Home Blog Page 78

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa degamda kaaraan ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo cod ah, isagoona bulshada ugu baaqay in ay isdiiwaangeliyaan.

“Isdiiwaangelintan waxay ii tahay fursad taariikhi ah oo aan waligey isoo marin, in aan qaato kaarka doorashada qof iyo codka ah. Wana xuquuq uu leeyahay muwaadin kasta,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Guddoomiyaha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isdiiwaangeliyaan oo ay qaataan kaarka codbixinta, si ay u doortaan cidda ay rabaan.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole, oo isna kaarka codbixinta ka qaatay ayaa yiri: “Anigu maanta waxaan qaatay kaarka diiwaangelinta. Dalkuna wuu ka guuray doorashadii dadban

Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan

0

Abaalmarinta Waaxda Caddaaladda dowladda Maraykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaareysa ilaa $5 milyan oo doolar si loo helo macluumaad ku saabsan Abdikadir Mohamed Abdikadir, oo sidoo kale loo yaqaanno Ikrima, iyo shaqsi kasta oo ka Masʼuul ah weerarradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda sanadkii 2010-kii.

Sida ay qortay Waaxda Cadaaladda dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegayin 11-kii Luulyo, 2010-kii, Argagixisada Al-Shabab ayaa weeraro Ismiidaamin ah ka fulisay laba goobood oo ku yaalla caasimadda Uganda ee magaalada Kambala, intii ay socdeen baaritaanno ku saabsan finalka koobka adduunka, halkaasi oo ay ku dhinteen 76 qof oo uu ku jiro Nin u dhashay dalka Marayka.

Duqeymahan ayaa ahaa weerarradii ugu horreeyay ee waaweyn oo ay Al-Shabab ka geysato meelo ka baxsan Soomaaliya, iyadoo Qaraxii ugu horreeyay ee ismiidaamin ah ayaa dhacay abaare 10:30 habeenimo. Maqaayad Itoobiyaan ah oo ku taal xaafadda Kabalagala, kadibna, qof labaad oo is qarxiyay iyo walxaha qarxa ayaa qarxay abaare 11:20 habeenimo. naadiga rugby ee xaafadda Nakawa, sida la sheegay waxaa ka qeybqaatay Xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed.

Cabdiqaadir oo loo yaqaan Ikrima ayaa kaalin muuqata ka qaatay qorsheynta iyo hagidda weerarradii Kampala. Ikrima waxa uu helay warbixino ilaalo ah oo ku saabsan meelo kala duwan oo Kampala ah iyo xybno kale, iyada oo madaxda kale ee Al-Shabaab, ay go’aansadeen in ay weeraraan Baararka dibadda ee loo arkay in ay yihiin bartilmaameedyo jilicsan. Ikrima waxa uu tababaray oo hagay hawl-wadeenada muhiimka ah oo ay ku jiraan kuwa is-qarxiyay, waxa uuna fududeeyay qaadista jaakadaha ismiidaaminta ah ee loo adeegsado weerarada.

Al-Shabaab, oo ah maamulaha ugu sarreeya Al-Qaacida ee Bariga Afrika, ayaa mas’uul ka ah weerarro Argagixiso oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya, iyo dalalka deriska ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah. Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa Al-Shabaab u magacawday ama u aqoonsatay ‘Urur Argagixiso Shisheeye’ (FTO) iyo ‘Argagixiso Caalamiga ah ee Gaarka ah’ (SDGT) bishii Maarso 2008-dii. Bishii Abriil 2010-kii, Al-Shabaab waxaa sidoo kale u aqoonsaday UNSC cunaqabateynta Soomaaliya.

Ciddii keenta macluumadka Ikrama waxay heleysaa Abaalmarin gaareysa 5 Malyan oo doolarka Maraykanka ah.

Haddaba haddii aad heyso wax macluumaad ah ama xog ku saabsan weeraradaasi, Ikram, ama Shaqsiyaad kale oo ku lug lahaa Qaraxyadaasi ha la xariiraan signalka Telegraamka ama Whatsapp-ka ama Khadka Fariimaha. haddii aad macluumaadka aad keento waxaad ku heli kartaa Abaalmarin iyo dib u dejin.

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo laascanood kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka

0

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Laascaanood oo shirweynaha dhameystirka dhismaha maamulka SSC Khaatumo uu ka socdo ayaa kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka uu matalo.

Kulanka ayaa looga arrinsaday ahmiyadda ka qaybgalka iyo xoojinta dedaallada Dowladda ee ku aaddan dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

 

 

 

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa shalay magaalada Laascaanood ka furtay shirweynaha Dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo, kaas oo lagu bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan dhameystirka maamulkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh oo wakiill uga ah Dowladda Federaalka Soomaaliya Arrimaha dhameystirka dowlad-goboleedkan cusub ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in bulshada SSC ay qaadtey go’aanka aayahooda, wuxuuna yiri” Bulshada SSC waxay qaadatey go’aan geesinimo leh oo ah in la dhiso dowlad-goboleed rasmi ah, dastuur leh, una adeegaysa rabitaanka shacabka, DFS-na waxay garab taagan tahay dadaalkaa.”

Wasiir Cali Xoosh ayaa isagoo ka hadlay aragtida Dowladda Federaalka ee SSC, wuxuuna yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xalka nabadda iyo horumarka deegaanada SSC lagu gaari karo oo keliya marka deegaamadaani helaan dowlad-goboleed dhameystiran oo si buuxda uga mid noqota nidaamka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Sido kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay doorka hoggaanka dhaqanka isagoo yiri”Isimada dhaqanka, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa doorkooda, waxaanan ku boorinayaa in ay sii xoojiyaan hoggaaminta nabadda iyo guusha shirweynaha.”

Wasiir Xoosh ayaa baaq u diray bulshada SSC, isagoo yiri ”Waxaan baaq iyo dardaaran u dirayaa dhammaan qeybaha bulshada sida; isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, haweenka iyo dhalinyarada, si ay u ilaashaan nabadda, u hoggaansamaan nidaamka, kana shaqeeyaan dowladnimadda iyo horumarka.

Dhamaan, Siyaasiinta, waxgaradka iyo Ergada ka soo qeyb-gashay shirweynahan ee munaasabadda furitaanka ka hadashay ayaa is-dul-istaagay ahmiyadda shirweynahan lagu dhameystirayo SSC Khaatumo, kuwaas oo sheegay in qeyb wayn uu ka qaadan doono dowlad dhiska casriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana horseedeya wadajirka dhuleed Soomaaliya.

Hirgelinta dowlad goboleedka SSC Khaatumo ayaa loo arkaa mid muhiim u ah adkaynta wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana Dowladda Federaalka lagu bogaadiyey dadaallada ku aadan nidaam u sameynta gobollada Sool iyo Sanaag kuwaas oo taariikh facayn ku leh gayiga Dalka.

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi ka socday safaaradaha dalalka Carabta ee fadhigooda yahay dalka Kenya, kuwaas oo booqasho shaqo ku tagay Gobolka Ismaamulka ee degaanka Lamu. Gobolkan ayaa ah mid ku teedsan xuduudaha dalkeenna Soomaaliya.

Safarkan ayaa ah mid ay Danjireyaasha uga Jawaabayeen martiqaad uu u fidiyay Guddoomiyaha Gobolka Lamu Mudane Ciisa Cabdalla Timamy. Gobolka Lamu ayaa ah mid ay ku nool-yihiin dad badan oo Soomaali ah ganacsi badana ku leh halkaas

Safarkan ayaa ujeeddadiisu ahayd dhiirigalinta maalgashiga gobolka iyo taakuleynya Mashaariicda horumarineed ee ka socoto gobolka.

Danjire Jabriil Ibraahim ayaa intii uu ku sugnaa gobolka waxa uu shirar gaar gaar ah oo ugu kuur-galayay nolosha dadka Soomaalida la qaatay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Lamu.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaaweyay booqashada Danjiraha, waxaana lagu balamay in safar gaar ah oo ay safaaradda Soomaaliya ku soo booqoto gobolka Lamu.

Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Nigeria oo uu ka geeriyooday madaxweynihii hore

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Nageria, Muhammadu Buhari.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu yiri:

“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Madaxweynaha Nigeria H.E. Bola Ahmed Tinubu, dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Nigeria, geeridii ku timid Madaxweynihii hore Muhammadu Buhari. Wuxuu ahaa hoggaamiye ku suntanaa adeeg daacadnimo iyo u heelnaanta dalka iyo dadkiisa. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa Jannatul Firdaws ku abaalmariyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaag buuxa, tacsina la wadaagta shacabka iyo dowladda Nigeria, xilligan murugada iyo tiiraanyada leh”

Madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa maalmahan xanuunsanaa, wuxuuna ku geeriyooday dalka Ingiriiska isagoo 82 sano jir ah.

Allah unaxariiste Madaxweynihii hore Nigeria waxa uu dalkaa oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, xukumayay muddo 8 sano ah, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta, la dagaallanka musuqmaasuqa

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Madaxweynaha JFS ku matalay Shirweynaha Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay Malabo

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo wakiil ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay xiritaanka Shirweynihii Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Malabo.

Shirkan heerkiisu sareeyo ayaa isu keenay madaxda Midowga Afrika, Ururrada Dhaqaalaha Goboleedyada (RECs), iyo dowladaha xubnaha ka ah Midowga, si loo xoojiyo iskaashiga istiraatijiyadeed iyo dadaallada lagu hirgelinayo himilooyinka Qaaradda Afrika.

Wafdiga Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayey Wasiirku wuxuu si cad u adkeeyey muhiimadda mas’uuliyadda wadajirka ah, nabadda waarta, iyo is-dhexgalka goboleed ee loo siman yahay.

Soomaaliya waxay markale muujisay go’aankeeda ku aaddan taageeridda yoolalka Ajandaha 2063 iyo u doodista caddaalad, karaamo, iyo sinnaanta dhammaan dadka Afrikaanka ah iyo kuwa asal ahaan Afrikaan ah.

Wasiir Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo ka socda Booliiska caalamiga ah INTERPOL

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday Booliiska Caalamiga ah ee INERPOL, kuwaas oo uu hoggaaminayey Iskuduwaha Barnaamijka Hubka ee INERPOL Joaquim RODRIGUES oo maanta dalka soo gaaray.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ee ladagaallanka denbiyada isaga gudba xudduudaha dalalka caalamka, xog-isweydaarsiga, tababarrada, baaritaanka dembiyada abaabulan, ladagaallanka argagixisada, denbiyada internetka ee (Cyber security), iyo sidii loo kordhin lahaa istcmaalka iARMS- keyboard raadraaca hub sharci-darrada ah, ballistic information Network- Xogta raadraaca Rasaasta iyo Firearm Reference Table- xog ururin lagu aqoonsado hubka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga dadaalka Booliska Caalamiga ah iyo wadashaqeynta dhaw ee Dowladda Soomaaliya la leedahay Interpolka, taas oo kaalin weyn ka qaadatay yareynta danbiyada caalamiga ah, isla markaana kordhisa aqoon-kororsiga iyo xog-isdhaafiga ku saabsan dembiilayaasha caalamiga, isaga oo u ballan-qaaday xubnaha wafiga in ay sii dardargelin doonaan wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin Interpol, maadaama Soomaaliya ay qeyb ka tahay dalalka xubnaha ka ah Booliska Caalamiga ah.

 

 

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo Jowhar ka Daahfuray Ololaha Diiwaangelinta codbixiyaasha

0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan GMDQS ayaa maanta magaalaada Jowhar ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si rasmi ah ugu bilowday Dowlad gobolleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo dadweynihii kale ee goobta codbixinta soo xaadiray ayaa isdiiwaangeliyay, taas oo muujineysa ifadaalaha wanaagsan ee loogu dareeri karo doorasho dadweyne.

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

0

Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Farxaan Xuseen Maxamed, ayaa ku soo dhaweeyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wafdi sare oo ka kala socday Jaamacadda Bariga Afrika ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyayaasha labada jaamacadood, Dr. Bashiir Maxamuud Cabdullaahi iyo Dr. Cabdirasaaq Takar.

Socdaalka wefdiga oo ujeedkiisu ahaa booqasho ku socota guud ahaan Bahda Garsoorka Dalka, ayaa si gaar aha maanta u soo gaaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, waxaana xoogga lagu saaray sare u qaadista xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada ee cilmi-baarista sharciga, wacyigelinta bulshada, fursadaha iyo aqoon iswaydaarsiga bahda garsoorka iyo bahda tacliinta sare.