Home Blog Page 786

Madaxweynaha JFS: “Si aan shisheeye inoo soo faragelin,waa in aan inagu leenahay go’aanka arrimaheena.+sawirro.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku maamuusay Madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa tilmaamay in isu tanaasulka iyo ka shaqeynta danta guud ay aas-aas u tahay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo rajo gelinaysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, maadaama dalkeenna ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo ay waajib tahay in si walaaltinimo leh aynu uga fakarno mustaqbalka iyo aayaha Qarankeenna.

“Si aan shisheeye inoo soo faragelin, waa in aan innagu leenahay go’aanka arrimaheenna, ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan, masuuliyaddeedana aan qaadanno. Dalkeennu in uu xasilo oo dadkeennu isfahmaan dalal iyo shakhsiyaad ayaa u arka khasaarahooda.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyey duruufaha ku xeeran doorashooyinka dalka iyo dadaalka muuqday ee Dowladda Federaalka ay ku bixisay hirgelinta doorasho loo dhanyahay oo ka tarjumeysa rajada iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka dalka talaabooyinka dhaxal-galka ah ee ay ka hirgeliyeen qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Guddigaas loo kordhiyo wakhtiga, si dalka loogu celiyo khibraddooda iyo miro-dhalka tacabkii lagu bixiyey.

Munaasabaddan casho-sharafta ah waxaa lagu maamuusay Ku-Simaha Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

                   

Ciidamada Afgambiyay Xukuumaddii Mali oo qrsheynaya dhisidda Dowlad rayid ah.

0

Kooxda ciidanka ah ee afgambiga kula wareegtay dalka Mali ayaa billaabay qorshe ay ku magacaabayaan Madaxweyne ku meel gaar ah.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii madaxda wadamada galbeedka afrika ay ku hanjabeen in ay cunaqateyn saari doonaan dalka aan badda laheyn ee Mali hadii aan awooda shacabka lagu wareejin .

Ururka ay ku mideysan yihiin waddamada galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa muddo isbuuc ah u qabtay ciidanka Mali in ay ku dhisaan madaxweyne rayid ah.

Kooxda ciidanka ee talada heysa ayaa doonaya in 18 bilood ay kor ka maamulaan doowlad rayid oo ku meel gaar ah balse waxaa arintaasi diiday mucaaradka.

Bishii August ee sanadkan ayaa ciidanku afgambiyeen dowladdii shacabka ahayd ee la soo doortay iyaga oo sheegay in ay musuq baahsan dalka ka waday.

Tirada bulshada caalamka ee uu ku dhacay Covid 19 oo gaartay 30 malyan.

0

Cudurka Covid-19 ayaa  galaaftay nolosha 940 kun oo qof oo daafaha dunida ku nool, tirada cudurkaan haleelayna waxay gaartay  30 milyan, sida ku cad warbixintii u  dambaysay ee Jaamacadda Johns Hopkins soo sartay maanta oo khamiis ah.

Dalka Mareykanka ayaa ugu sareeya liiska wadamada uu sida aadka ah u saameeyay karona, waxaana u dhintay dad gaaraya 197,000 oo qof,  halka tirada dadka cudurkaan qaba ay gaartay in ka badan 6.6 milyan.

Tirada dadka uu ku dhacay dalka Hindiya waxay kor u dhaaftay 5 milyan, illaa iyo haddana in ka badan 82 kun oo qof ayaa u dhimatay.

Dalka Brasil, oo kaalintaa seddexaad ku jira ayuu cudurku haleelay dad gaaraya  4.4 milyan, waxaana laga diiwaan geliyay inuu galaaftay nolosha dad kor u dhaafaya 134,000 ilaa iyo hada.

Dalalka Ruusha, Peru iyo Kolombiya ayaa iyaguna ku jira wadamada uu sida  saa’id u saameeyay saf-marka karoona.

Xoogga dalka oo gacan siiyay Ganacsatada magaalada Xudur.

0

Gawaari nooca xamuulka ah oo u rarnaa ganacsato, isla markaana xayirnaa in muddo ah, ayaa gaaray Magaalada Xuddur ka dib howlgallo miino sifeyn ah oo ciidamada xoogga dalka ee gobolka Bakool ay ka sameeyeen waddada isku xirta Quracjoome iyo Xuddur.

Ciidamada xooga dalka guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa howlgal ay ku xaqiijinayaan ammaanka waddada ku saneeyey taas oo shacabka ku dhiiragelisey in si kalsooni ah waddada ku maraan.

Taliyaha Ururka 51-aad guutada 9-aad gobolka Bakool Deerow Macalin Cabdi ayaa sheegey u jeedada howgalkooda inuu ahaa badbaadinta nafta iyo hantida shacabka,wuxuuna intaasi ku daray in naftooda ay u hurayaan ilaalinta karaamada shacabka soomaaliyeed.

Labo maalin ka hor ayeey aheyd markii aa maleeshiyada Al-shabaab ay waddada geliyeen miino waxyeello gaarsiiyay dad shacab ah waxana arintaasi ay abuurtay  baqdin laga qabo isticmaala waddooyinka mara meelaha shabaabka ku dhuumaaleystaan.

Ra’iisul wasaaraha Libiya Fayez al-Sarraj oo is casilaya.

0

Ra’iisul wasaaraha dowladda QM aqoonsan tahay ee Libya Fayez al-Sarraj, ayaa sheegay in xilka ka degi doona dhammaadka bisha soo socota ee October isagoo xilka ku wareejin doona maamul cusub, waase haddi ay miro dhalaan wadahadalada siyaasadeed ee hadda socda kuwaas oo la doonayo in Libya loogu sameeyo dowlad wadaag ah.

Khudbad kooban oo uu telefishinka dowladda ka baahiyay ayuu arbacadii ku sheegay ra’iisul wasaare al-Sarraj in meel wanaagsan ay marayaan wadahadalada QM dhex dhexaadinayso ee u dhexeeyay dhinacyada isku haya dalka Libya, waxaa uu sheegay in wajigii loogu diyaar garoobayay dhismaha dowlad midnimo qaran hadda lagu jiro.

Al-Sarraj ayaa hogaaminayay dowladda heshiis qaran ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhisa caasimada Tripoli, waxayna dagaal kala dhexeeya kooxda uu hogaamiyo janaraalka falaagada ah ee Khalifa Xaftar oo ku xoogan bariga dalka.

Maleeshiyaadka Xaftar waxaa taageera dalalka; Imaaraadka Carabta, Masar iyo Russia kuwaas oo duulaan ku soo qaaday caasimadda Tripoli bishii Abril ee sanadkii 2019, si ay ugala wareegaan dowladda al- Sarraj Tripoli , laakiin gulufkaas waxaa fashiliyay dowladda Libya oo Turkiga taageero.

Cadaadis caalami ah ka dib wufuudadda labada dhinac waxaa lagu qasbay in ay kulmaan horaantii bishan, waxayna soo saareen heshiis hor u dhaca ah oo tibaaxaya in muddo 18 bilood gudahood la qabto doorasho isla markaana magaalada Sirte noqoto meel ciidan ka caagan.

Sirte oo ah magaalo xeebeed waxaa maamula Xaftar, waana halka laga dhoofiyo shidaalka Libya.

Maleeshiyaadka Xaftar ayaa joojiyay dhoofinta shidaalka dowladda Libya bishii Janaayo, taas oo aheyd isha dhaqaale ee ugu weyn dowladda, waxayna keentay arrintaas oo nolashada dadweynaha ciriiri gasho.

Si kastaba, wada xaajoodka u dhexeeyay dhinacyada Libya ayaa dhowaan mar kale ka bilaaban doona magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Banaan baxyo ayaa ka dhacay magaalada Tripoli, ka dib markii shaqada laga joojiyay wasiirka awooda badan ee arrimaha gudaha Fatxi Bashagha inkasoo markii dambe shaqadiisa loo fasaxay.

Iscasilaadda al-Sarraj ayaa abuurtay khilaaf gudaha ah oo u dhexeeya dowladda Libya, maleeshiyaad taabacsan saraakiil sar sare oo dowladda kamid ah ayaa la wareegay magaalo xeebeedka Misrata.

Al-Sarraj ayaa xukuumadda heshiis qaran hogaaminayay tan iyo markii la aas aasay 2015, waxayna ka dhalatay heshiiskii QM garwadeynka aheyd ee lagu doonayay in lagu islaaxiyo fowdadii ka dhalatay riditaankii Gaddafi ee 2011.

Inkastoo guul darooyin iyo itaal dari badan jirtay, haddana dowladda al-Sarraj hogaaminayay waxaa ay aheyd mid qun-yar socod ah marka loo barbar dhigo kooxda Xaftar iyo taageeriyaashooda ajnabiga ah.

Al-Sarraj, ayaa shalay ku soo laabtay magaalada Tripoli ka dib booqasho uu ku tagay dalka sida weyn ugu taageera xukunkiisa ee Turkiga.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mowluud Jaawish Oglu (Mevlut Cavusoglu) ayaa khamiistan maanta sheegay in Turkiga iyo Russia ay ku heshiiyeen in xabbad joojin laga hirgeliyo Libya si loo dhiirigeliyo wadahadalada nabadda oo muddo dheer socday.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, ayaa shir saxaafadeed ka sheegay in dhinacyada Libya weydiistay in ay hanaan siyaasadeed oo cusub la yimaadaan.

“Hanaanka siyaasadda wuxuu u baahan yahay in dib boorka loo jafo isla markaana dib u dhaca doorashada laga dhigo mid la aqbali karo, waxaa jira calaamo yedaddiilo leh,” ayuu yiri Guterres.

Ciidamada Amniga Sudan oo xeray Dad abaabulayay qaraxyo.

0

Saraakiisha dalka Suudaan ayaa sheegtay in la xirey 41 Nin oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayaan tiro badan oo walxaha qarxa ah.

Waxyaabaha lagu qabtay waxaa kamid ah afar konteenar oo ay ku jirto maaddada kiimakaad ee Ammonium nitrate, oo ah tii sababtay qaraxyaddii bishii hore ka dhacay dekadda magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan.

Dacwad oogaha dowladda ayaa sheegay in xaddiga kiimadan baabi’in karto magaalada Khartoum.

Afhayeen u hadlay laamaha amniga ayaa sheegay in arrintan looga shakisan yahay in lagu waxyeeleeyo dowladda ku meel gaarka ah ee dalka iminka ka talisa, inkastoo uusan sheegin caddeyn rasmi ah oo eediisa loo daliishan karo.

200 oo Maxbuus oo ka baxsatay Xabsi ku Yaalla Uganda.

0

In ka badan 200 oo maxbuus ayaa ka baxsatay Xabsi ku yaalla waqooyiga bari ee Uganda, sida ay saraakiishu sheegeen, waxay intaas ku dareen in ciidanka amniga ay baadi goobayaan maxaabiista baxsatay.

Maxaabiista ayaa dilay mid kamid ah ilaalada, ka hor inta aysan jabin jeelka Moroto, waxayna u jahaysteen dhanka buuraha oo magaalada  xabsiga ku yaalo ku hareereysan.

Ciidanka iyo saraakiisha Xabsiga ayaa ku howlan baadi-goobka maxaabiista fakatay, kuwaas oo horey u qaatay 15 qori iyo rasaas badan.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegay in labo kamid ah maxaabiista la soo qabtay ka dibna la dilay. Wakaaladda wararka AP waxay sheegtay in maxaabiista iska bixiyeen dharkii hurdiga ahaa ee maxaabiista, ka dibna ayagoo qaa qaawan ay buuraha ku carareen si aan loo soo qab qabanin.

Xabsiga Moroto waxaa uu ku yaala oogada sare ee buurta oo u dhow magaalada. Waana xabsiga ugu weyn magaalada Karamoja oo ku taala gobo taariikh ahaan dadkiisa Lo’da dhaqatada ahi isku dagaalaan, waxaana ku badan rabshada hubeysan.

Olole hub- ka dhigis ayay dowladdu ka bilowday gobolka horaantii 2000, hub fara badan ayaana soo galay gacanta dowladda laakiin waxaa wali ka dhacaya gobolka isku dhacyo goos goos ah oo u dhexeeya bulshooyinka degaanka.

Duqa Muqdisho oo kormeeray Darjiinka dowladda hoose ee Xamar “Sawirro”

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray dhismaha ka socda Darjiinka dowladda hoose ee ku dhegan daarta Saciid Barqash ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska iyo bilic soo celinta xaruumaha muhimka u ah shacabka ku nool caasimadda dalka,isagoo beeniyay wararka sheegaya in la boobayo Darjiinkaasi, waxa  uuna bulshada Soomaaliyeed u sheegay in maamulka gobalku gacanta ku haayo dhismaha iyo dayac tirka ka socdo darjiinkaasi.

Darjiinkani ayaa waxa uu ku burburay dagaalladii sokeeye waxaana hadda dhismo ku wado dowladda hoose ee Xamar.

          

 

Shaqo la’aanta UK oo korortay.

0

Xafiiska diiwaan galinta qaran ee UK ayaa sheegay in laga soo billaabo bishii maarso ee sanadkaan kolkaas oo UK uu ka dilaacay cudurka Covid-19 ay shaqo waayeen 695,000(lix boqol sagaashan iyo shan kun) oo qof.

Heerka shaqo la’aantu wuxuu kordhay 4.1% taas oo aad u sameysay dhallinyarada gaar ahaan inta u dhaxeysa da’da 16 ilaa 24 jirka, wuxuuna gaaray heerkii ugu sarreeyay marka loo eego saddexdii sano ee ugu danbeysay.

Waxaa muuqda in aanu dhaqaalaha soo kabaneyn walina ay jirto saameynta Covid-19.

Shaqooyinka ugu badan ee xirmay ayaa ah hoteelada,maqaayadaha iyo goobaha dalxiiska, taas oo ay sabab u tahay saameynta dhanka socdaalka ee karoonaha.

Shirkado badan ayaa dhimay shaqaalahooda halka kuwa kalana ay gabi ahaanba suuqa ka baxeen.

Mashruuca dowladu ku taageereysay ganacsiga iyo shirkadaha kaas oo 80% ay mushaarka bixineysay ayaa ku eg 31 bisha soo socota ee October.

Arrintan ayaa sababi doonta sida ay sheegayaan dadka dhaqaalahanka ah in shaqo la,aantu ay sii kordhi doonto.

Waxaa  iminka Aad u kordhay dadka dalbanaya lacagaha ceyrta ee lagu kabo dadka aan shaqo heysan si ay ugu noolaadaan.

Baarlamaanka Japan oo Ra’iisul wasaare doortay.

0

Aqalka hoose ee Baarlamaanka dalka Japan ayaa maanta oo arbaco ah u doortay Yoshihide Suga in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas. Ninkan ayaa kamid ah wasiiradii la soo shaqeeyay siddeedii sano ee dalka uu xukumayay Ra’iisul wasaaraha xilka ka degay ee Shinzo Abe.

Mr. Suga, oo 71 sano jir ah, ayaa Abe u ahaa gacantiisa midig, waxaana uu hormuud u ahaa fulinta barnaamijka xukuumadda oo ay kamid tahay istiraatiijiyada dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa Japan Shinzo Abe, ayaa isku casilay sababo la xiriira caafimaadkiisa. Mr. Suga waxaa uu ahaa xoghayaha golaha wasiirrada Japan.

Mr. Suga wuxuu heley 314(Saddex boqol afar iyo toban) cod tirada guud ee aqalka hoose baarlamaanka dalkaas oo ka kooban 462 (Afar boqol labo iyo lixdan) mudane. Go’aanka kama dambeysta ah ee doorashada Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa iska leh aqalka sare ee dalkaas, waxaana la filayaa in Mr. Suga ay u xulan doonaan hoggaanka dalka, maadaama awood ay ku leeyihiin xisbiga talada haya ee LDP.

Suga, ayaa ku guuleystay hoggaanka xisbul xaakimka dalka Japan ee Liberal Democratic Party oo (LDP) loo soo gaabiyo doorashadii isniintii qabsoontay, waxaase uu wajahayaa caqabado ay kamid yihiin dhibaatada safmarka COVID-19 iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka.

Inkastoo uu leeyahay xeelad diplomaasiyadeed oo kooban, haddana Suga waxaa maareyn doonaa xiriirka sii xumaanayo ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinah, waxaana uu xiriir wanaagsan la yeena doonaa madaxweynaha ku guuleysta doorashada Mareykanka ka dhici doonta 3 bisha November isagoo sidoo kale sii wadi doona xiriirka Japan la leedahay  Beijing.

Warbaahinta gudaha dalka Japan ayaa sheegaysa in xubnaha xukuumadda cusub ku dhowaad kala bar ah noqon doonaan kuwii ku jiray xukuumaddii ra’iisul wasaare Abe. Labo haween ah ayaa ku jiri doona xukuumadda waxayna isku cel celiska da’dooda noqon doontaa 60 sano.

Wasiirrada ku soo laaban doona xukuumadda cusub waxaa kamid ah; wasiirka maaliyadda Taro Aso, wasiirka arrimaha dibadda Toshimitsu Mategi, wasiirka Olombikada Seiko Hashimoto iyo wasiirka degaanka Shinjiro Kaizumo oo ah ninka ugu da’da yar xukuumadda oo 39 sano jir.