Kulan looga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa saameynta roobku uu ugeysto bilicda caasimadda oo Muqdisho lagu qabtay+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir mudane Faarax Cabdi Diini ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay qorshaha horumarinta caasimadda.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen agaasimeyaasha ku shaqada leh horumarinta caasimadda ayaa lagu lafa guray sidii xal waaro looga gaari lahaa saameynta roobku uu ugeysto bilicda magaalada.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha asaaska u ah ilaalinta bilicda caaismadda xilli roobaadka, si aysan u saameyn biyuhu isu socodka magaalada iyo dadka danyarta ah.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta uu la kulmay in ay dardar galiyaan qorshaha horumarinta magaalada iyo in si hufan loogu qidmeeyo bulshada Caasimadda.

Mas’uuliyiinta ayaa isku raacay in horumarinta magaaladu ay tahay arrinka ugu horreeya ee hortebinta u leh maamulka gobolka iyagoo sheegay in dardar gelin doonaan xal u helida arrintaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...