Dowladda Itoobiyo oo sheegay in Dagaalka ay ku jirto Ciidamada TPLF ee Waqooyiga Dalkaasi Guulo isdabo jooga ah ay ka gaartay.

Date:

Ra’isulwasaare ku xigeenka itoobiya ahna wasiirka arimaha dibadda Demeke Mekonnen ayaa sheegay in howlgalka ka socda gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya laga sameynayo horumar dhaqso ah.

Badbaadada shacabka ayaa waxa uu sheegay in ay ahmiyada koowaad siinayaan inta lagu gudo jiro howlgalka.

Demeke Mekonnen wuxuu tilmaamay in dowladu gargaar bani’aadanimo ka wado meelaha laga xoreeyay TPLF ee gobalka.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyada oo Qaramada Midoobe iyo Hay’adaha gargaarka walaaca ka qabaan xaalada dadka rayidka ah ee ku nool gobalka tigreega .

Waxaa jira eedeymo sheegaya in gabood falo dagaal ay ka dhaceen galbeedka Tigray oo dad shacab ah lagu laayay.

Dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya oo galay maalinkii 12-Aad waxaa uu sababay barakac xoog leh .

Dalka Sudan Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in maalinkii ay gaaraan dad ku dhow 4,000 oo colaada ka baxsanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...