Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Akhrinta 2aad marsiiyay sharciga dhismaha Hay’adda Dhiirigelinta Maalgashiga.

Date:

Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka ee maanta oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa ugu horeyn Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu kulanka Golaha ka hor akhriyay warbixinta qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka.

Sida xeer hoosaadka Golaha uu qabo aanu Akhrinta koowaad wax dood ah ka furneyn waxa ay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Wasiirku weydiiyeen su’aalo intooda badan khuseeya Arrimo ay ka mid yihiin mushaaraadka dibloomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Safaaradaha ka howlgala, Cadaaladda iyo Maxkamadaha iyo sidoo kale balan qaad uu  Wasiirka maaliyadda sameeyay dib u eegista miisaaniyadda 2020-ka lagu sameeyay bartamihii sanadkan sii dhamaanaya, taasoo aheyd in uu bixin doono dhowr bilood oo ah lacago mushaaraad ah oo ka maqan Xildhibaannada qaarkood, sidoo kale Wasiirka ayaana su’aalahaas ka jawaabay.

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigelinta maalgashiga, waxaana Xildhibaannada qodobada Hindise sharciyeedkan u akhriyay guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in ka doodista Hindise sharciyeedka dib loo dhigay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...