Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga oo kulan la qaatay wafdi ka socday Midowga Yurub+(SAWIRRO).

Date:

Ku-simaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cali Xuseen ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka socotay Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay Lataliyaha  sare ee ilaalada xeebaha.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu lafa guro qorshihii waxqabad ee 2020-ka wixii ka hirgalay, caqabadaha jira sidii looga gudbi lahaa., iyadoo kulanka diiradda lagu saaray qorshaha 2021-ka iyo sidii la iskala kaashanlahaa fulintooda.

Saraakiisha ka soctay Xafiiska Midowga Yurub ayaa ugu dambeentii ka mahadceliyay soo dhaweenta heerka sare leh ay Wasaaraddu u sameeysay, ayagoona balaqaaday in ay sii adkeen doonaan wadashaqaynta Wasaaradda Amniga sidoo kale ay sii joogteyn doona tababaridda, qalabeynta iyo dhismaha ciidamada ilaalada xeebaha si looga hor tago falalka dambe ee ka dhaca badaha.

Kulanka kaddib Agaasimaha  amniga xeebaha  Wasaaradda amniga mudane Cali Cosoble Cali oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay wafdiga ka socday Midowga Yurub kala hadleen ay ugu horeyso xoojinta iskaashiga ka dhexeysa Wasaaradda Amniga iyo Midowga Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...