Home Blog Page 77

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan waxay hambalyo u diraysaa shacabka iyo Dowladda Soomaaliya hirgalinta doorashooyinka heerka gobol ee maanta ka dhacaya Gobolka Banaadir.

Maanta waa maalin ka tilmaaman maalmahii lasoo maray, iyadoo muwaadiniintu markii ugu horreysay ka qaybgalayaan doorasho qof iyo cod ku dhawaad lixdan sano.

‎Danjire Fardowsa ayaa sheegtay in maanta tahay maalin taariikhi ah oo shacabka reer Muqdisho codkooda ku ciil baxayaan iyadoo sidoo kale bogaadisay dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Dan Qaran ku aaddan xaqiijinta doorashooyinka dimoqraadiyadda ah, taasoo muujinaysa himilada Soomaaliya ee xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka hay’adaha dowliga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee ka socota caasimadda Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ka codeeyey degmada Warta Nabadda, halkaas oo uu si toos ah uga qayb qaatay doorashada taariikhiga ah ee ka dhaceysa magaalada kadib 57 sano.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiirrigeliyey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, in ay si nabad ah u gutaan waajibaadkooda muwaadinimo iyagoo codkooda si xor ah ugu dooranaya cida ay rabaan in ay matasho.

Doorashadan ayaa muhiimad weyn u leh dib u soo celinta hannaan dowladeed oo ka bilowda heer hoose, iyadoo bulshada fursad u helaysa in ay codkooda ku doortaan maamulka degmooyinka.

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

0

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah ka gashay sooyaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, kaddib markii si wadajir ah ay doorashadii Golaha Deegaanka uga bilaabatay 16-ka degmo ee caasimadda  doorashadan oo ah tii ugu horreysay ee noocan ah tan iyo 57 sano ka hor.

Aroortii hore ee saaka ayaa boqolaal muwaadiniin ah, oo ay ku jiraan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, dadka da’da ah, iyo dhalinyaro kasoo kala jeeda degmooyinka kala duwan, safaf dhaadheer ugu galay goobaha codbixinta si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinimo.

Qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin fursaddan ay codkooda ku dhiibanayaan. “Saakay waaberigii ayaan imid si aan codkayga u dhiibto,” ayuu yiri mid kamid ah dadkaas.

Hooyo Hindiya oo 70 jir ah ayaa tiri: “Maanta codkayga ayaan ku ciilbixiyay anigoo da’ ah, aad baan ugu faraxsanahay.”

Sidoo kale, Mahdi oo ah wakiilka dadka baahiyaha gaarka qaba ee degmada Heliwaa, ayaa yiri: “Codkayga saakay waan ku cibaadaysatay, dadka si nabad ah ayay u codeynayaan.”

Goobaha codbixinta ayaa si habsami leh uga socda dhammaan degmooyinka caasimadda, iyadoo Warbaahinta Qaranka ay si toos ah u tebineyso xaaladda goobaha doorashada. Muqdisho ayaa markale yeelanaysa gole deegaan oo ay dadweynuhu si toos ah u soo doorteen, taasoo muujinaysa dib usoo kabashada hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo gudanaya waajibaadkiisa muwaadinimo kana qayb-galaya doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee caasimadda, ayaa codkiisa ka dhiibtay Xarunta Jaamacadda Green Hope ee degmada Hodan, halkaas oo ay bulshadu ugu jirto safaf dhaadheer sidii ay u dooran lahaayeen masuuliyiinta matali doona.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in maanta ay qormayso bog cusub oo taariikhi ah, isaga oo sheegay in doorashadani ay dib u soo celinayso xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana ay tahay codbixin toos ah oo shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer kaddib si xor ah ugu dooranayaan hoggaankooda, taas oo ka tarjumaysa biseylka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo ka-qaybgalka shacabka ee go’aan gaarista masiirkooda siyaasadeed.

Mudane Saalax, ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta is-diiwaangeliyay in ay si nabad ah uga qayb qaataan doorashada, isaga oo ku ammaanay hay’adaha amniga iyo guddiyada doorashooyinka dadaalka ay ku xaqiijinta amniga shacabka iyo codayn-bixiyayaasha.

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

0

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday doorashada Golaha Deegaanka 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, taasoo ah mid taariikhi ah oo la sugayay muddo dheer, isla markaana ah doorashadii ugu horreysay ee noocan ah oo ka dhacda caasimadda Soomaaliya tan iyo 1967, taasoo laga joogo 57 sano.

Shacabka Muqdisho ayaa si buuxda isugu soo baxay, iyaga oo safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta si ay u doortaan wakiilladooda degmooyinka. Doorashadan ayaa ah mid lagu hirgelinayo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, iyadoo qof iyo cod loo dooranayo xubnaha Golaha Deegaanka, kuwaas oo meteli doona danaha dadka deegaanka, islamarkaana gacan ka geysan doona horumarinta adeegyada aasaasiga ah.

Amniga doorashada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana howl-gal amni ah oo ballaaran ka wada ciidamada ammaanka ee heer Federaal iyo heer Gobol. Sidoo kale, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMBDQ) ayaa kormeeraya hannaanka doorashada si loo xaqiijiyo hufnaan, xorriyad iyo cadaalad.

Doorashadan ayaa la filayaa inay noqoto tusaale u ah qabashada doorashooyin kale oo heer deegaan ah mustaqbalka dhow, waxayna fure u tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dib ula wareegaan codkooda iyo doorashadooda, iyaga oo ka qayb qaadanaya hannaanka maamul ee deegaanka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka Af-Soomaaliga looga hadlo, isagoo sheegay in abaar daran iyo biyo la’aan baahsan ay saameeyeen dad iyo duunyo badan.

Guddoomiye Maxamuud wuxuu sheegay in meelaha qaar ay xaaladdu tahay mid aad u culus, gaar ahaan marka laga hadlayo helitaanka biyo nadiif ah, taasoo horseedday khataro caafimaad iyo barakac.

Wuxuu ugu baaqay dowladda, bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo beesha caalamka in si degdeg ah loo isu gurmado, si loo badbaadiyo nafaha dadka ay saameeyeen abaarta iyo biyo la’aanta, isla markaana loo xoojiyo dadaallada gurmadka bani’aadamnimo.

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo saareen warbixintii saddexaad ee xaaladda dhaqaalaha dalka.

Warbixintan oo si qoto dheer u falanqeyneysa isbeddellada dhaqaale ee dalka ayaa xoogga saartay kobaca GDP-ga, maalgashiga gudaha iyo dibadda, xaaladda lacagta, sicir-bararka, iyo fursadaha horumarineed ee Soomaaliya.

Dr. Xasan ayaa xusay in warbixintu tahay mid muhiim u ah qorsheynta iyo qaabeynta siyaasadaha dhaqaale, isla markaana ay hagayaan dadaallada lagu xoojinayo maaliyadda dalka, kobcinta shaqo-abuurka, iyo ilaalinta degenaanshaha dhaqaale ee dalka.

Waxaa sidoo kale lagu dhiirrigeliyay in la dardargeliyo iskaashiga maalgashi iyo kobcinta ilaha dakhliga qaranka.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar ahaan degmooyinka Xudur iyo Waajid, si uu ugu kuur galo xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta halkaas iyo baahiyaha degdegga ah ee ay wajahayaan dadka deegaanka.

Madaxweyne Laftagareen, isagoo ka jawaabaya baaqii digniinta ahaa ee Wasaaradda Gargaaraka Maareynta Musiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dhawaan soo saartay, ayaa dadka ku nool degmooyinkaas gaarsiiyay gargaar horudhac ah oo loogu talagalay wax ka qabashada xaaladda abaareed ee jirta.

Madaxweynuhu wuxuu baaq rasmi ah iyo qeylo-dhaan xooggan u diray dhammaan hay’adaha gargaarka, Dowladda Federaalka, bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda, isagoo ku booriyay in si degdeg ah loo bixiyo gargaar bini’aadantinimo oo wax ku ool ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo xoolahaba, maadaama abaartu ay tahay mid halis ah oo haddii aan si dhaqso ah looga hortagin sababi karta macluul iyo dhimasho baahsan.

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay:

– In xaaladda gobolka ay u baahan tahay gurmad degdeg ah.

– In hay’adaha samafalka ay dardar geliyaan ka jawaabista baaqa Wasaaradda Gargaaraka Maareynta Musiibooyinka DKGS.

– In shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ka qeyb qaataan samatabixinta walaalahooda abaartu saameysay.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Laftagareen wuxuu ballan qaaday in Dowladda Koonfur Galbeed ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto la tacaalidda xaaladaha degdegga ah iyo gaarsiinta gargaarka meelaha ugu daran ee ay abaartu saameysay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku dhawaaqay in la geliyay heegan buuxa dhammaan Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah iyo shaqaalaha u tababaran samatabixinta. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga sugidda amniga iyo daryeelka bulshada inta lagu guda jiro doorashada Golaha Deegaanka ee dhici doonta 25-ka December.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka uu ka go’an yahay badbaadada shacabka, isla markaana ay muhiim tahay in adeegyada caafimaadka iyo gurmadka degdegga ah ay si hufan uga jawaabaan xaalad kasta oo soo korota. Waxa uu sidoo kale xusay in shaqaalaha gurmadka loo diyaariyay agabkii lagama maarmaanka u ahaa howlahooda.

Tani waxay muujinaysaa dadaalka Gobolka Banaadir uu ugu jiro ilaalinta badqabka shacabka, xilli ay doorashadu mareyso heerkii ugu sareeyay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas oo ku jira heegan buuxa si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo degdeg ah oo dhici karta, maadaama magaalada Muqdisho ay galeyso doorasho maalinta berri ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay si buuxda u diyaarisay gaadiidka dab-damiska, ambalaasyada iyo shaqaale tababaran, kuwaas oo shaqeyn doona 24-saac, si loo xaqiijiyo bedqabka iyo badbaadada shacabka caasimadda ee doorashada u diyaarsan.

Sidoo kale, maamulka Gobolka ayaa mar kale muwaadiniinta ku baraarijiyey lambarka gaaban oo ah 991, kaas oo ay la soo xiriiri karaan marka ay u baahdaan gargaar degdeg ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Hoose ay mar walba u taagan tahay adeegga iyo daryeelka shacabkeeda, isaga oo ugu baaqay bulshada Muqdisho inay si nabad ah, oo masuuliyad leh uga qaybqaataan doorashada maalinta berri ah ka dhaceyso Muqdisho.

Waxaa kulanka ka qaybgalay, Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Hawlaha Guud, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Dowlad-goboleedka Galmudug, isaga oo u kuur-galayay xaaladda abaarta, saameynta isbeddelka cimillada iyo duruufaha nololeed ee ay wajahayaan bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka Galmudug.

Wasiirka, oo uu wehelinayay Wasiirka Deegaanka ee Galmudug, ayaa si gaar ah u booqday magaalada Bud-bud, oo ka mid ah goobaha sida weyn ay u saameeyeen isbeddellada cimillada. Magaaladaas ayaa waxaa ka muuqda saameyn culus, iyadoo bacaadku uu qariyay qaar ka mid ah guryaha, taas oo dhibaato weyn ku keentay qoysaskii ku noolaa.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa kulan wacyigelin ah la yeeshay shacabka iyo dadka reer miyiga ah, kaas oo diiradda lagu saaray khatarta ka dhalata jarista dhirta iyo xaalufka deegaanka. Waxa uu bulshada u sheegay in dhibaatooyin waaweyn ay ka dhalan karaan haddii aan la joojin jarista dhirta iyo burburinta deegaanka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ayaa sheegay in wax ka qabashada abaarta iyo isbeddelka cimilladu aysan ahayn hawl ay wasaarad keliya qaadi karto, balse ay u baahan tahay ka-qaybgal buuxa oo ay yeeshaan dhammaan qeybaha bulshada, hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha kale. Waxa uu ugu baaqay bulshada Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay door muuqda ka qaataan ilaalinta iyo badbaadinta deegaanka.