Home Blog Page 787

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga oo kulan la qaatay wafdi ka socday Midowga Yurub+(SAWIRRO).

0

Ku-simaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cali Xuseen ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka socotay Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay Lataliyaha  sare ee ilaalada xeebaha.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu lafa guro qorshihii waxqabad ee 2020-ka wixii ka hirgalay, caqabadaha jira sidii looga gudbi lahaa., iyadoo kulanka diiradda lagu saaray qorshaha 2021-ka iyo sidii la iskala kaashanlahaa fulintooda.

Saraakiisha ka soctay Xafiiska Midowga Yurub ayaa ugu dambeentii ka mahadceliyay soo dhaweenta heerka sare leh ay Wasaaraddu u sameeysay, ayagoona balaqaaday in ay sii adkeen doonaan wadashaqaynta Wasaaradda Amniga sidoo kale ay sii joogteyn doona tababaridda, qalabeynta iyo dhismaha ciidamada ilaalada xeebaha si looga hor tago falalka dambe ee ka dhaca badaha.

Kulanka kaddib Agaasimaha  amniga xeebaha  Wasaaradda amniga mudane Cali Cosoble Cali oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay wafdiga ka socday Midowga Yurub kala hadleen ay ugu horeyso xoojinta iskaashiga ka dhexeysa Wasaaradda Amniga iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha Gobolka Bari oo la kulmay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha Gobolka Barri Mudane Cabdimsamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta xafiiska maamulka Gobolka Bari kulan kula qaatay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Mudane Siciid Cismaan Aadan.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxay uga wada hadleen shaqooyinka ay Wasaaraddu ka hayso Gobolka Barri sidii loo sii horumarin lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa Wasiirka kala hadlay khasaarahii ay xoolaha iyo xoola-dhaqatadu saamaysay Dufaantii iyo roobabkii dhawaan Gobolka ka da’ay.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen bad qabka xoolaha nool ee hada ku sugan miyiga iyo magaalooyinka Gobolka Bari iyo sidii loogu gar-gaari lahaa dadka ay saamaysay duufaantu.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Akhrinta 2aad marsiiyay sharciga dhismaha Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga.

0

Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka ee maanta oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa ugu horeyn Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu kulanka Golaha ka hor akhriyay warbixinta qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka.

Sida xeer hoosaadka Golaha uu qabo aanu Akhrinta koowaad wax dood ah ka furneyn waxa ay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Wasiirku weydiiyeen su’aalo intooda badan khuseeya Arrimo ay ka mid yihiin mushaaraadka dibloomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Safaaradaha ka howlgala, Cadaaladda iyo Maxkamadaha iyo sidoo kale balan qaad uu  Wasiirka maaliyadda sameeyay dib u eegista miisaaniyadda 2020-ka lagu sameeyay bartamihii sanadkan sii dhamaanaya, taasoo aheyd in uu bixin doono dhowr bilood oo ah lacago mushaaraad ah oo ka maqan Xildhibaannada qaarkood, sidoo kale Wasiirka ayaana su’aalahaas ka jawaabay.

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigelinta maalgashiga, waxaana Xildhibaannada qodobada Hindise sharciyeedkan u akhriyay guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in ka doodista Hindise sharciyeedka dib loo dhigay.

Taliye ku-xigeenka booliska iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb+(SAWIRRO).

0

Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa sidiiran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Socdaalka Taliye ku-xigeenka booliska oo ay ku wehliyaan saraakiisha cusub ee Taliska Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug iyo Taliyaaasha Saldhigyada Booliiska, qaar ka mid ah Degmooyinka Galmudug ee dhowaan lagu magacaabey wareegto ka soo baxdey xafiiska Taliyaha  Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliye ku-xigeenka ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb.

Wafdi Wasiiro ah oo ka socday dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Xudur+(SAWIRRO).

0

Wafdigaan oo isugu jirey Wasiiro, Xildhibaanno iyo Maamulka Cusub ee Gobolka Bakool ee dhowaan la soo magacaabay waxa horkacayey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib uheeshisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ku soo dhoweeyey maamulkii hore Gobolka Bakool. Maamulada Degmooyinka, odayaasha dhaqanka, culimaa’udiin, haween iyo ururrada dhallinyarada.

Xubnaha wafdiga oo ka kooban Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Amniga, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maareynta iyo Musiibooyinka, Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bakkol ayaa salaan la dhexmaray dadweynihii soo dhoweynta ka qeyb galay.

Soo dhoweyn ka dib Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heeshisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa sheegay ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee Gobolka loo soo magacaabay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta ciidanka Qeybta 27aad ee Lamagalaay (Baladweyne)

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtar Xuseen Afrax ayaa kormeer ku tegay xarunta Ciidanka Xooga Dalka ee Qeybta 27 ee magaalada Balaedweyne.

Wasiirku waxa uu u kuurgalay xaaladda ciidanka oo shaqo weyn ka haya deegaanka, taas oo ay ugu horeyso ilaalinta amniga iyo badqabka shacabka.

Wasiirku waxa uu warbixin ka dhagaystay saraakiisha ciidanka uu ugu horeeeyo Taliyahaya Guutada 5naad ee Qeybta 21aad Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim  iyo saraakiisha kale ee hogaanada kala gadisan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku wareejiyey ciidanka laba neef oo geela, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba laabaan shaqada Qaran ay Ummadda Soomaaliyeed u hayaan gaar ahaan shacabka Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa kala hadlay arrimaha doorashooyinka+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan.

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale.

Aqoon kororsi loo furay qaar kamid ah xildhibaannada Hirshabeelle+(SAWIRRO).

0

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa magaalada Muqdisho uga furay aqoon kororsi ku saabsan howlaha baarlamaanka,qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle.

Aqoon kororsigaan oo ay fududeysay Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Horumarka ee UNDP, Ayaa socon doona muddo laba maalin ah.

Xildhibaanada ka qeyb galaya Aqoon korosiga ayaa la filayaa iney helaan faham Ku saabsan Shaqada Baarlamanka iyo Gudashada waajibadka Dastuuriga ah.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta lagu wado in uu Garowe kula kulmo Madaxda Puntland.

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wefdi uu hoggaaminayo ,ayaa manta la filayaa in magaalada Garowe ay kulan kula yeeshaan Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee maamulkaasi.

Kulamada manta ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yhiin xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo dardargalinta howlaha la xiriira nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay.

Ra’iisul wasaaraha  oo ay la socdeen xubno ka tirsan golahiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda federaalka ah,waxaa shalay ay gaareen magaalada Garowe,halkaasi oo loogu sameeyay xaflad soo dhoweyn ah.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane  Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa socdaalkaan oo kale horey ugu tagay magaalada Beydhabo oo xarun u ah maamulka Koofur Galbeed.

Golaha shacabka oo ka doodaya ajendeyaal muhiim ah.

0

Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maanta in kulan ay ku yeeshaan xaruntooda KMG-ka ah ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah:

1 – Akhrinta  koowaad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2021-ka.

2 –Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.

Muddo xileedka xildhibaannada golaha shacabka ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban waxaana horyaal ajendayaal muhiim ah iyo miisaaniyadda sannadka 2021-ka.