Xuska Maalinta Yoolka Caafimaadka loo dhanyahay oo lagu qabtay Muqdisho+(SAWIRRO)

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo kaashaneysa WHO ayaa Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayey Maalinta Yoolka Caafimaadka loo dhanyahay

Mas’uuliyiinta Waaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Xildhibaanno, xubno ka socday WHO, qubaro Caafimaad iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay xuska Maalinta hiigsiga Caafimaadka loo dhanyahay oo dunida oo dhan laga weyneeyo maanta oo kale.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa  is tusay  muhiimadda ay leedahay inay iska kaashadaan dardargelinta  Yoolka caafimaadka loo dhanyahay, si uu qof walba oo Soomaali ah u helo adeegaacaafimaad ee uu u baahanyahay, iyadoo si gaara diiradda loo saarayo Dadka saboolka ah iyo hooyada iyo dhallaanka.

Senator Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mida Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay inay ka Baarlamaan ahaan ka shaqeyn doonaan sidii dadka danta yar ay u heli lahaayeyn adeeg caafimaad oo dhameystiran.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowziya Abiikar Nuur ayaa xustay in sanadkan ay ku guuleysteen in la balaariyo xirmooyinka Caafimaad oo la gaarsiiyay dalka oo dhan, hadana ay wadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo sahli kara in qof walba oo Soomaali ah uu helo adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Xuska Maalinta Yoolka Caafimaadka loo dhanyahay ayaa sanadkan ku soo aaday, xilli  dunida ay weli dagaal kula jirto safmarka COVID-19 oo ay sababtiisa u geeriyoodeen ku dhawaad laba Milyan oo qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...