Home Blog Page 785

Guddiga Golaha Shacabka ee Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare oo la kulmay Wasaaradda Waxbarashada+(SAWIRRO).

0

Guddiga Golaha Shacabka ee Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare ee Dalka ee 2020 ayaa la kulmay Xubno ka socda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Kulanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada looga dhageystay warbixin kooban oo ku saaban Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, Sanad Dugsiyeedka 2019-2020.

Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.

Ciidamada Dowlada Itoobiya oo Magaalo hor leh kala wareegtay TPLF.

0

Dowlada itoobiya ayaa sheegtay in ciidankeedu la wareegeen maanta magaalada Idaga Hamus kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Qoraal ka soo baxay gudiga xaalada deg dega ayaa lagu sheegay in magaalada oo ku taala surinka gala magaalada Mekelle ee xarunta tigreega uu gacanta ciidanka galay.

Idaga Hamus waxay u jirtaa 97km magaalada Mekelle ee caasumada ismaaulka tigreega.

Ciidanka itoobiya ayaa sadaxdii cisho ee ugu danbeysay qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Shire, Axum, Adwa iyo Adigrat.

(DAAWO) BARNAAMIJKA WAXSOOSAARKA DALKA ©SNTV // 22 11 2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Waxsoosaarka Dalka.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay Maanta gaareen  Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Cadaallada Soomaaliya, Xubno Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada Baydhabo, hayeeshee wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeeda uu yahay dardar gelinta howlaha doorashoyinka iyo Amniga, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana laga dareemayaa joogitaanka Ra’iisul Wasaare rooble oo Maanta halkaasi tgay tan iyo markii loo Magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

 

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed oo la kulmay saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM+(SAWIIRO).

0

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad-goboledka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa magalada Beledweyne kula kulmay Saraakisha Ciidamada qalabka sida ee soomaliya iyo kuwa Amisom.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafaguray sida wax looga qaban laha Amaanka magalada Beledweyne oo lafilaayo in lagu qabto calemasarka madaxweyne dowlad goboledka hirshabele mudane cali guud laawe xuseen .

Magalada waxaa kusoo wajahan maalmaha soosocda wafuud kasocoto Dowlada Federalka Soomaliya iyo Maamulka Goboleedyada Dalka.

Gudomiye kuxigeen Amniga maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Miiris ayaa markii uu kulanka soogaga gaboobay warbahinta lahadlay waxuuna sheegay in 3 saxda dhinac ee kulmay ay isla garteen in si wada jir ah amaanka lagu sugu malmaha ay socdaan Calemasarka Madaxweynaha Hirshabeelle.

Ciidamada Federalka Itoobiya oo isku balaarin ka wada dhulka buulareyda ah ee u dhaxeeya Magaalooyinka Adigrat iyo Mekelle.

0

Ciidanka dowlada itoobiya ayaa ku sii siqaya dhulka buuraha iyo dooxooyinka leh ee u dhaxeeya Mekelle iyo Adigrat halkaas oo muhiim u ah TPLF.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa u sheegay warbaahinta dowlada in talaabada xigta ee ciidanku ay qaadayaan ay tahay in ay hareereeyaan magaalada Mekelle oo ah xarunta gobalka Tigreega.

Wuxuu sheegay in adeegsan doonaan taangiyo iyo madaafiic wuxuuna ka digay in kooxda TPLF ay dadka gabaad ka dhigtaan.

Colonel Dejene Tsegaye wuxuu shacabka ugu baaqay in ay ka dheeraadaan meelaha ay joogaan TPLF isaga oo sheegay in kooxdaas aan naxariis loo heyn.

Magaalada Mekelle waxaa ku nool nus malyuun qof waana meesha la aamisan yahay in maamulka iyo ciidanka TPLF ay wax kasta sameyn doonaan si ay u difaacaan.

Tababar Ku saabsan Hanaanka Ilaalinta Canshuuraha oo Galkacyo uga furmay Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Galmudug+(SAWIRRO).

0

Tababarkan oo socan doono muddo todabaad ah islamarkaana lagu baran doono hanaanka ilaalinta Canshuuraadka ayaa maanta Magaalada Galkacyo uga furmay Ciidamada Ilaalinta Canshuuraadka Gobalka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Tababarkan oo ay soo agaasintay laanta ilaalinta Canshuuraadka Ciidanka Booliiska Galmudug ayaa waxaa ugu horeyn Ka Warbixiyay Taliyaha Ciidan Ilaalinta Canshuuraadka Ciidanka Booliiska Galmudug G/Dhaxe Aadan Urur Cabdi oo ka hadlay Tababarka iyo waxa Uu ku saabsan yahay waxaana uu xusay in mudada todabada maalmood ah oo uu socdo Lagu baran doono Casharo la xariira hanaanka Ilaalinta Canshuuraadka iyo u adeegida Bulshada Gobalka Mudug isagoo dhan kalana sheegay in wax weyn ay ka badali doonto dardar galinta howlaha qaadista canshuraadka Galmudug oo haatan Dowlad Gobaleedka Galmudug ay xooga saarayaan Horumarinta Daqliga Canshuuraha.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Galmudug Cabdiraxiin Xasan Cabdullahi oo lagu Casuumay Furitaanka Tababarka ayaa isna kula dardaarmay Ciidanka Ilaalinta Canshuuraadka gudashada waajibaadkooda shaqo.

Hay’adda FAO ayaa fariintaan Dagniin ah ka soo saartay Duufaanta GATI oo wadato roobab culus iyo dabeylo xoogan taasoo ku wajahan gobolka Bari ee Soomaaliya..

0

Digniin, Fadlan taxaddar!

Heyada FAO ee qaramada midoobe ayaa ka digeysa roobab lixaad leh oo ka dhalan Kara duufaan ku wajahan soomaaliya saacadaha soo socda.

Duufaanta ayaa ku beegan dhanka deegaanada Puntland gaar ahaan gobalka Bari

Fariinta FAO ayaa sidan ah:-

FAO
DIGNIIN: Duufaan kuleyl ah oo loogu magac daray GATI ayaa la filayaa inay xoogeysato 6da saacadood ee soo socota taasoo sababi doonta roobab culus iyo dabeylo xoogan oo ka dhaca gobolka #Bari. Fadlan taxaddar!

Wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Masiibooyinka XJFS oo ka digeysaa duufaano qeybo ka mid ah Dalka.

0

Wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Masiibooyinka XJFS waxa ay ka digeysaa duufaano kusoo wajahan inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Xaafuun, waxa ay daba socotaa roobka ka da’ayo deeganada Puntland.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellada hoose oo maanta booqanaya Degmada Baraawe.

0

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabellada hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer howleed ku tagaya dagmada Baraawe oo ah  xarunta maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii guddoomiyaha Shabeellada hoose iyo wafdiga la socda waxay inata ay halkaasi joogaan kulammo la qaadan doonaan maamulka dagmada Baraawe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana si aad ah loo adkeeyay amniga dagmada.

Maamulka dagmada Baraawe oo uu ugu horeeyo Duqa Dagmada Cumar Sheekh Cabdi Shafaani ayaa waxaa ay wadaan qaban qaabada soo dhawaynta Wafdiga uu Hogaaminyo Guddomiyaha gobalka Shabeellada Hoose Cabduqaadir Siidii

16kii bishan November ayay ahayd markii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Max’ed  Lafta-gareen xilka guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo horey xilkaan u soo qabtay.