Home Blog Page 796

Natiijada Imtixaankii Dugsiyada sare oo dhawaan la shaacin doono.

0

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare oo ka hadlayay kulanka sanadlaha ee Wasiirka iyo ardyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in bilaawga todobaadka soo socdo ay shaacin doonaan natiijada rasmiga ah ee imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare ee dalka ,waxuuna uu sidoo kale sheegay inuu imtixaanka ka duwanaa kuwii hore ee u soo qabteen maadaama dalka uu ka jiray saameynta cudurka Covid-19.

Qaar ka mid ah ardayda ku sugnaa kulanka ayaa su,aalo weydiiyay, kuwaasi oo ku aadan tayaynta waxbarashada dalka.

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda waxbarshada mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa sidoo kale ka hadlay Manhajka waxbarashada oo dowladda Juhdi farabadan galisay waxaana uu sheegay in ardayda danyarta la siindoono buugaagta manhajka si ay u helaan fursadooda

In ka badan 34-kun oo ardyad ayaa u fariisaneysa imtixaankii shahaadiga ah ee dowladda, kaasi oo ay qaaday wasaaradda waxbarashada dalka 18-kii bishii julay ee sanadkaan waxaana lagu qabtay 112 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo magaalooyinka waa-wayn ee gobollada dalka.

Golaha ammaanka QM oo muddo kordhin u sameeyay Xafiiska UNSOM.

0

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa fadhi gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay kaga hadleen muddo kordhinta Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Cod aqlabiyad ku ansixiyay in hal sano oo kale loogu daro Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaana muddo xileedkooda ay sii wadi doonaan illaa 31-ka Bisha Agoosto 2021.

“Qoraarka tirsigiisu yahay 2540 oo ay Golaha Ammaanka ee QM wada aqbaleen waxa uu ka codsanayaa Howlgalka UNSOM inay sii wadaan, siina xoojiyaan joogitaankooda gudaha Soomaaliya iyo dhammaan Dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Fedeeralka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha doorashooyinka oo la filayo in dalka ay ka dhacaan dhammaadka Sanadkaan 2020/2021.

Arday ka gashay kaalimaha hore Imtixaankii Dugsiga dhexe ee Bakool oo la abaalmariyay +Sawirro.

0

Xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Koofur galbeed iyo maamulka gobolka Bakool ayaa ka qeyb galay xaflad lagu  dhiirri galinayay 10-ka arday ee ugu sarreysa natiijada imtixaanka fasalka 8-aad  ee dugsiga dhexe, kaas oo ay qaadday wasaaradda waxbarashada Koofur galbeed.

Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa lagu boggaadiyay guusha 10-ka arday ay ka gareen imtixaanka iyo dadaalladii ay muujiyeen.

Qaar kamid ah 10-ka arday ee ugu sarreeyay natiijada imtixaanka dugsiga dhexe ee Koofur galbeed oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin guusha ay soo hooyeen.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi oo ugu hambalyeeyay ardayda guusha ay gaareen ayaa bulshada faray in wacyigelin laga sameeyo meelaha aan waxbarashadu ka jirin, si loo fahmo qiimaha waxbarashada.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro,xildhibaanno, maamulka gobolka,golaha deegaanka  degmada Xudur, waalidiin iyo marti sharaf kale waxaana ugu dambeyn shahaado sharaf la guddoonsiiyay qaar kamid ah ardayda.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay guddiga soo xulidda Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.

0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu Magacaabay Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka labaad ee maamulka Hirshabeelle.

Halkaan hoos ka akhriso wareegtada:-

NISA oo shaacisay qilaafka soo kala dhexgalay horjoogayaasha Al-Shabaab.

0

Qoraal ay soo dhigtay bogga twitter-ka Hey’adda nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka NISA ayaa lagu sheegay in horjoogayaasha Al-Shabaab uu soo kala dhex galay qilaaf xooggan oo u dhexeeya Garabka, Mahad Karataay iyo Garabka, Axmed Diiriye, kuwaasi oo ku hardamaya sidii kooxda ay u yeelan lahayd horjooge, maadaama horjoogahooda uu soo wajahay xanuun.

 Halkan ka akhriso xogta oo dhameystiran:-

Warbaahinta Bulshada oo saameyn ku yeelatay dhaqanka soo jireenka ahaa ee soomaalida [warbixin].

0

Dhaqanka Soomaaliyed waa mid soo jireen ah kaasi oo jiilba jiil uu ka dhaxlay sida Taariikhda lagu sheego, waana hab nololeed iyo nidaam dhaqan sida luuqadda, cuntada, farshaxanka, fanka iyo suugaanta.

Weli dadkii hore wey ku dheggan yihiin dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida balse dhallintu waxey ubateen hiyi raac qabatimay dhaqan dadyow kale, waxaney la jaanqaadidda Dunida xadaaradda usaaxiibka ah ku hoggaamisay ku dayashada hab lebiska iyo timo jarashada dad caan ah sida Atoorayaasha Aflaamta, ciyaartoyda iyo dhaqamo kale oo la soo miinguuriyay

Hab dhaqanka dhallinyarada maanta ayey dadka waaweyni u arkaan mid god kusii rideysa dhaqamadii suubbanaa ee Soomaalidu caanka ku ahayd oo qaarkood ay ku harsanyihiin reer guuraaga oo ah marjaca Sooyaalka dhaqan ee Soomaalida.

Marka aad u kuurgasho warbaahinta maanta jirta oo dadka ka shaqeeya ay u badan yihiin da’yar ku cusub mihnadda wax badanna aan ka fahamsanayn dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida ayaa waxay adeegsadaan ereyo aan ku habboonayn Afkeenna hodanka ah, diin ahaan, anshax ahaan iyo dhaqan ahaanba, iyadoo aysan jirin cid inta badan isu xil-qaanta hamba-qabashada meel ka dhaca lagu hayo dhaqanka.

Guddomiyaha Akdeemiyada fanka iyo suugaanta Soomaaliya, Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax) ayaa dhankiisa qaba in dhallinta keliya aan lagu eedeyn karin ilaalinta dhaqanka balse ay waayeen cid ay kaga daydaan dhaqanka maaddaama sida uu sheegay waaliddiintii iyo dadkii ay dhaqanka dhallinta kaga dayan layahayeen ama hormuudka bulshada u ah, kuwaas oo uu laftooda ku tilmaamay in ay yihiin kuwo bur burkii kadib dhashay oo dhaqanka aan waxbadan ka fahamsaneyn.

Wantmatures Reviews 2020, Costs, Evaluations & Features

0

To answer back, review to messages, you additionally must get a subscription plan. WantMatures is a world matching platform, which allows examining profiles. Their major aim is usually to connect solitary people with matures for severe and causal romantic relationships.

Fuckbook Assessment For 2020

Today, the corporate’s clientele are lots of people worldwide. These are women and men aged years from your USA, The uk, Australia, Hungary, Romania, France.

With thousands of mature dating websites discovered online, greetings aware what kind is right for you? With all those courting websites supplying virtually the identical communication features, how does one choose which to hitch? With the various and big user base, the platform delivers amazing possibilities for these folks looking for casual enjoyable on-line. The broad range of useful going out with options makes WantMatures a great and excellent platform for adult surfers. I’ve been using the Uberhorny. com community for years and through sure intervals, I actually are inclined to prefer to give different things a try just like different romance websites.

By simply beginning a dialog, you increase the odds of creating specific relationships with a single individual. You can be part of it, examine members’ users, https://datingjet.com/wantmatures-review/ check features of your website with out investment money.

  • Registration, leaving your 2 cents photographs, studying profiles of numerous customers on WantMatures are provided freed from cost.
  • WantMatures can be described as platform suitable for males looking for matured females.
  • As soon as you wish to begin conversation with the specific you like, you need to replenish the account.
  • WantMatures service offers the consumer the most convenient circumstances.
  • An essential part of WantMatures romantic relationship web site evaluate is the summarize of prices intended for companies.

In the evaluation, we given how does WantMatures work, on the other hand each assistance has features. Therefore , we will speak about particular provides coming from matrimonial provider.

The strenuous fact is that lots of courting sites straight up make an work to rip-off buyers and they accomplish that by receiving you to suppose that you simply’re going to mas smoking sizzling mature ladies. Millions of persons make use of WantMatures. com in several regions of the world. The website’s primary aim should be to attach matures who need to make a practical romantic relationship.

The dependability of a relationship website is instantly affiliated to the common of background. The wealth of fake dating profiles may be merely calculated from your stereotyped data offered in all of them. The forms of WantMatures provide high-high top quality and genuine data. Non-excessive-quality romantic relationship sites include profiles very much like each other.

Maxaad kala socotaa halka uu marayo mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye +sawirro.

0

Isticmaalka waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waa marin muhiim ah, waxaana isaga kala goosha dhammaan gaadiidka u safra gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo ku soo dhaca degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Inkastoo waddadaasi ay burbursaneyd muddo 30 sano ku dhow ayaa haddana waxaa soconaya dadaalo ku aaddan dib u dhiska waddadaasi, mashruucaasi oo uu fulinayo Sanduuqa horumarinta (Qatar),kadib markii dowladda Soomaaliya ay isla garteen.

War ka soo baxay Sanduuqa hormarinta (Qatar) ayaa lagu sheegay in uu si habsami leh uu u socdo mashruuca lagu dhisayo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye,waxaana talaabadan Sanduuqa horumarinta Qatar uu qaaday ay ka mid tahay qorshayaal dib loogu dhisayo waddooyinka kuyaalla gobollada dalka.

Kadib muddo dhowr billood ah oo uu hakad kujiray mashruuca dhismaha waddadaasi, ayaa haddana dhawaan dib loo bilaabay, iyadoo la arkayo howlwadeennada qaabilsan dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye isku xirta, kuwaasi oo adeegsanaya agab iyo gaadiid loogu talagalay fulinta howshaasi.

Qaab dhismeedka laamiga cusub ee la saarayo waddadaasi ayaa ah labo laami, oo loogu talagalay gawaarida soo socda ama kuwa sii socda ay isaga gudbaaan si fudud.

Mashaariicdaasi ayaa dhanka kale fursad shaqo abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dalka horumarkiisa ay qeyb weyn ka tahay.

    

Guddoomiyaha Aqalka sare oo gaaray Dhuusamareeb +Sawirro.

0

Guddoomiyaha aqalka sare e BFS ayaa gaaray Dhuusamareeb si uu’ uga
qaybgalo furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baaralamanka Galmudug.

Wafdiga Guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u
badan Senataro ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada
Dhuusamereeb kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha golaha Wakiilada Galmudug
Maxamed Nuur Gacal, wasiiro iyo xildhibaano katirsan Galmudug iyo
shacabka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wafdiga Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kamid ah madax lagu casuumay ka
qaybgalka xafladda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee golaha Wakiilada
Galmudug oo caawa lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor
ayaa xafiiskiisa ku qaabailay wafdiga Guddoomiyaha Aqalka sare ee BFS
mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaana soo dhaweyn kadib ay kawada
hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay Safiirka Qatar ee Soomaaliya.+Sawirro.

0

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid oo jooga Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xassan Bin Xamsa.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arimaha hormarinta Galmudug iyo kaalinta ay Dowlada Qatar ka qadanayso dib u dhiska Hey’adaha kala duwan ee Dowlada Galmudug.

Sidoo kale waxaa la isku soo qaaday sidii Dowlada Qatar ay Galmudug uga caawin laheyd dhismaha ciidanka Darwiish Galmudug.

Ugu dambeyn kulankan ayaa waxaa uu ku soo dhammaaday is afgarad, waxaana Safirka Qatar uu Galmudug ku ammaanay horumarka ay sameysay muddadii koobneyd oo ay jirtay oo la xusi karo dadaallada ay ugu jirto dibu dhiska dalka iyo mideynta dadka Soomaaliyeed oo uu hormuud ka yahay Madaxweynaha Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaariye Qoorqoor.