Xog dheeraad ah ayaa ka soo baxayso Weerarkii Gantaalada ee lagu qaaday magaalada Asmara ee Caasimada Eritrea.

Date:

Gantaalladda ayaa laga soo tuuray Itoobiya waxayna ay ku dhaceen caasimadda dalka deriska la ah ee Eritrea, sida ay sheegeen diblomaasiyiin iyo goobjoogayaal.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli wax yar ka dib ay Xoogagga TPLF ku hanjabeen in ay weerari doonaa Dalkaasi Eritrea.

Dagaalka lagu hoobtay ee u dhaxeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo xoogagga kacdoonka ka wada waqooyiga gobolka Tigray ayaa hada u muuqda mid ku sii siqaya xuduudaha caalamiga.

Gantaaladan qaarkood ayaa ku dhacay xarunta Wasaarradda Warfaafinta iyo Garoonka diyaaradaha dalkaasi Eritrea lamana sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Ugu yaraan saddex gantaal ayaa lagu dhuftay Asmara fiidnimadii Sabtida, sidaasi waxaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters shan diblomaasi oo ku sugan Gudaha Dalkaasi Eritrea.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa kulan la qaatay Wasiirka...