Home Blog Page 785

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka wada Galmudug.

0
Ciidamada Xoogga Dalka Qaybta 21-aad, gaar ahaan Guutada 15-aad ayaa guulo kasoo hooyay howlgalo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ku beegsadeen deegaano maleeshiyaadka Alshabaab dhuumaaleysi ku joogeen oo ka tirsan bariga Gobolka Galguduud.
Ciidanka ayaa burburiyay fariisimaha cadawga ee ku yaaley deegaanka Miir-dugul, waxayna wali ciidanku baacsi ku hayaan firxadka kooxda oo kujira dhulka miyiga ah kuwaa oo wali isku dayaya in ay helaan gabaad si ay usii wadaan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Gudigga Amniga ee Gollaha Baarlamaanka Galmudug oo uu hoggaaminayo Gudoomiye Xil. Xassan Xirsi ayaa galabta Ciidamada soo gaarsiiyay sahay, taasi oo qayb ka ah dhiiri-galinta howlgalada socda ee Ciidamada Xoogga Dalka.
Taliye Xigeenka Guutada 15-aad G/Le Xirsi Cali Quuri oo gudoomey garab istaaga gudigga amniga ayaa tilmaamey in howlgalada ciidamadu qaadeen lagu wiiqay maleeshiyada Alshabaab, walina lasii raad joogo firxadkooda.

Alexei Navalny oo kasoo muuqday baraha bulshada kadib xaalad qatar ah oo uu galay.

0

Hoggaamiyaha Mucaaradka  Ruushka Alexei Navalny ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday baraha bulshada ay ku xiriirto ka dib markii uu galay xaalad caafimaad oo halis ah.

Masawir lagu baahiyay barta Instgram ah ee uu gaarka u leeyahay mr,Navalny ayaa lagu arkay isaga oo ka soo degaya jaranjaro.

“Aan kuu sheego sida ay soo kabashadaydu u socoto, horey ayayba u cadeyd inkastoo ay tahay waddo dheer  ”ayuu Navalny ku qoray bartiisa Instgram-ka.

Dhaqaatiirta la tacaaleysa xaaladda hoggaamiyaha Mucaaradka Ruushka ayaa horey u sheegay in 5-maalmood ka hor uu Navalny ka baxay xaaladdii neef la’aanta, haddana uu si caadi ah u neefsan karo.
Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu miir daboolmay Alexei,waxa ayna dhaqaatiirta xaqiijiyeen in la sumeeyay.

Navalny oo ah nin si weyn u dhaliila siyaasadda madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku xanuunsaday magaalada Siberia bishii hore,waxaana loo kaxeeyay magaalada Berlin ee Dalka Jarmalka si loo samatabixiyo xaaladdiisa oo aad u liidatay.

baaritaano dhinaca caafimaadka oo  ay sameeyeen 3-wadan ayaa lagu sheegay in la sumeeyay,weli dowladda Ruushka kama hadlin soo laabashada hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhiggay Xarunta ilaalada deegaanka Xamar iyo waaxda Dad dhigista+SAWIRRO.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dib u habeyn lagu sameynayo xarunta ciidanka ilaalada deegaanka Xamar iyo Dad dhigista ee degmada Shangaani.

Dhagax dhigga guddoomiyaha waxaa ku wehlinayay ku xigeenka howlaha guud ee gobolka Mudane Cumar Cali Cabdi iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka Xamar.

Taliyaha ilaalada deegaanka Xamar Cabdinaasir Maxamuud Indha-qarshe ayaa guddoomiyaha gobolka uga mahad-celiyay in maamulkiisu uu isku howlo sidii dib loogu dhisi lahaa xarunta ilaalada deegaanka iyo waaxda Dad dhigista.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in xarunta ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxda Dad dhigista muddo yar ka hor la dayactiray balse maadaama ay badda saarantahay ay ku dhaceen biyaha sidaasna ay ugu ekaatay in aan hore loo dayactirin isagoo sheegay in hadda ay dib u habeyn ku sameyn doonaan.

      

Tirada dhimashada daadadka Sudan oo gaartay 121 qof. 

0

Ciidamada Difaaca Madaniga ah ee Suudaan ayaa shaaciyey in tirada dadka ku dhintay daadadka dalkaas ay gaareen 121 qof, Afhayeenka Golaha Qaranka ee Difaaca Madaniga ah ee Suudaan, Col Cabdul Jalil C/raxiim, ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in waxyeello weyn ay ka soo gaartay dhulalka beeraha ee gobollo dhowr ah, isagoo carabka ku adkeeyay in kooxaha difaaca madaniga ah ay ka shaqeynayaan sidii loo xaddidi lahaa saameynta masiibada.

Dhanka kale, Gudiga Sare ee Xaaladaha Degdegga ee Suudaan waxay shaaciyeen in dhammaan gobollada dalka ay hadda saameeyeen daadad, iyagoo xusay in Caasimadda Khartuum ay ugu badantahay marka la fiiriyo saamaaynta.

Wasiirka shaqada iyo horumarinta bulshada iyo madaxa guddiga sare ee xaaladaha deg degga, Liina Al-Sheikh, ayaa sheegtay in tirada dadka ay dhibaatadu saameysey ay hada kor u dhaaftay in ka badan 770 kun oo qof guud ahaan gobolada kala duwan ee dalka Suudaan.

Gargaar la gaarsiinayo in ka badan 2,000 oo ruux oo uu saameeyay Webiga Shabeelle.

0

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa Barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ay raashiin siineyso dadka ku barakacay fatahaadda gobalka Shabeellaha hoose.

Qoraal safaaradu ay dhigtay barteeda Twiterka ayaa lagu sheegay in raashin ay siinayaan in ka badan labo kun oo qoys kuwaas oo qeyb ka ah kumnaanka kun ee ku barakacay fatahaadaha daran ee gobolka.

Fatahaadaha  ka dhacay soomaaliya laga soo billaabo bishii febaraayo ee sanadkan 2020-ka waxaa ay saameeyeen dad lagu qiyaasay 650,000 (Lix boqol iyo konton kun) sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Gobollada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee labada Shabeelle ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee fatahaadu saameysay.

Dhul beereed dhan 75,000 (Todobaatan iyo shan kun) oo hektar ayaa sidoo kale ku baa ba’ay fatahaadaha wabiga Shabeelle.

 

Howl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta oo ka qeyb galay ololaha Is-xilqaan.

0

Howl-wadeennada iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay wijiga labaad wareegga 15-aad ee ololaha Is-xilqaan oo lagu dhisayo goobaha danta guud ee dalka.

Shaqaalaha iyo mas’uuliyiin wasaaradda ayaa iyagoo gudanaya waajibaadka ka saaran dib u dhiska dalka waxey saaka ka howlgaleen xarunta Maktabadda Qaranka oo dhismaheedu marayo heer gebo-gabo ah.

Ololaha Is-xilqaan oo loogu tala-galay in dib loogu dhiso goobaha danta guud ee ku burburay dagaaladii ka dhacay dalka ayaa waxaa laga gaaray guulo ay kamid  yihiin dib u dhiska Tiyaatarka,Madxafka,Garoonka Muqdisho Stadium iyo goobo kale.

 

Seddex oo laga soo badbaadiyay diyaarad ku dhacday garoonak Aadan Cadde.

0

Diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa magaalada Baladweyne u qaadday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa illaa afar qof.

Sii-hayaha wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in diyaaradda oo ah mid xamuul ah cillad ku timid kaddib ay dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho burburna uu kasoo gaaray qeybta hore kaddib markii ay ku dhacday derbi shub ah oo xayndaabka garoonka ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in diyaaradda ay la socdeen afar qof oo ahaa shaqaalaha diyaaradda kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib, isagoo sheegay in ay soo badbaadiyeen saddex qof oo dhaawac uu soo gaaray, halka qofka kale oo weli noolna ay wadaan dadaallo lagu soo badbaadinayo.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dadka dhaawacu soo gaaray loo qaaday isbitaal si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in muddo kooban hakad la geliyay shaqada garoonka si arrintaan looga jawaabo waxyar kaddibna dib loo furi doono adeegyada garoonka Aadan Cadde.

Degmada Dharkeynley oo laga daah furay goobo dalxiis+sawirro.

0

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley iyo agaasimaha dalxiiska & maalgashiga gobolka Banaadir ayaa daah furay dalxiiska degmada Dharkeynley oo markii ugu horreysay loo dalxiis tago.

Agaasimaha dalxiiska iyo maalgashiga Gobolka Banadir Mudane Cabdifataax Maxamuud Siyaad (Arizona) ayaa sheegay in Degmadaan ay door muhiim ah ka qaadan doonto Dalxiiska Caasimadda, maadaama ay leedahay Goobo Dalxiis oo soo jiidasho leh.

Guddoomiyaha degmagada Dharkenley mudane Guhaad Sheikh Xassan oo ka hadlay Munaasabadda daah-furka Dalxiiska ayaa sheegay in maanta waxii ka danbeeya Dalxiiska Degmadu uu  kamid noqon doono shaqooyinka joogtada ah ee Maamulka, waxaana uu bulshada Caasimadda ugu baaqay in ay u soo dalxiis tagaan Dharkenleey oo ah meel ku wanaagsan Dalxiiska.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley mudane Guhaad Sheekh Xassan oo dhawaan loo magacaabay degmadaas ayaa dardar geliyay arrimaha dalxiiska oo qeyb ka ah is-dhaxgalka bulshada,waxaana shalay ku dalxiisay goobaha dalxiiska Dharkeynley shacab badan oo ay u aheyd maalin fasax maadaama ay Jimco aheyd.

                       

Deg deg: Diyaarad xamuul oo ku dhacday garoonka Muqdisho.

0

Diyaarad nuuca xamuulka qaada oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde, walina lama cadaynin qasaaraha ka dhashay, sida uu soo tabiyey wariye ka tirsan SONNA.

Diyaaradda ayaa magaalada Baladweyne u qaadday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa 4-qof oo duuliyeyaasha iyo shaqaale isugu jira, waxaana maamulka garoonku xaqiijiyey inay bad qabaan.

Hawlwadeenada garoonka diyaaradda ayaa hadda wada hawlo diyaaradda loogana qaadayo qaybta Run-wayga, 05, ee xalane xigta si aysan u xanibin diyaaradaha kale ee garoonka imaanaya.

 

 

Turkiga oo beeniyey eedayn uga timid QM oo ku aadan xadgudubyo ka dhacay Suuriya.

0

Turkiga ayaa jimcihii diiday eedeynta uga timid guddiga sare ee xuquuqul insaanka QM oo ku aadan xadgudubyo ka dhan ah bini’aadanimada oo Turkiga ka geystay dalka Suuriya, sida lagu sheegay warbixin guddigu soo saareen.

“Waxaan diidan nahay eedeymaha aan xaqiiqada ku dhisneyn ee guddigu soo saareen,” ayaa lagu yri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Turkigu waxa uu hawlgalkiisa woqooyiga Suuriya ku micneeyey mid lagula dagaalamayo argagixisada caalamiga ah iyo kooxaha qaswadayaasha ah ee doonaya inay xasilooni darri ka abuuraan dalkiisa, dhibaatadoodana ay gaarsiiyaan dalal badan.

Talaadadii guddiga QM u qaabilsan baaritaanada dambiyada dagaal ayaa sheegay in Turkiga ay tahay in lagula xisaabtamo taageerada uu siiyey mucaaradka Suuriya oo geystay gabood fal ka dhan ah insaaniyadda oo ay kamid yihiin afduub, jir-dil iyo boobka hantida dadweynaha, sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyay afartii bilood ee sanadkan 2020-ka ugu horraysay.

Guddoomiyaha guddiga sare ee xuquuqul insaanka QM Michelle Bachelet ayaa sheegtay in qeybo ka mid ah waqooyiga Suuriya maleeshiyaad Turkiga taabacsan ay ka geysteen xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Xukuumadda Ankara ayaa taageerta mucaaradka madaxweynaha Suuriya  Bishaar Al-assad, waxaana Turkiga uu gacanta ku hayaa waqooyi bari ee Suuriya oo ay xuduud wadaagaan.