Diyaarada Jabuuti Airlines oo shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Date:

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Jabuuti Airlines ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ka dib Markii cillad matoorka ah ay soo wajahday.

Sarkaal ka tirsan maamulka garoonka ayaa TV-ga Qaranka u xaqiijiyey in shilka diyaaradaan oo rakaab ka soo qaaday Jabuuti aanay cidina wax ku noqon oo ay bad qabaan dadkii saarnaa dhammaantood.

Sarkaalka ayaa sheegay in gaadiidka dabdamiska ah ee garoonka Garoowe ay cilladi ku jirtay marki ay duuliyayaasha diyaaraddu maaamulka garoonka u soo direen fariin ah inay cillad gurmad dag dag ah u baahani ku timid Diyaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...