Morocco oo noqotay dalkii lixaaad oo Carab ah oo la heshiiya Israel.

Date:

Morocco ayaa noqotay  wadankii u dambeeyay oo ka tirsan jaamacadda Carabta oo Israel kula heshiiya soo celinta xiriirka diplomaasiyadda iyadoo Mareykanka ka shaqeeyay saxiixa heshiiskan.

Heshiiska waxaa qeyb ka ah in Mareykanku aqoonsado in gobolka Galbeedka Sahara oo ka tirsan yahay dalka Morocco.

Muran ayaa ka dhex taagnaa Morocco iyo jabhadda Algeria taageerto ee Polisario oo doonaya in ay gobolka Galbeedka Sahara ka dhigaan dowlad ka madaxa banaan Morocco.

Morocco ayaa noqtay wadankii affaraad oo Israel heshiis diplomaasiyadeed la galay tan iyo bishii August ee sanadkan.

Waxaa horey sidan oo kale, heshiis kula galay Israel dalalka; Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Suudaan.

Horey waxaa xiriir diplomaasiyadeed oo toos ah la lahaa Israel Masar iyo Jordan, Morocco waxay noqotay dalkii lixaad oo jaamacadda Carabta ka tirsan oo Israel la heshiiya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiskan ku shaaciyay khamiistii bartiisa Twitter, isagoo yiri. “Heshiis kale oo taariikhi ah maanta! Labada dal ee saaxiibka weyn ah Israel iyo Boqortooyada Morocco ayaa ku heshiiyay in ay yeeshaan xiriir diplomaasiyadeed- waa talaabo weyn oo loo qaaday nabadda Bariga Dhexe!”.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mr. Trump iyo Boqor Maxamed lixaad ee Morocco waxay ku heshiiyeen in la hirgeliyo xiriir diplomaasiyadeed oo dhex mara Morocco iyo Israel, sidoo kale kor loo qaado dhex galka dhaqaalaha, iskaashiga dhanka dhaqanka ah si loo horumariyo xasiloonida Bariga Dhexe.

Hesiiska waxaa ku jira in xafiisyo diplomaasiyadeed ka kala furtaan labada dal magaalooyinka Tel Aviv iyo Rabat, sidoo kalena Meesha laga saaro xiriir heerkiisa hooseeyay ee 2000 bilowday kaas oo ka dambeeyay cabashadii Falastiiniyiinta, saraakiil Morocco ah ayaa sheegay in heshiiska sidoo kale ku jirto in dhowaan la bilaabo duulimaadyo toos ah oo labada dhinac ah.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah, waxaana uu u mahad celiyay Boqorka Morocco.

Sidoo kale, qasriga Morocco bayaan ka soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay heshiika, ayagoo sheegay in Boqorka uu telefoon kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Trump isla markaana lagu heshiiyay in Morocco iyo Israel yeeshaan xiriir diplomaasi.

Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa soo dhoweeyay hesiiska Morocco iyo Israel.

Hase yeeshee, waxaa sidii caadada aheyd cambaareeyay heshiiskan madaxda Falastiin ayagoo sheegay in heshiiskan uu dhiirigelin u yahay Israel oo dafirsan xuquuqda Falastiiniyiinta.

Boqorka Morocco ayaa sheegay in talaabadan aysan wax u dhimi doonin dadaaladda boqortooyada ee ku aadan raadinta xuquuqda Falastiin.

Waxaa uu intaas ku daray in Boqorka uu la hadlay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas isla markaan ay xaqiijiyay in aysan waligood ka tanaasuli doonin xuquuqda Falastiin ee ku maqan Israel.

“Waligiis kama tanaasuli doono difaacidda xuquuqda sharciyeed oo ay leeyihiin dadka Falastiin,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay qasriga Boqorka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...