Home Blog Page 787

Germany oo qorsheynaya in uu magan galiyo qaxooti ku sugan Greece.

0

Dalka jarmalka ayaa qorsheenaya in uu 1,500 oo qaxooti ah ka soo qaado dalka Greece islamarkaana uu siiyo daganaasho.

Hoggaamiyaha Germany Angela Merkel iyo wasiirka arrimaha gudaha Horst Seehofer ayaa isku raacay tallaabadan waxaana xoogga la saari doonaan dadka qaxootiga ah ee caruurta wata.

Jarmalka waxaa uu horay go’aamiyay in uu qaato 150 caruur aan cidna la socon kuwaas oo qeyb ka ahaa qorshaha midowga Yurub ee lagu taageerayo Caruurta aaney cidna wehelin ee qaxootiga ku ah Gariiga.

Cadaadiska Yurub lagu saarayo in ay aqbasho qaxootiga ayaa yimid kadib markii dab qabsaday xeryo qaxooti oo lagu magacaabo Moria waxaana ku guryo beelay oo iminka dibadda jiifa 12,000 oo qof .

Kumannaan qoys oo ku barakacay fatahaado cusub oo uu sameeyay wabiga Shabeelle.

0

Waxaa kordhay qasaaraha hantiyeed iyo saamaynta nololeed ee ka dhalatay Webiga Shabeelle oo ku fatahay illaa 92-tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe ayaa SONNA u sheegay in ay fatahaadda Webiga ku barakaceen in ka badan 244-kun oo Qoys, kuwaas oo isugu jiray Beeraley, Xoolo dhaqato iyo dad tuulooyinka daganaa, kuwaas oo hadda u baahan kaalmo.

Dhul beereed badan oo ay ka baxayeen dalagyada Sisinta, Galleey, Bariis, Digir iyo khudaarta nuoocyadeeda kala duwan ayaa sidoo kale ku baaba’ay fatahaadda Webiga, waxaana beeraleyda oo faa’iido ka filayey tacabkooda ay hadda ku qasbanaadeen inay cid kale ku tiirsanaadaan.

Dadka ku barakacay fatahaadda ayaa qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay maareeyaan nolol maalmeedkooda, waxaana wali jira cabsi laga qabo inay fatahaaddu gaarto deegaano kale, xilli waddooyinka qaar ay biyo lixaad leh ay xireen, sida maamulka gobolku sheegay.

Fatahadda wabiga Shabeelle oo ku soo laalaabatay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa khasaaro maaliyadeed gaarsiisay bulshada gobolladaas oo markii horeba u nuglaa masiibooyinka dabiiciga ah, waxaana ay fatahaaddu caqabad ku noqotay wax soo saarkii beeraha iyo hankii ay dadku ka lahaayeen inay koboc dhaqaale sameeyaan.

Madaxweyne Qoor-qoor oo maanta hortegaya Golaha Aqalka Sare.

0

Madaxweynaha  Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta lagu wadaa inuu ka qeyb-galo kulanka Aqalka Sare ee BFS.
Qoor Qoor ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo xarunta Aqalka Sare, taas oo uu uga hadlayo arrimaha Galmudug, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirka Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay dhammaan Senatorada Aqalka Sare in kulanka maanta uu mihiim yahay, isla markaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug   xildhibanadan  ay su’aallo weydiin doono Madaxweyne Qoor Qoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan sagootin ah u sameeyay Naadiga Dowladda Hoose+Sawirro.

0

Maamulka gobolka banaadir ayaa kulan sagootin u sameeyay naadiga Dowladda hoose ee xamar oo safar Isboorti ugu amba-baxaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

Guddoomiye Ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Mudane. Axmed Xasan Iimaan, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maxamed Axmed Cantoobo, Afhayeenka Gobolka,Saalax Cumar La-taliyeyaal ka tirsan maamulka gobolka banaadir iyo madaxtooyada qaranka ayaa ka qeyb-galay munaasabada sagootinta iyagoona u rajeeyay Cayaartoyda iyo madaxda naadiga MCC in ay guul kala soo laabtaan kulamada ciyaareed oo ay wajihi doonaan naadiyada ka dhisan deegaannada dowlad goboleedka Puntland.

Masuuliyiinta ayaa ayaa guud ahaan kooxda kula dar daarmay inay soo bandhigaan ciyaaro ku qotoma anshax iyo kala dambeyn waxaana ay urajeeyeen guul.

 

Madaxweyne Lafta Gareen oo la kulmay Taliyaha ciidanka Xoogga dalka.

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deganyahay muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

Madaxweynaha ayaa Warbixin ku saabsan Amniga iyo guulaha laga gaaray Ciribtirka argigixisada ka dhagaystay Taliyaha waxaana uu tilmaamay Generaal Odowaa in cadowga A-lshabaab qasaaro iyo jab xooggan loogu geystay howlgaladii ka socday qeybo kamid ah Gobolada Koonfur Galbeed.

Taliye Odowaa ayaa sheegay Ciidanka Xoogga ay ku howlan yihiin sidii guud ahaan dalka looga sifeyn lahaa maleshiyada Al-shabaab iyagoo sidoo kale billaabi doonan howl-galo ku aadan furidda waddooyinka deegaannada iyo xureynta goobaha ay kaga harsanyihiin Argigixisada deegaannada Koonfur-Galbeed .

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Taliyaha uga mahadceliyey kuna bogaadiyey howlgalada ay wadaan ciidanka xoogga dalka ee lagu si feynayo Argigixisada ee ka socda guud ahaan dalka waxaana uu Xusay Madaxweynaha ay ka go’antahay sidii cadowga loogu si feyn lahaa goobaha ay kaga harsanyihiin deegaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Trump oo booqday goobaha uu dabka ka kacay ee Gobolka California.

0

Madaxweyne Trump oo meesha ka saaray walaaca laga muujiyay dhibaatada isbedelka cimilada xilli uu booqday goobaha dabka uu ka hurayo ee gobolka California, waxaa uu saraakiisha maxaliga ah u sheegay in dabka uu soo qaboobayo.

Dabka ka kacay gobolada California, Oregon iyo Washington ayaa baabi’iyay dhul badan kaas oo ay ku naf-waayeen ugu yeraan 36 ruux tan iyo horraanta bishii August ee sanadkan.

Dadka naqdiya siyaasadda Trump ayaa sheegay in sababta dabka soo cel celisay ay tahay maamul xumo dhanka keymaha ah.

Isniintii, musharaxa xisbiga demoqraadiga Joe Biden ayaa Madaxweyne Trump ku sifeeyay uga sii daraha isbedelka cimilada.

Gobolka California ayaa ah halka uu sida weyn u saameeyay dabka iyadoo 25 ruux ugu geeriyoodeen dabkaasi.

Waaxda qaran ee cimilada ayaa digniin adag ka soo saartay dabka in uu saameyn karo gobolo kale ee Mareykanka.

Afartii sano ee Madaxweyne Trump uu xafiiska jooga waxaa soo laa laabtay gubashada keymaha gobolo badan ee Mareykanka ah.

Dad shacab ah oo ku geeriyooday qarax Al-shabaab ay ku aaseen duleedka Xudur.

0

Wararka ka imaanaya magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah ku qaraxday  dad shacab ah oo mooto saddex lugooley saarnaa, qaraxaasi  oo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay aaseen.

6 qof oo shacab culimada deegaanka ah ayaa ku geeriyootay 2 kalena waa ay  ku dhaawacmeen qarax miino dhulka lageliyey oo haleeshey mooto 3 lugooley ah,taasi oo ay saarnaayeen 8 ruux oo 2 ka mid ah walaalo yihiin.sida uu soo sheegay Maxamed Xasan Cabdiraxmaan Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee Bokool.

Qaraxan wuxuu ka dhacay meel Xuddur u jirta 25-KM ugana beeggan dhanka waqooyi waana wadada xiriirisa magaalooyinka Ceelberde, Quracjoome iyo gobolka Hiiraan.

Culimadaan ayaa la sheegey in ay ku socdeen guri lagu casuumay oo qur’aan ku akhriyaan, waxana saaka lagu aasayaa tuulada Banjinaay oo 15-km u jirta magaalada Xuddur ,halkaas oo markii hore ay ka baxeen.

Aragagaxisada Al-Shabaab ayaa ka dambaysay falkaan lagu xasuuqay culimadaan aan waxba galabsan.

Maxkamadda Dastuurka dalka Ivory Coast oo ogolaatay Musharaxnimada Madaxweyne Alassane Ouattara.

0

Maxkamadda dastuuriga dalka Ivory Coast ayaa ogolaatay in madaxweyne Alassane Ouattara uu u tartami kado markii sadexaad jagada madaxtinimada dalkaas oo dhici doonta 31 bisha soo socota ee October, inkastoo mucaaradka sheegeen in musharaxnimada madaxweynaha ay khatar gelinayso dimoqraadiyada dalka dhaca galbeedka Afrika.

Dastuurka dalka ayaa dhigaya in madaxweynaha labo xilli oo keli ah loo ogol yahay in uu isu soo taago madaxtinimada laakiin madaxweyne Ouattara ayaa ku doodaya in wax ka bedelkii dastuurka lagu sameeyay 2016 uu u saamaxayo in mar sadexaad isu soo sharaxo xilkan.

Guddiga doorashooyinka ayaa liiska 44 musharax ka soo reebay afar keliya waxaana dadka loo diiday in ay tartanka ka qeybgalaan kamid ah madaxweynihii hore ee dalkaas Laurent Gbagbo iyo hoggaamiye kooxeed hore oo lagu magacaabo Guillaume Soro.

Isniintii booliiska iyo mudaaharaadiyaal ka soo hor jeeda madaxweyne Ouattara ayaa isku dhacay, banaan baxayaasha ayaa waddooyinka xiray kuwaas oo booliisku kala ceyriyeen.

Madaxweyne Ouattara ayaa bishii Maarso ee sanadkan sheegay in uusan ka qeybgali doonin tartanka doorashada laakiin wax kasta ayaa isbedeley markii uu geeriyooday musharaxii xisbiga talada haya ee dalka Ivory Coast.

2010 dalka Ivory Coast waxaa ka dhacay dagaal sokeeyay oo ay ku dhinteen 3,000 oo ruux rabshadaha ayaa ka dambeeyay markii madaxweynihi xilligaas ee Laurent Gbagbo uu diiday in doorashada looga adkaaday.

Taliyaha Asluubta oo tabobar usoo xeray ciidamo ka tirsan taliskaasi [sawiirro]

0

Munsabad tabobar loogu xerayay dufcaddii 1-aad ee ciidamo ka tirsan Asluubta isla markaana tabobar kale loogu furay dufcadii 2-aad ee  ciidamada Asluubta, ayaa waxaa ka qeebgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo saraakiil kale.

Tabobarka oo socday 45 cisho ah ayaa lagu barayay ciidanka sida loo ilaaliyo xabsiyada dalka iyo dhaqan celinta maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in ciidamadan ay ka shaqeyn doonaan Xabsiga dhaxe isagoo balanqaday in ammaanka Xabsiga dhexe aad loo adkeen doono si aysan u dhicin falal la mid ah kii ugu dambeyay ee dhacay bishii hore.

Taliska Ciidanka Asluubta ayaa wada dadaalo ku aadan sidii loo tayeyn lahaa ciidanka asluubta soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyisiinta maxaabiista ee mustaqbalka.

     

Wasiirka Maaliyadda Galmudug oo xariga ka jaray xafiis ka shaqeynaya uruurinta canshuuraha [sawirro]

0

Wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah-furay Xafiiska dakhliga Caasimadda oo ka shaqeynaya soo uruurinta iyo xisaabinta dakhliga Canshuuraha waana xafiiskii labaad ee Wasaaraddu ku yeelato xarunta caasimadda.

Xafiiskan oo hoostagaya Wasaaradda maaliyadda Galmudug waxa uu qaban doonaa daqliga ka soo xarooda magaalada Dhusamareb ee Caasimada Galmudug, waxaana ka howlgalaya shaqaale loo carbiyay shaqada Xafiiskaasi.

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ayaa Bilihii la soo dhaafay deegaannada Galmudug waxa ay ka hirgalinaysay xafiisyada la socodka iyo dabagalka Canshuur qaadista, taas oo kor u qaadaysa hannaan Maaliyadeedka ee Galmudug.