Home Blog Page 77

Wasiir Xeyd oo ka qeyb-galaya Shirka Sanadlaha ee Guriyeynta Afrika

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-udhiska iyo Guriyeynta, Mudane Saciid Maxamed Maxamuud Xeyd iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria.

Wasiir Xeyd iyo wafdigiisa ayaa shirkan ku matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, iyaga oo ka qeyb-qaadan doona wada-tashiyada muhiimka ah ee ajandayaasha shirka.

Muddada uu shirku soconayo waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimo la xiriira sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta qalabka dhismaha ee laga keeno dibadda qaaradda Afrika iyo sidii wadashaqeyn iyo iskaashi ballaaran looga yeelan lahaa hirgelinta mashaariicda guriyeynta ee laga fulinayo inta badan dalalka Afrika, oo Soomaaliya ay kamid tahay, shanta sano ee soo socota.

Dowladda FS oo Puntland ugu baaqday inay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga xuntay dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee ka dhacday degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Wasaaradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dhammaan muwaadiniintii ku geeriyooday, waxayna alle uga baryeysaa caafimaad dhammaan kuwa ku dhaawacmay.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa dhinacyada ku lugta leh rabshadaha inay si degdeg ah u joojiyaan falalka colaadda, ayna bulshada deegaanka ku boorinaysaa inay ilaashadaan daganaanta iyo xasilloonida.

Wasaaradda ayaa si xushmad leh uga codsaneysa isimada dhaqanka, culimada, iyo waxgaradka inay ka qeyb qaataan xakameynta iyo soo afmeerista xiisadda ka taagan Dhahar, lagana hortago dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Ugu dambeyn wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa Madaxweynaha Puntland inuu joojiyo falalka sii hurinaya collaadda, islamarkaana uu dib ugu celiyo ciidamada laga soo diray degmada Qardho, kuwaas oo loogu talagalay inay la dagaallamaan Khawaarijta, balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan wax tar lahayn.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya Mr. Mirko Giulietti, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiirka la wadaagay guulaha ay Xukuumadda DanQaran xaqiijisay iyo sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay gaarto horumar la taaban karo, oo ay hormuud u tahay doorashooyinka dadweynaha talada loogu celinayo .

Dhankiisa Mr. Giulietti, ayaa sheegay in dowladda Switzerland ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dib-u-heshiisiinta, nabadeynta iyo horumarinta.

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

0

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan, ayaa maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir, si ay u qaadato kaarka codbixinta doorashada dadweynaha oo la filayo in ay dhawaan ka dhacdo dalka.

Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay si buuxda uga qaybqaataan diiwaangelinta kaarka codbixinta, si ay u doortaan qof ay siyaasad ahaan ku qancaan, iyadoo xustay in ka qaybgalka doorashooyinka uu yahay waajib muwaadinimo oo muhiim u ah dhismaha dowladnimada iyo matalaadda shacabka.

“Qaadashada kaarka codbixinta ma ahan oo kaliya hab doorasho, waa fursad muwaadin kasta uu ku muujin karo codkiisa, kalsoonidiisa iyo doorkiisa dhismaha mustaqbalka dalka.”

Marwada Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadisay dadaalka hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo sal u noqon doonta dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Qaadashada kaarka codbixinta ayaa si habsami leh uga socota maamul-goboleedyada kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, iyadoo dadweynuhu ay muujinayaan firfircooni iyo ka go’naansha qaadashada kaarka Codbixinta

Ugu dambeyn, Marwada Madaxweynaha ayaa ku boorrisay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fursaddan, si ay door muhiim ah uga qaataan dhismaha dowlad ku saleysan rabitaankooda.

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

0

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada 34‑aad ee xubnaha siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee Bariga Afrika (EASF), iyada oo ay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya martigeliso kulankan muhiimka ah .

Kulankaan ayaa soconaya 15 Luulyo illaa 19 Luulyo 2025, waxaa sanadkan kulanka guddoominaysa madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, taas oo qabanaysa xilka guddoomiyaha ee EASF .

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo istiraatiiji ah oo ku saabsan siyaasadda, amniga iyo iskaashiga dhanka ciidamada, booliiska iyo qaybaha rayidka, iyada oo loo eegayo dhacdooyinka amni ee ka jira gobolka Bariga Afrika.

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Md. Cabdullaahi Al-cutaybi oo booqasho sharafeed ku yimid Aqalka Dawladda Hoose ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobalka ahna Duqa Caasimadda ayaa soo-dhawayn ka dib waxa uu Danjiraha Jaamacadda Carabta la wadaagay dadaallada baaxadda weyn ee ay dowladda hoose ka waddo Caasimadda, kuwaas oo isugu jira dib-u-dhiska iyo bilic-soo-celinta, hagaajinta kaabayaasha muhiimka ah sida waddooyinka, bullaacadaha iyo biyo-mareennada, iyo weliba horumarinta arrimaha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku amaanay Jaamacadda Carabta kaalinta soojireenka ah ee ay ka qaateen taageeridda shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa ee la soo maray, isaga oo ku baaqay in la sii xoojiyo xiriirkaas taariikhiga ah, loogana faa’ideysto dhinacyada muhiimka ah marxaladdan uu dalku soo-kabashada ku jiro.

Danjire Al-cutaybi ayaa dhankiisa ka mahadnaqay soo-dhawaynta kalsamida leh ee uu kala kulmay Duqa Caasimadda Muqdisho, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in Jaamacadda Carabtu ay ku dadaalayso sidii ay Soomaaliya, dal iyo shacabba uga taageeri lahayd dhinacyada kordhinta aqoonta iyo karaan-dhiska dhallinyarada Soomaaliyeed, xoojinta kaalinta luuqadda Carabiga, iyo arrimaha kale ee la xiriira dawlad-dhiska iyo xaqiijinta isku-filnaanta heer qaran ee Soomaaliya.

Hay’adaha ammaanka ayaa xiray Askari jirdilay gabar Soomaaliyeed

0

Hay’adaha ammaanka ayaa soo xiray Axmed Nuur Maxamuud, oo ah askari loo heysto in uu jir-dil u geystay gabar Soomaaliyeed, falkaas oo si cad uga soo horjeeda sharciga iyo anshaxa ciidanka.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in lasoo xiray eedeysanaha, isla markaana la horgeyn doono Maxkamadda awooddda u leh, si sharciga loo waafajiyo.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐭𝐢𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲 Dalka Kenya

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominaya kulankan ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka geeska Afrika oo sanadkani ay Dowladda Soomaaliya shir-guddoon ka tahay, kaas oo maanta ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in hirgalinta qorshayaasha casriga ah ee hannaanka dhijitaalka ah uu qeyb wayn ka qaadan karo horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo isku xirnaanta dalalka geeska.

Kulankani ayaa diiradda lagu saarayaa sidii dalalka geeska afrika ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta is-dhaxgalka adeegyada dhijitaalka ah (𝑫𝒊𝒈𝒊𝒕𝒂𝒍 𝑰𝒏𝒕𝒆𝒈𝒓𝒂𝒕𝒊𝒐𝒏 𝒊𝒏 𝒕𝒉𝒆 𝑯𝒐𝒓𝒏 𝒐𝒇 𝑨𝒇𝒓𝒊𝒄𝒂) oo muhiim u ah Bulshada Gobolka Geedka Afrika, maadaama dunida oo dhan ay la sii jaanqaadayso horumarka xiliga casriga ah oo lagu tartamayo hannaanka dhijitaalka.

Madashan Iskaashiga ah ayaa inta badan diiradda lagu saaraa sidii loo horumarin lahaa danaha iyo is-dhexgalka dalalka Geeska Africa.

 

 

 

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen Isgoyska Gayacad oo u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, halka shan kalana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyey.

Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa waxaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo laga soo abaabulay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo doonayay in ay gurmad ahaan ugu gudbaan Khawaarij kale oo ku go’doonsan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

Inkasta oo Kooxda Khawaarijtu isku dayday in ay ku dhuumaaleysato dhulka howdka ah, haddana seddaxda howlgal ee lagu bartilmaameedsaday ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, waxaana halkaas lagu dilay 15 xubnood oo Khawaarij ah halka ilaa shan kalana la xaqiijiyay in dhaawacyo halis ah ay gaareen. Howlgalka ayaa wali socda iyada oo lagu lagu raad-joogo firxadka maleeshiyaadka baxsadka ka ah howlgallada dhacay.

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u furay shir-wadatashi heer qaran ah oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka ee muddada 2025 illaa 2030.

Shirkan oo labo maalmood socon doona ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii si wadajir ah loo dejin lahaa qorshe wax-ku-ool ah oo lagula tacaalo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka oo si aamusnaan ah bulshada u saameeya.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay khubaro caafimaad oo heer qaran ah, Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, wakiilo ka socdey dowlad-goboleedyada dalka, madax qeybeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka kala socday jaamacadaha dalka, isbitaallada, iyo sidoo kale, waxaa shirka si firfircoon uga qeyb galay hay’adaha caalamiga ah ee sida tooska ah ula shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka, oo ay ugu horreeyaan WHO, African CDC, iyo hay’ado kale oo muhiim ah.

Khudbaddii furitaanka Wasiirka ayaa xoogga lagu saaray muhiimadda ay leedahay in cudurkan la helo qorshe qaran oo mideysan oo lagu yareyn karo faafitaankiisa, waxa uuna xusay in cudurka Cagaarshowga yahay mid si qarsoodi ah ugu faafa bulshada, islamarkaana sababa dhibaato caafimaad iyo dhaqaale, wuxuu carabka ku adkeeyay in qorshahan uu noqonayo mid salka u dhigi doona dadaallada Wasaaradda ee la xiriira yareynta cudurrada faafa, isagoo tilmaamay in la doonayo in la helo hannaan dhammaan hay’adaha ay ka go’an tahay ay ku midoobaan.

Ujeeddada shirkan ayaa ah in si wadareed loo helo talooyin, aragtiyo iyo istaraatiijiyad mideysan oo lagu hagayo qorshaha cusub ee dalka uu qaadanayo si looga hortago cudurka Cagaarshowga, waxaa la isweydaarsanayaa inta uu socdo Shirka xogaha la xiriira xaaladda cudurka ee dalka, caqabadaha taagan, iyo sida ugu habboon ee bulshooyinka looga wacyigelin karo halista cudurka, sidoo kale waxaa la falanqeyn doonaa kaalinta ay yeelan doonaan dhammaan qeybaha aan dowliga aheyn.

Wakiilada ka socday WHO iyo African CDC oo shirka ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso sugidda caafimaadka dadweynaha, waxa ayna ballan qaadeen inay sii xoojin doonaan taageerada farsamo iyo midda cilmiyeed ee la xiriirta la-dagaallanka cudurrada dilaaga ah ee uu ka mid yahay Cagaarshowga, sidoo kale waxay soo bandhigeen xog caalami ah iyo waayo-aragnimooyin guuleystay oo dalal kale ka hirgalay, taasoo kaalin weyn ka qaadan karta diyaarinta qorshaha Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa rajeynaysa in natiijada ka soo baxda shirkan ay horseedi doonto qorshe qaran oo miro-dhal ah, kaas oo lagu xakameyn karo cudurka Cagaarshowga Hepatitis-ka marka la gaaro sanadka 2030. Wasaaraddu waxay ku boorrisay dhammaan dhinacyada kala duwan inay gacan ka geystaan fulinta qorshahaan, si loo xaqiijiyo himilada ah helidda bulsho caafimaad qabta oo u adkaysata cudurrada faafa.