo taariikhi ah laga gaaro doorashooyinkii Hirshabeelle oo uu sheegay in si nabdoon ay ku dhaceen.

Madaxweynaha oo ku ammaanay duubabka dhaqanka, guddiyadii doorashooyinka,dhallinyarada iyo ciidamada amniga howshii adkeed ee ay isku howleen muddadii ay soctay doorashada Hirshabeelle ayaa sheegay in beesha caalamka aysan wax kaalin ah ka qaadan doorashada Hirshabeelle balse isku tashi ay sameeyeen Hirshabeelle iyo dowladda dhexe lagu gaaray doorasho xasiloon oo ka dhacday Jowhar.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xusay in muhiimada koowaad maamulkiisa uu kasiin doono dhallinyarada wax baratay si looga faa’ideysto aqoontooda oo deegaannada Hirshabeelle hormar loo gaarsiiyo.

“Qof walba fikirkeeda iyo taladeeda waan tixgelin doonaa,gaar ahaan dhallinyarada waxbaratay,waxaa idiin baahan dadkiina, waxaa idiin baahan deegaankiina,annaguna waan idin soo dhaweyheynaa,wixi talo ah oo aad noo soo jeedisaan aan qaada doonaa,dadkiina iyo dalkiina ayaad wax u barateen”.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Hirshabeelle ka codsaday in ay la shaqeeyaan maamulka cusub si dhammaan deegaannada Hirshabeelle ay u noqdaan kuwa dhan walba ka hormara oo barwaaqo iyo amni ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...