Home Blog Page 788

Imaaraadka iyo Israel oo maalinta birrito ah heshiiska xirirkooda ku saxiixi doono Aqalka cad.

0

Wufuud ka kala socta Israel iyo UAE ayaa gaaray caasimada Maraykanka ee Washington, si ay u meel mariyaan heshiiski ay dhawaan wada gareen, xafladda saxiixa heshiiskaasi ayaa dhici doonta maalinta Talaadada ah ee soo socota sida la qorsheeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Israel  Benjamin Netanyahu ayaa horay u sheegay in heshiiskan ay la saxiixanayaan Imaaraadka iyo Baxreyn uu ka dhci doona Washington, dhankoodana ay kaga bixi doonto dhaqaala badan.

Netanyahu ayaa arrintaa ka hadlay inta uusan raacin dayaaraddii   ka qadeeysay Telabiib kuna sii jeeday Washington, si uu uga qaybgalo xafladda saxiixa heshiiskii ay kal hore la galeen Imaaraadka iyo Baxreyn, ee uu garwadeen ka ahaa Mareykanka.

Wakaaladda wararka Imaraadka ee (WAM) ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Imaraadka Abdullah bin Zaayid Al Nahyan, uu gaaray caasimadda Mareykanka isaga oo horkacaya  wafdi rasmi ah oo ay ku jiraan saraakiil sar-sare, si ay uga qeybqaataan saxiixa heshiiska diblomaasiyadeed ee lala galay Israa’iil.

Wakaaladda ayaa ku warantay in  wafdiga ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha, Safiirka Imaaraadka u fadhiya Mareykanka iyo kan Qaramada Midoobay u fadhiya.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibada Hungary, ayaa la xaqiijiyay in uu noqon doono wasiirka kaliya ee wasiirada arimaha dibada  wadamada xubnaha ka ah midowga Yurub ee kaqeyb galaya xaflada saxiixa heshiiskan udhaxeeya Imaaraadka, Baxreyn iyo Israa’iil.

Afhayeen u hadlay Wasiirka Arimaha Dibada Hungary Peter Zegarto ayaa wakaaladda wararka Hungary ee (MTI in)  u sheegay in wasiirka uu casuumaad ka helay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, si uu ugu qeyb galo xaflada saxiixa  heshiiska ee lagu qaban doono Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

Waddamo ay ka mid yahiin France iyo UK ayaa soo dhaweyay heshiiskan, sidoo kale gudiga fulinta ee midowga Yurub oo soo dhaweeyay heshiiskan sheegayna in dhaqangalka heshiiskan uu muhiim u yahay xasiloonida gobolka.

Dhanka kale, Ururka Culimada Muslimiinta ayaa cambaareeyay heshiiska dhexmaray Baxreyn iyo Imaaraadka iyo Israel.

Xoghayaha Guud ee Xiriirka Culimada Islaamka Dr. Cali Al-Qaradaaci ayaa carrabka ku adkeeyay in aarinkan uu daba socda qabsashada Qudus ee ay ka aamuseen Muslimiinta Caalamka, iyo in waddamad Carabta ay dhagaha ka fureysteen dulaanka har iyo habeen lagu hayo shacabka Falastiin.

Hadalladan ayaa yimid kadib markii  Baxrayn ay ku dhawaaqday Jimcihii inay xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa ay la yeelaneeyso Israel,  si ay ula mid noqoto Imaaraadka Carabta oo hore tallaabo tan la mid ugu dhawaaqay 13-kii bishii August ee sanadkan.

Taliska Booliiska Dhuusamareeb oo ka war bixiyay Nin lagu dhaawacay magaaladaasi.

0

Taliska Ciidanka Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa faah faahin ka bixiyay qof fal dhaawac ah oo xalay gudaha magaaladaas loogu geystay Nin shacab ah kana mid ah dadka muruq maalka ah ee halkaas kunool.

Taliyaha Booliska Dhauusamareeb Nuur Cilmi Maxamed ayaa sheegay in Nin ku hubeysan tooreey uu fal dhaawac ah u geystay Nin lagu magacaabo Maxamed Saciid Xaashi oo muruq maal ah, kadib markii muran la xiriira lacag uu soo kala dhex-galay.

Waxaa uu sheegay Taliye Nuur Cilmi oo warbaahinta la hadlay in markii hore uu baxsaday Ninkii dhaawaca geystay, hayeeshee Ciidanka amniga howlgal ay sameeyeen lagu soo qabtay ninkaas.

 

Trump oo cafinaya sarkaal baxsad ah oo dambi ku oogay Dad soomaali ah.

0

Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump ayaa la filayaa inuu cafis u fidiyo sarkaal baxsad ah kaasi oo sababay in xabsi loo taxaabo afar muwaadiniin soomaali ah, warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay in ay suurtogal tahay in cafis loo fidiyo Edward Snowden oo loo heysto kiis dhacay sanaddii 2013.

Trump ayaa difaacay Edward Snowden wuxuuna tilmaamay in dib loo eegi doono kiiska Snowden taasi oo loo fasirtay inuu damacsan yahay inuu cafis kusii deyn doono, “Waan maqlay in dad badani ay ii arkaan inaanan cadaalad sameyn, dadna waxey u arkaan inaan wax fiican sameeyay, marka si wanaagsan ayaan ula tacaamuleynaa” ayuu yiri Trump.

Edward Snowde ayaan ka fiigay Mareykanka tan iyo markii uu soo bandhigay codad sababay in xagjirnimo iyo Al-shabaabnimo lagu maxkamadeeyo afar qof oo Soomaali ah, Hey’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Edward Snowden uu oggolaanshiyo la’aan uu qabtay shaqadaasi.

Mar sii horreysay ayay Maxkamad Federaal ah xukuntay in Edward Snowden uu sharci darro sameyay, balse aysan waxa saameyn ah ku yellan doonin go’aanka lagu xeray soomalida dambiga lagusoo oogay, arrintaasina waxaa kal hore siyaabo kala duwan ugasoo horjeestay ururada xuquuqda Aaadanaha oo ku baaqay in xorriyaddooda lasiiyo dadkaasi.

 

Munaasabad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ee dalxiiska oo lagu qabtay Muqdisho.

0

Boqolaal dhalinyaro ah xubno katirsan goleyaasha kal duwan ee dowladda Ganacsato iyo marti sharaf kala duwan ayaa kasoo qeyb-galay xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta dalxiiska Soomaaliyeed oo lagu qabtay gudaha xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda warfaafinta Farxiyo Samaan ayaa sheegay in haatan dalxiiska dalka laga dareemayo isbeddel iyadoo sanadkii seddexaad oo xiriir ah xoogga lagu saaray sidii loo soo nooleyn lahaa daxliiska dalka.

”Waxaa hada isbeddel xooggan laga dareemayaa heerka uu gaarsiisanyahay dalxiiska dalka waana arrin seddexdii sano ee la soo dhaafay aan si isdaba joog ah aan kor ugu qaadeynay sidii aan dib ugu soo nooleyn-lahyeyn ayay tiri agaasime farxiyo.

Agaasimagaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf sheekh Al-cadaala ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay munaasbaddaasi iyo waxyaabaha lagu soo bandhigayo.

“Munaasabadaan waxa ugu weyn ay caawa qusyeso waxaa ka mid ah inaan u dabaal degno maalinta dalxiiska iyo sidoo kale inaan asteyno goobaha lagu soo bandhigayo ayuu hadalkiisa ku af-xeray Agaasime Cadaala.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan golaha shacabka sidoo kalene ka mid ah ganacsatada dalka maalgashiga ku sameeyay ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed in amniga uu ka horreeyo maalgashiga dalka taasine lagula dagaalami karo nabad gelyo la’aanta.

“Aniga waxaa qabaa in marka hore laga shaqeeyo maalgashiga taasine aan kula dagaalami karno amni darada ka jirta dalka waana qasab inaan beddelno muqaalka dalkeena ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed shire falagle ayaa wasaaradda warfaafinta ku ammaanay soo bandhista goobaha bilicda leh ee dalka iyo sare u qaadista goobaha dalxiiska dalka.

“Anigoo ku hadlayay magaca dowlad goboleedyada dalka waxaan uga mahadcelinaynaa Wasaaradda warfaafinta sida ay bulshada Soomaaliyeed ugu jiheyneyso sidii loo soo bandhigay goobaha bilicda leh ee uu alle nagu maneystay ayuu hadalkiisa ku adkeeyay Wasiir Falagle.

Sii hayaha Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku dhawaaqay in labo todobaadka kasto ee bishaan kale loo asteeyay maalmaha dalxiiska dalka oo maalinba goobo dalxiis la soo bandhigayo.

“Muddo 14 cesho oo ka bilaabaneyso 13 bisha iyo 27 bishaan waxaan udabaal degeynaa maalmaha dalxiiska Soomaaliyeed waxaana ugu talagalnay in maalinta walba aan soo bandhigno goobno qurux badan ayuu yiri wasiir maareeye.

 

Turkiga oo dib u celiyay Markabka sahanka ah Oruc Reis.

0

Markabka sahanka ah Oruc Reis ee uu Turkigu leeyahay ayaa maalintii shalay aheyd ku laabtay biyaha u dhaw gobolka koonfureed ee Antalya, waana tallaabo dejin karta xiisadaha u dhexeeya Ankara iyo Athens ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee badda.

Dalalka Turkey iyo  Greece oo labaduba ka tirsan isbaheysiga NATO ayaa ku muransan qalfoof-badeedka iyo lahaanshiyaha xuquuqda Tamarta ee laga heli karo bariga badda Mediterenian.

Xiisadaha labada dhinac ayaa cirka isku shareertay bishii hore kadib markii ay Ankara u dirtay Markabka Oruc Reis inuu baaritaan ku sameeyo rajada laga qabo saliidda iyo gaaska biyaha ay kala sheegtaan dalalka Greece, Qubrus iyo Turkiga.

Greece ayaa soo dhaweeeyay tallaabada uu Turkigu dib ugu celiyay Markabka Oruc Reis ee baarista ka waday biyaha labada dal ay ku muransan yihiin, Greece wuxuu sheegay in uu mar walba ilaalinayo daris wanaagga jaarkiisa ah, hase yeeshee Wasaarada difaaca Turkiga ayaa ku gooddisay in aysan Ankara abqali doonin daan-daansiga Greece soo dhex-maraya.

Xoogga dalka oo ku dilay horjoogayaal argagaxiso Gobollada Baay iyo Jubbada dhexe.

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Baay waxaa ay ku khaarijiyeen horjooge sare oo ka tirsanaa malleeshiyada A-lshabaab, kaasi oo u qaabilsanaa dhibaataynta shacabka ku dhaqan magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ka dhacay meel khayaas ahaantii 45-KM dhanka Galbeed kaga beeggan magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay horjooge Ibraahim Macalin Cabdi, kaasi oo magaciisa is afgarashada Al-shabaab lagu sheegay (Ibraahim Geney).

Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 2 qori nooca AK-47 ah iyo Baastoolad leh 8 qasnadood,sida uu ku soo waramay wakiilka warbaahinta Qaranka ee gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq.

Dhanka kale howlgal qorshaysnaa oo ay ciidanka kummaandooska Danab ay ka sameeyeen degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayay ku khaarijiyeen horjoogihii maleeshiyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa diyaarinta qaraxyada iyo afar maleeshiyaad, kuwaasi oo ku dhuumaalaysanayay guri ku yaalo degmada Jamaame, halkaasi oo ay ciidanka kummaandooska ay ku soo qabteen.

saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in horjoogahani oo lagu magacaabo Aadan Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abuu Salmaan) uu dhibaatooyin badan u geystay shacabka ku dhaqan gobolada Jubooyinka, balse ciidanka kumaandooska ayaa ku guuleystay in ay toogtaan.

Tan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedka goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada A-lshabaab,taasi oo ay wadaan ciidanka Xoogga dalka.

Midowga Culimada Islaamka oo khiyaano qaddiyadeed ku tilmaamay heshiiska Baxrayn iyo Israel.

0

Midowga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa si rasmi u muujiyay dareenkiisa ku aaddan heshiiska Dowladda Baxrayn ay la gashay Israel taasi oo ay ku tilmaameen inay tahay khiyaano qaran oo laga gelayo shacabka Falastiin iyo umadda islaamka ah.

Xoghayaha Guud midowga culimada islaamka Ali Al-Qardagi ayaa sheegay in kulankii ugu danbeeyey ee midowga uu kasoo baxay bayaan ay kaga hadlayaan heshiiskaas iyo sida ay u arkaan, isagoo tilmaamay heshiiskaasi uu yahay mid lagu deg degay maadaama Israel ay weli ku adkaysanayso inay sii haysato dhulka umadda islaamka ah ee Falastiin.

 

Madaxwene Farmaajo oo furay shirkii DF iyo Dowlad gobolleedyada (sawirro)

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto.
“Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ugu dadaaleen ka soo qeybgalka shirka , iyadoo haatan loo dhan yahay ka miradhalinta shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furitaanka shirka ka hor waxa uu kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, kuwaas oo ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka.
Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Golaha Ammaanka ee QM oo looga hadlay dedaallada dhaliyarada Soomaalyeed dhinaca Nabadda.

0

Doorka muhiimka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka ciyaareen taageeridda horumarinta dalkooda oo dhawaan soo shaac baxay ayaa diirada lagu saaray kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka yeesheen dhalinyarada, nabadda iyo amniga.

“Inkastoo dhalinyarada Soomaaliyeed ay wajahaan caqabado badan isla markaana ay haystaan fursado xadidan, muddo yar kahor inta aan la soo saarin qaraarka 2250, waxay ka shaqeynayeen abuurista isbedel, dhisida nabadda iyo dardar gelinta horumarka, ‘ayuu kulanka ka yiri la taliyihii hore ee Qaramada Midoobay ee dhalinyarada Soomaaliya, Joao Scarpeling,

“Inta badan kuwaas waa kooxo aan rasmi ahayn oo mutadawiciin ah, oo si hal abuur leh u raadinaya habab ay ku abaabulaan asaaggooda, ayna ku horumariyaan bulshooyinka ilaha kooban iyo inta badan iyaga oo aan haysan taageero hay’adeed, ”ayuu raaciyay.

Golaha ayaa ku baaqay kulan khadka ah – oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Faransiiska iyo Jamhuuriyadda Dominican Arbacadii waxaana lagu qabtay waxa loogu yeero kulan aan rasmi ahayn ee Ggolaha Ammaanka (Arria-formula) kaas oo u oggolaanaya dadka martida – inay  wadaagaan casharrada laga bartay iyo hababka ugu fiican ee la xiriira hirgelinta go’aanno kala duwan oo ku saabsan dhalinyarada, nabadda iyo amniga marka laga hadlayo howlaha nabad ilaalinta ee QM iyo howlgalada siyaasadeed ee gaarka ah, iyadoo Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) uu ahaa midkii ugu dambeeyay.

Markii hore Golaha ayaa muujiyey doorka muhiimka ah ee dhalinyaradu ka qaadan karaan ka hortagga khilaafaadka, xallinta khilaafaadka, dhisidda nabadda iyo joogtaynta nabadda, iyo weliba muhiimadda ay leedahay fududeynta ka-qaybgalka dhallinyarada iyo hoggaaminta dhinacyadaas.

Xeerka lambar 2250 ee Golaha, oo la sameeyay 2015, wuxuu muujiyay doorka muhiimka ah ee dhalinyaradu ka ciyaari karaan ka hortagga khilaafaadka iyo xallinta iyo dadaallada dhismaha nabadda iyo muhiimadda ay leedahay fududeynta fursadaha ka-qaybgalka dhallinyarada. Waxaa xigay xeerarka kale oo lagu dhisay tan sanadihii xigay, sida xeerarka 2419 iyo 2535.

Madaxdii Qaramada Midoobay u hadashay 

Dadka ka hadlay kulanka waxaa ku jiray saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay sida Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Rosemary DiCarlo, iyo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Hawlaha Nabadda, Jean-Pierre Lacroix. Waxay kahadleen shaqooyinka waaxyadooda quseeya, taageerida fulinta qaraarada, iyo hababka ugu fiican ee lagu hirgaliyo dhalinyarada, nabada, iyo ajandaha amniga ee howlgallada Qaramada Midoobay.

Marwo DiCarlo hadalkeeda waxay carrabka ku adkaysay in ka-qaybgalka dhallinyarada ee dadaallada nabadda ay tahay mid waajib ah waxayna ku baaqday in si wax ku ool ah loo hirgeliyo dhallinyarada, ajandaha nabadda iyo amniga, oo ay ku lug leeyihiin dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah.

“Taageerada sii socota ee Dowladaha Xubnaha ka ah iyo muhiimadda Golaha Ammaanka ayaa loo baahan yahay si horumar dheeraad ah looga gaaro ajendahan,” ayay tiri marwo DiCarlo. “Waa inaan ku dhisnaa xaqiiqda ah in ka-qaybgalka muuqda iyo ka mid noqoshada dhallinyarada geeddi-socodka siyaasadeed ee dhismaha nabadda aan mar dambe loo arkin ikhtiyaar ama wax lagafikirayo. Waxay si sax ah u noqotay mid ka mid ah tiirarka aasaaska u ah ajendaha joogtaynta nabadda.”

Dhankiisa mudane Lacroix ayaa xusay in hawlgallada nabad ilaalinta ay si muuqata uga gacan gaysanayaan hirgalinta go’aamada ku saabsan dhalinyarada, nabadda iyo amniga, balse in badan wali loo baahan yahay in la qabto.

“Dhalinyarada ayaa udub dhexaad u ah nabadda. Si ay fursad u helaan, waa in wax laga qabto baahiayahooda; codkooda ayaa xoogaystay hawlahooduna waa horumartay” ayuu yiri.

Dhalinyaradii hadashay  

Dadkii kale ee hadlay waxaa ka mid ahaa la taliyaha iyo isku duwaha barnaamijka dhalinyarada, nabada iyo amniga ee Hawlgalka Maamulka ku meel gaarka QM ee Kosovo (UNMIK), wakiilka QM ee Xaqiijinta Howlgalka ee Kolombiya, iyo mudane Scarpelini, oo hada ah khabiir madax banaan oo afartii sano ee ugu danbeesay ku shaqeenayay doorka la-talinta dhalinyarada ee Soomaaliyeed.

Markuu kasoo muuqday kulanka Golaha mudane Scarpelini wuxuu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay si fudud beesha caalamka u waydiisanayaan caawimaad: “waxay rabaan in la maqlo oo la arko, waxay kaloo rabaan in la aqoonsado waxqabadkooda togan, waxayna rabaan fursado iyo hay’ado ay kaga qayb qaadan karaan kor uqaadida dalkooda oo ay aadka u jecelyihiin”.

Wuxuu sheegay in samaynta qaraarka 2250 ee Golaha ay ahayd fursad iyo aqoonsi ay raadinayeen dhalinyaro badan oo Soomaali ah.

“Maalmo gudahood samaynta qaraarkan, ururada ay hogaaminayaan dhalinyaro oo ay taageerto Xafiiska QM ee Soomaaliya waxay qabteen munaasabad qaran, oo ay ka qaybgaleen 300 oo gabdho iyo wiilal isugu jira oo ka kala yimid dhammaan maamul goboleedyada dalka. Munaasabada ayey dhalinta Soomaaliyeed ku sameeyeen heeshiis nabada ee dhaliyarada Soomaaliyeed, maxalliga ay soomaalidu hoggaamineyso oo ay Soomaalidu leedahay oo ku saabsan qaraarka 2250 oo leh soo jeedimo wax ku ool ah iyo xalal maxalli ah si nabad waarta loogu soo dabaalo dalka,” ayuu yiri.

Isigoo hadalkiisa sii wata “Dhalinyarada ayaa  sidoo kale ku xujeeyay QM  iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya inay ku socdaan dadaallada muhiimka ah isla markaana abuuraan madal wadahadal.”

Farsamooyinkii Dhallinyrada Soomaaliyeed  

Farsamooyinkaasi waxay ahaayeen shirk waynihii sanadlaha ahaa ee Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo madal siinayey dhalinyaro ku kala socday sooyaallo kala duwan, Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo qabiillada inay isu yimaadaan oo ay helaan meel ay ku mideysan yihiin; tan labaad, Golaha La-talinta Dhallinyarada ee Qaramada Midoobay, oo la aasaasay 2018, si loo siiyo kooxda QM ee ku sugan Soomaaliya talooyin la taaban karo oo ku salaysan waaya-aragnimada nololeed ee dhallinyarada; iyo, marka saddexaad, Guddiga Wadajirka ah ee Dhallinyarada Gaalkacayo, oo ah farsamada rasmi ah oo lagu fududeynayo ka-qaybgalka dhallinyarada ee geedi-socodka rasmiga ah nabadda Gaalkacayo.

Waxyaabahaas midkoodna lama gaari lahayn haddii aan awoodi weyno inaan abuurno iskaashi dhab ah. Wadashaqeyn lala yeesho maamulada Soomaalida heerar kala duwan. Iskaashi lala yeesho ururada ay hogaamiyaan dhalinyarada iyo hogaamiyaasha dhalinyarada. Laakiin gaar ahaan, wadashaqeyn dhab ah oo dhex marta xafiiska QM Soomaaliya iyo Kooxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ”ayuu yiri md Scarpelini.

Dadaallada ay sameeyeen hawlgallada nabadda ee Qaramada Midoobay si loo hirgeliyo go’aammada la xiriira dhallinyarada, nabadda iyo amniga ayaa waxaa si wayn u soo dhoweeyey kasoo qaybgalayaasha kulanka.

“UNSOM iyo dawladda Soomaaliya oo wadajira waxay ka wada shaqeynayeen sidii dhalinyarada loogu fududeyn lahaa heshiiska nabadeed waxayna aasaaseen guddi lataliya dhalinyarada”.ayuu yiri wakiilka ka socday dalka Indonesia, Dian TriansyahDjani “Tani waxay gacan ka geysaneysaa wax ka qabashada faquuqa waxayna u abuureysaa wadooyin dhalinyarada Soomaaliyeed fursad ay ku helaan waxbarasho tayo leh iyo fursado shaqo. Waxaan u baahannahay inaan tan kusoo celino howlgallada kale ee Qaramada Midoobay.”

unsom

Maamulka Gobolka Banaadir oo ugu baaqay bulshadiisa in ay canshuur bixiyaan si dib loogu celiyo adeeg wanaagsan.

0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xassan Iimaan ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayey dar-dargelinta, sare u qaadista dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar iyo qaadista Canshuuraha Guryaha.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb-galeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha qaabilsan dakhliyada Dowladda Hoose ayaa waxaa baaq loogu diray shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay noqdaan Canshuur bixiyeyaal.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa xusay  in canshuurta ay bixiyaan shacabka  dib loogu soo celin doono bilicdii Caasimada isla markaana wax looga qabto adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada u baahan-yihiin sida Waxbarashada, Caafimaadka, Nadaafada iyo dhismaha Kaabayaasha muhiimka ah.