Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Qaahira gelinkii dambe ee Sabtidii dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha Masar.

Kulankan ayaa dhacay intii uu socday Shirka Labaad ee Heer Wasiir ee Madasha Wada-hadalka Ruushka iyo Afrika, oo ka qabsoomay Qaahira 19–20 Diseembar 2025. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo amniga. Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda uu leeyahay iskaashi wax ku ool ah oo gacan ka geysta xasilloonida iyo horumar waara. Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee Masar ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Masar, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo dhismaha awoodda hay’adaha. Sidoo kale, wuxuu muujiyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada heer gobol si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa, Wasiir Dr. Badr Abdelatty ayaa bogaadiyay horumarka wanaagsan ee xiriirka Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna mar kale xaqiijiyay ballanqaadka Masar ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal. Wuxuu tilmaamay in dib-u-furista Safaaradda Masar ee Muqdisho ay fududeyn doonto wada-shaqeyn diblomaasiyadeed oo dhow iyo isku-duwid ka wanaagsan oo u dhexeysa labada dowladood.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladda amniga ee gobolka, iyadoo Masar ay mar kale caddeysay taageeradeeda ku aaddan xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Masar ayaa sidoo kale adkaysay baahida loo qabo maalgelin caalami ah oo joogto ah si loo taageero Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo hubiyo guushiisa iyo waxtarkiisa.

Labada wasiir ayaa si wadajir ah carrabka ugu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashi heer gobol iyo mid caalami ah si wax looga qabto khataraha ku wajahan nabadda iyo amniga gobolka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...