Home Blog Page 78

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in muddadii u dhaxeysay 2022 illaa 2025 ay Dowladda Federaalka Soomaaliya bilowday howlgallo istaraatiiji ah oo loogu magac daray “Kaaha Waaberi” iyo “Ileys”, kuwaas oo si weyn u daciifiyay awoodda kooxda Khawaarijta.

Taliyaha ayaa xusay in howlgalladan lagu dilay boqolaal ka tirsan Khawaarijta, oo ay ku jireen horjoogayaal sare, ayna suurta gelisay in ciidamadu dib ula wareegaan deegaanno muhiim ah. Waxa uu tilmaamay in howlgalladaasi qeyb ka yihiin qorshaha dowladda ee lagu xoreynayo guud ahaan dalka, loogana cirib tirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Sarreeye Gaas Odawaa ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in isbeddello lagu sameeyay qaab-dhismeedka ciidamada, si loo helo ciidan xirfad iyo qalab leh, kana jawaabi kara hanjabaadaha amni ee dalka ka jira.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta*

0

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin muujinaysa guulo la taaban karo oo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyadoo lagu xusay in sanadkan ay ciidamada fuliyeen howlgallo iyo duqeymo culus oo lagu naafeeyay kooxaha argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo warbixinta ka hor akhriyey Golaha Aqalka Sare, ayaa sheegay in laga bilaabo bilowgii sanadkan la fuliyay 220 duqeyn, lagu dilayna 868 xubnood oo Khawaarij ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin 52 horjooge.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay si buuxda u sugeen amniga dhul ballaaran oo u dhaxeeya Xarardheere iyo Muqdisho, taasoo ka tarjumaysa horumar weyn oo laga sameeyay la-dagaallanka cadowga.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay si dhow ula shaqeyneyso saaxiibada caalamiga ah si loo helo taageero buuxda gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo duqeymaha istaraatiijiga ah.

“Waxaan wada-shaqeyn dhow la leenahay saaxiibada caalamka, si ay nooga garab siiyaan ciribtirka Khawaarijta, kuwaas oo badankood u dhashay dalal shisheeye oo dalkayaga kusoo duulay,” ayuu yiri Wasiirka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in dib loo bilaabay dib-u-habeynta ciidamada, si loo helo ciidan xirfad leh oo difaaci kara dalka.

Taliyuhu wuxuu xusay in intii u dhaxaysay 2022 ilaa 2025 la fuliyay howlgallada “Kaaha Waaberi” iyo “Ileys”, kuwaas oo si weyn u daciifiyay awoodda Khawaarijta. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay boqolaal xubnood oo Khawaarij ah, oo ay ku jireen horjoogayaal iyo malleeshiyaad, intii lagu jiray howlgalladii ugu dambeeyay.

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

0

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka, Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyaga oo kaashanaya Hay’adda Badbaadada Carruurta (Save the Children), ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo ku saabsan Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wakiillo ka socday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Cadaaladda, iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, ayaa waxaa lagu soo bandhigay qodobbada Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta iyo meelaha uu Soomaaliya si gaar ah uga khuseeyo.

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Golaha Shacabka, Xaawo Sokor Cali, oo kulanka furtay, ayaa sheegtay in labada maalmood ee uu socdo kulanka laga doodi doono qodobbada axdiga iyo muhiimadda uu u leeyahay dalkeenna.

Guddiga Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

0

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka, Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyaga oo kaashanaya Hay’adda Badbaadada Carruurta (Save the Children), ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo ku saabsan Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wakiillo ka socday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Cadaaladda, iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, ayaa waxaa lagu soo bandhigay qodobbada Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta iyo meelaha uu Soomaaliya si gaar ah uga khuseeyo.

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Golaha Shacabka, Xaawo Sokor Cali, oo kulanka furtay, ayaa sheegtay in labada maalmood ee uu socdo kulanka laga doodi doono qodobbada axdiga iyo muhiimadda uu u leeyahay dalkeenna.

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Sulaymaan Sheekh Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, ayaa daahfuray shir muhiim ah oo lagu soo bandhigay mashruuca Catastrophe Deferred Drawdown Option (Cat DDO), oo ay dowladda Soomaaliya leedahay kana taageerayo Bangiga Adduunka.

Mashruucan waxaa lagu xoojinayaa awoodda dowladda iyo hay’adaha la xiriira maareynta masiibooyinka si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha aafada dabiiciga ah, kahor inta aysan keeni barakac iyo khasaare naf iyo maal leh.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay dowladda, maadaama uu imaanayo xilli hoos u dhac ku yimid maalgelinta arrimaha bani’aadannimada, isla markaana uu gacan ka geysanayo dhisidda awoodda dalka ee u adkeysiga iyo la qabsiga masiibooyinka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa xaqiijiyay ka go’naanta dowladda ee hirgelinta mashaariicda la xiriira maalgelinta masiibooyinka iyo sii xoojinta iskaashiga lala leeyahay Bangiga Adduunka iyo maalgeliyeyaasha kale si loo ilaaliyo badqabka bulshada iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo-xuubeey oo gaaraya ku dhawaad 2-KM.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dhismaha wadddadani ay abuuri doonto fursado shaqo iyo ganacsi, isla markaana ay kor u qaadayso bilicda iyo horumarka ka jira caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka caasimadda ay door weyn ka qaadanayaan, amniga, isku socodka dadka, gaadiidka iyo guud ahaan adeegyada kala duwan.

“Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda, waxaanna ku yaalla xarumo fara-badan oo muhiim u ah isku-socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir dhismaha waddooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo faray in la dardargeliyo qorshayaasha kor loogu qaadayo bilicda, nadaafadda iyo faya-dhowrka caasimadda.

Dhankiisa, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo goobjoog ka ahaa munaasabadda dhagax dhigga ayaa ka hadlay howlaha dib u dhiska waddooyinka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay si xowli ah ku socdaan, dhawaanna kuwo cusub xarig lagu samayn doono.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha Isbahaysiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Gaajada iyo Saboolnimada oo lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Khudbad ka jeediyey Shirka ayaa tilmaamay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato dadaallada caalamiga ah ee lagu ciribtirayo gaajada iyo saboolnimada, isagoo adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo dedaalka dalalka xubnaha ka ah dalladdaan.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya uga qaybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee dalkaasi marwo Samia Suluhu Hassan.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo qayb ka ahaa Madax kala duwan oo heer gobol ah, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka Munaasabadda ayaa muujiyay ahmiyadda xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada dal, isaga oo u rajeeyay Madaxweynaha dib loo doortay in ay xoogga saarto ka miro-dhalinta ajendeyaasha heer Qaran, heer gobol iyo heer qaaradeed ee hor yaala.

Wasaaradda gaashaandhigga oo qalab kala wareegtay xafiiksa UNOPS

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlaha Mashaariicda (UNOPS) ugu wareejiyay agab casri ah Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha iyo Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, si loo xoojiyo awoodda iyo hufnaanta shaqo ee Wasaaradahan.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in qalabkan ICT-ga uu qeyb muhiim ah ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo Wasaaradda Gaashaandhigga iyo dhismaha nidaamka danabaynta si kor loogu qaado daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo fududeynta shaqo.

Wasiir Fiqi ayaa mahadceliyay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay taageerada ay si joogto ah u siiyaan Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay wareejintan tallaabo muujineysa kalsooni iyo iskaashi lagu dhisayo Wasaarad Gaashaandhig oo casri ah, hufan, kana jawaabta baahiyaha qaranka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goob jooga ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro Agaasimaha Guude ee UNOPS iyo saraakiil sare oo ka socday Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabayay Cabasho ka timid Bulshada ayaa Kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka {NIRA} oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.

“ Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”.

ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray maamulka hay’adda in si loo fududeeyo adeegga la kala leexiyo kaar doonashada iyo qaadashada, oo qofka kaarka qaadanaya uusan u galin saf la mid ah midka marka uu doonanayo ee uu is diiwaan galinayo.