Ciidanka Kumaandooska Danab oo dilay ku dhawaad 20 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo isugu jiray Ajaanib iyo Soomaali.

Date:

Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa Gobolka Shabeelaha hoose ku dilay 17-Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Danab ka sameeyeen  Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayay ku bur buriyeen  xaruntii  guud ee Jabhadaha maleeshiyada  Al-Shabaab.

Xaruntaan ayaa ahayd goob Saldhig u ah maleyshiyaadka Jabhadaha ah ee ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhaxe u daatay xaruntaan oo xiligaas ay ku sugnayeen Maleyshiyaad iyo Horjogayaal ka tirsanaa argagixisada.

Ciidanka ayaa halkaasi ku dilay 17-maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira kuwaasi oo ay ku jiraan ajaaniib.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in saldhigaan ay Ciidanka Danab weerarka ku qaadeen uu ahaa xarunta Guud ee waxa ay ugu yeeraan maleyshiyaadka Jabhadaha kooxdaasi.

Sidoo kale Saraakiisha Danab ayaa sheegay in Dagaalka kooban ee ka dhacay gudaha Saldhiga lagu dilay Maleyshiyaad iyo horjogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Saraakiisha Danab ayaa soo bandhigay magacyada horjogayaasha lagu dilay Howlgalka, waxayna kala yihiin Horjooge Suleymaan Abuu Maxfuud oo ahaa ku-xigeenka horjoogaha Jabhadaha ama maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab una dhashay Dalka Tanzania, Abuu Yaasir Yaxiid oo heesta dhalashada Suuriya oo kooxdaasi u Qaabilsanaa Amniga Xerada Jabhadaha Al-shabaab iyo Horjooge Xasan Maxamed Cismaan oo u qaabilsanaa Howlgalinta Maleeshiyaadka  Jabhada Argagixisada.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa gabin ahaan bur buriyay  xarunta Nabadiidka Al-Shabaab  ku lahayeen Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...