Wasiirka qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa soo xiray shir looga hadlayey sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha Soomaaliyeed+(SAWIRRO).

Date:

Kulankan Wadatashiga ah ee lagu xaqiijinayay istaraatiijiyada Qaran ee xalka waara ayaa maanta lagu soo gabogabeeyay Magaalada Muqdisho kaasoo socoday labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaana ka qeyb galay xubno ka socday Dowlada Federalka Soomaaliya Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Istaraatiijiyadan ayaa waxaa ay qeexaysaa sidii looga gaari lahaa Dadka Barakacayaasha, Qaxootiga iyo Tahriibayaasha oo ay isku raaceen ka qeyb galayaasha Kulankan taasoo maanta la meel mariyay islamarkaana dhawaan la hor geeyn doono Golaha Wasiirada JFS.

Agaasinka Xalka Waare ee Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Dawlada Federalka Soomaaliya Marwo Sahro Cabdi ayaa qeexday labada maalmood waxyaabihii looga wada hadlay Kulankan.

“Labada maalmood waxaa halkan lagu gorfeynaayay arrimo xalka waara qusedeya waxaana l xaqiijiyay Istaraatiijiyada Qaran taasoo loo gudbin doono Golaha Wasiirada markii laga ansixiya Golaha Wasiiradana waxaa ay noqon doontaa Qorsha qaran ee Dalka”

Agaasime Sahro ayaa intaasi ku dartay in istaraatiijiyadan ay noqon doonto mid wax badan ka tarta dalka taasoo looga sal gaari doono xal waara in loo helo arrimaha Barakaca.

Qaar ka mid ah Xubnihii ka socday Maamul goboleedyada oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan koror badan waxii ka dambeeyay sanadii 2016-ka kuwaasi oo badan kooda ka imaanayay gobolada Shabeelooyinka, Bay iyo Bakool balse hada Istaatiijiyadan ay ahmiyad weyn u leedahay in wax badan laga  badali karto.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha JFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo shirkan Soo gabo gabeeyay ayaa sheegay in istaraatiijiyadan ay wax weyn ka badali doonto geedi socodka Qorshada qaranka islamarkaana Hay’addaha ku shaqada leh arrintan ay ka saacididoonto Shaqooyinkooda.

Wasiira Jamaal ayaa dhamaan ka soo qeyb galayaasha iyo Shaqaalaha Wasaarada uga mahadceliyay isagoo tilmaamay sida wacan ay uga wada shaqeeyeen Qorista iyo ka doodista Boogan Istaraatiiyada Qorshaha Qaran ee Barakacayaasha.

“Wadankeena waxaa uu ka baxayaa waxyaalihii noloo qor qori jiray sida Istaraatiiyada iyo sharuucda sidan oo kale ayaa loo fadhiisan jiray waxbaa la qori jiray markii la qoro ka dib waa nalaga saxiixan jiray waana la qaadan jiray, Baahidaas ayaa keentay marka in 14 Hay’addood oo dowlada ka socday in ay isku yimaadaan oo mid kasta gaarkiisa fikir u keeno hadan ay ka soo baxdo buugan istaraatiiyada qaranka ayuu yiri Wasiirka.

Si kastaba Dadaaladan ay wado Wasaarada Qorsheyta  ee Dowlada Federalka soomaaliya ayaa looga gonleeyahay in xal waara gala gaaro Arrimaha Barakacayaasha oo ah Dadka ugu nugul ee dhibaatooyinka ugu badan haysto taasoo Dalka u horseedeeyso Hormar dhinac walba leh.

Xafiiska Warfaafinta & Xariirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarimta Dhaqaalaha XFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...