Wafdi Wasiiro ah oo ka socday dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Xudur+(SAWIRRO).

Date:

Wafdigaan oo isugu jirey Wasiiro, Xildhibaanno iyo Maamulka Cusub ee Gobolka Bakool ee dhowaan la soo magacaabay waxa horkacayey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib uheeshisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ku soo dhoweeyey maamulkii hore Gobolka Bakool. Maamulada Degmooyinka, odayaasha dhaqanka, culimaa’udiin, haween iyo ururrada dhallinyarada.

Xubnaha wafdiga oo ka kooban Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Amniga, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maareynta iyo Musiibooyinka, Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bakkol ayaa salaan la dhexmaray dadweynihii soo dhoweynta ka qeyb galay.

Soo dhoweyn ka dib Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heeshisiinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa sheegay ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee Gobolka loo soo magacaabay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...