Home Blog Page 79

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay laga fuliyay Gobolka Hiiraan ku dilay dilay ilaa Toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalkaan oo ka dhacay tuulada Buulo-xoog ee deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah ,kaas oo sidday hub iyo maleeshiyaad kale.

Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa Howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta Khawaarijta, waxaana beegsigu bilowday xilli gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan,isagoo ku sii jeeday deegaanka Buq-Aqable.

Howlgalka ayaa ku soo dhammaday si guul ah waxaa la xaqiijiyay in goobta uu ka dhacay brrgdiga cadowga lagu burburiyay gaadiid, hub iyo maleeshiyaad.

Waxaa jira muuqaallo caddaymo ah oo ay qabatay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka,kuwaas oo dhowaan loo soo bandhigi doono bulshada.

 

 

Maamulka Hirshabeelle oo kaalmo lacag ah gaarsiiyay ciidanka ku jira Martiini

0

Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ciidanka ee ku jira cisbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Guddigaan oo isugu jiray Xildhibaanno,wasiirro iyo Taliyaha ciidanka Boliiska ee Hirshabeelle ayaa booqday cisbitaalka Martiini ,halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo qaba dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray dagaalada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee la doonayo in lagu sifeeyo kooxaha khawaarijta ee weli ku dhuumaaleysanaya halkaasi.

Guddoomiyaha Guddigaasi Maxamuud Xuseen Bile oo horkacayey xubnaha Horshabeelle ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka ah ay gurmad caafimaad oo degdeg ah u fidiso illaa 3 ruux oo kamid ah ciidanka bukaanka ah ee ku jira cisbitaalkaasi.

Mas’uuliyiinta Hiiraan oo guddoomay deeq samofal ah oo loogu talagalay ciidanka

0

Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo odoyasha dhaqanka ayaa deeq kaalmo ah oo isugu jirtay lacag, raashin, xoolo nool garsiiyay madaxda iyo nabadoonno ku dhaqan Hiiraan.

Xafladdii guddoonsiinta deeqdaasi oo ka dhacday Degmada Maxaas,waxaa halkaasi lagu bixiyay lacag gaareysa konton kun oo dollar,tiro ari ah iyo in ku dhow toban neef oo geel ah.

Xafladdaasi waxaa ka hadlay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Maxamed Cabdullahi, Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud , Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye,Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed iyo xubno kale.

Deeqdaan oo qeyb ka ah gurmadka loo fidinaayo ciidanka la dagaalamaya khawaarijta waxaa bixiyay mid kamid ah beelaha dega gobollada Hiiraan iyo Galgaduud,kuwaas oo gartay in dadka walaalahooda ah ay ku garab istaagaan wixii samofal ah ee ay awoodaan.

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

0

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle si rasmi ah uga bilowday ololaha diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Hirshabeelle iyo bulshada magaalada Jowhar ayaa ku sugan goobaha ay ka bilaabaneyso diiwaangelinta codbixiyeyaasha dadweynaha, waxaana ujeedka arrintaan ay tahay in shacabka ay doortaan maamul ay kula xisaabtamaan horumarinta deegaannadooda.

Waa tallaabo horumar oo horay loo qaaday, waxayna muujineysa sida ay xukuumadda DanQaran uga go’an tahay in ay tallada ku celiso shacabka.

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

0

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa ka Qaybgalaya tababar ku saabsan Maareynta Dekedaha iyo Teknolojiyadda Casriga ah

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo isugu jira Agaasimayaal Guud iyo Maareeyayaal ka kala socda Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasaaradda Maaliyadda, iyo sidoo kale Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha dekedaha ee Maamul Goboleedyada dalka.

Saraakiishan ayaa dalka Shiinaha u yimid si ay uga qaybgalaan tababbar muhiim ah oo la xiriira Maareynta Dekedaha iyo Teknolojiyadda casriga ah, kaasoo ka dhacaya magaalada Tianjin ee Jamhuuriyadda Shiinaha.

Intii uu socday kulanku, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: muhiimadda uu tababbarkani u leeyahay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dekedaha Soomaaliya, iyo sidoo kale fahamka fursadaha maalgashi ee ku xeeran kobcinta kaabayaasha dekedaha dalka.

Danjire Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in safaaraddu sii waddo taageerada iyo fududeynta xiriirka u dhexeeya hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha. Waxay si gaar ah uga hadashay muhiimadda tababbarrada kor u qaadaya xirfadaha shaqaalaha, iyo iskaashiga farsamo ee xoojinaya awoodda hay’adaha Dowlada Soomaaliya.

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka noqotay ayaa sare u qaadi doona shuruucda looga hortago af-duubka Diyaaradaha, Weeraradda Garoomada loo geeysto iyo khataro kale oo ay Duulista Rayidka wajahdo.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay si gaar ah ugu mahad-celineeysaa U.S. Embassy Mogadishu oo qeyb weyn ka qaadatay ka mid noqoshada Soomaaliya ee heshiisyadan.

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

0

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Safaraadda Soomaaliya ee Ankara Marwo Caasha Maxamed Maxamuud ayaa ka qayb gashay xaflada qalanjabinta ardayda wax ka barata Jaamacada Ostim Teknik ee magaalada Ankara dalka Türkiye.

Ardayday qalin jabisay ayaa ahaa kumaanan Arday oo iskugu jiray kuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacadu bixiso. Waxaana ka mid ahaa 78 arday oo Soomaali ah.

U qeybsanaha ayaa hambalyo u dirtay dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan ka qalin jabiyay Jaamacada Ostim,Waxayna u rajaysay mustaqbal wanaagsan iyo horumar.

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

0

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli doonaa Iskaashiga weyn ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano “BRICS” uu ugu qaabeyn karaa Mustaqbalka guud ee aduunyada , gaar ahaan Africa?.

Aduunyadu waxay u ruqaansatay Horumar iyo iskaashi, taasoo sababsatay iney timaado magaca ereyga “BRICS”, oo ah erey la soo gaabiyay lagana soo qaatay shanta wadan ee ah kuwa ugu horeeyay oo kala ah – Brazil, Russia, India, China iyo South Africa – wadamadan ayaa ah kuwa loogu aqoonsan yahay inay yihiin quwad fure u ah qaabaynta aduunyada, taasoo si isku mid ah oo nidaamsan u sameeya mid dhaqaale ee loo dhan yahay.

Habkan ee ah mid ku saleysan iskaashiga “BRICS” wuxuu u soo baxay inuu yahay goobta ugu muhiimsan ee wadajirka iyo iskaashiga ee suuqyada soo koraya iyo wadamada soo koraya.

Shir madaxeedkii ka dhacay magaalada Rio de Janeiro ee wadanka Brazil, July 6 ilaa 7, 2025, wuxuu calaamad u yahay guul taariikhi ah: shirkii ugu horreeyay ee lagu qabto qaabka la ballaariyay oo ka kooban 11 xubnood oo buuxa iyo 10 waddan oo saaxiibo ah, taas oo ka tarjumaysa korriinka wadamada ku biiriya “BRICS”.

Shiinuhu waxa uu kaalin dhexe ka qaatay balaarinta BRICS, isaga oo kooxda ka beddelay isbahaysiga shanta waddan ee dhaqaalahoodu soo korayo, una beddeleen madal ballaaran oo matalaysa koonfurta caalamka. Sanadkii 2017, Shiinuhu wuxuu si rasmi ah u soo jeediyay in la sameeyo qaabka loo yaqaano “BRICS Plus”.

Qaabkani waxa uu xoojiyey muhiimada iskaashiga BRICS waxana uu balaariyey isku xirka iskaashiga caalamiga ah ee kooxda, si loogu daro wadamo badan oo ka socda koonfurta caalamiga ah, sida uu qabo Xu Xiujun, oo ah Professorad ka tirsan Machadka dhaqaalaha Adduunka iyo siyaasada ee Akademiyada Shiinaha ee Sayniska Bulshada. “Ilaa hadda, in ka badan 100 waddan iyo hay’ado caalami ah ayaa ka qaybqaatay wadahadal iyo iskaashi hoos yimaada qaabka BRICS”, Xu ayaa tiri.

Shiinuhu wuxuu intaa ku daray in qaabka “BRICS Plus” uu sidoo kale aas-aas muhiim ah u dhigay ballaarinta joogtada ah ee wadamada ee ku wajahan Koonfurta Caalamiga ah. Sidoo kale saandkii 2022-kii shirka Madaxweynayasha wadamada BRICS, Shiinuhu wuxuu si rasmi ah u soo jeediyay in la bilaabo hannaankii ballaarinta.

Sannadkii 2023kii, BRICS waxay qaadeen tallaabo taariikhi ah, iyagoo bilaabay wareeggoodii koowaad ee ballaarinta. Janaayo 1, 2024kii, shan waddan oo cusub ayaa lagu soo daray , kuwaas oo kala ah- Sacuudi Carabiya, Masar, Imaaraadka Carabta, Iran iyo Itoobiya – ayaa si rasmi ah uga mid noqday xubnaha buuxa ee wadamada ku bahoobay “BRICS”.

Dabayaaqadii sanadkaas, bishii Oktoobar 2024kii, hoggaamiyeyaasha BRICS waxay isugu tageen Magaaalda Kazan ee dalka Russia, shir madaxeedkii 16-aad, oo ahaa kii ugu horreeyay ee daba socday ballaarinta taariikhiga ah ee kooxda, taasoo keentay waa cusub oo iskaashi weyn ee u soo hoyday wadamada BRICS, waxaa kale oo ay ka tarjumaysaa hamiga ballaaran ee BRICS ee ah in ay horumariyaan casriyaynta Koonfurta Adduunka oo ay gacan ka geystaan ​​dhisidda bulsho leh mustaqbal ay wadaagaan bani-aadmiga.

Bishii Janaayo 2025-ka, Indonesia waxay si rasmi ah ugu biirtay BRICS, sidii xubinta buuxda ee cusub. Intaa waxaa dheer, sagaal waddan oo kale – Malaysia, Thailand, Belarus, Bolivia, Cuba, Kazakhstan, Uzbekistan, Uganda iyo Nigeria – ayaa lagu soo dhaweeyay wadamada BRICS ee iskaashiga ah. Bishii hore, Vietnam waxay noqotay waddankii 10-aad ee BRICS ee iskaashigan kusoo biira.

“BRICS waxa ay aad ugu guulaysatay in ay isu keento dalalka leh qiyamka aasaasiga ah ee kala duwan, aragtida caalamka, iyo nidaamyada siyaasadda iyo dhaqaalaha,” ayaa lagu akhriyay warbixin siyaasaddeed oo ay soo saartay mufakiriinta Clingendael, Machadka Xiriirka Caalamiga ah ee Netherlands, oo la sii daayay May 2025-kii.

Isku soo wada duuboo, wadamada BRICS waxay hadda yihiin ku dhawaad ​​kala bar dadka adduunka waxayna wax ka badan 50% boqolkiiba ku biiriyaan kobaca dhaqaalaha adduunka, marka loo eego hal qiyaas oo ah iskaashi iyo wax wada qabsi. Sida laga soo xigtay Muuqaalka Dhaqaalaha Adduunka ee ay sii daysay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF bishii April, waddamada BRICS waxay ku xisaabtameen 40.2%GDP caalamiga ah (oo lagu qiyaaso sinnaanta awoodda wax iibsiga) 2024-kii, iyadoo saadaasha kor u kacday 40.7 boqolkiiba 2025-ka, halka saamiga G7 la filayo inuu hoos uga dhaco 28.8 boqolkiiba ilaa 28.4 boqolkiiba korodhka’ miisaankii hore’ ee isla muddadaas, sid ay qortay ( CGTN新媒体部) .

Wadamada AFRICA ee ilaa iyo haatan iska diiwan galiyay ama xubin ka ah waxay kala yihiin –Masar, Ethopia, Uganda iyo Nigeria,iyadoo Wadamadan ay sanadihii ugu dambeeyay waxay kor u kac muuqda kasameeyeen koritaanka dhaqaalahooda ha ahaado midka GDP iyo midka lagu cabiro HDI (Human Development Index). Hadii uu sii jiro Hormarka balaaran ay sameeynayaan wadamadaas waxay keeni doontaa iney saameyn wayn ku yeeshaan korintaanka iyo iskaashiga dhaqaale ee qaarad ahaan “AFRICA” oo ah qaarada kaliya ee lagu tiriyo ineysan ka jirin wax Horumar ah marka laga reebo wadamo yar yar oo si gooni ah Carabta loogu dhufto.

Sababaha ka dambeeya ka qayb qaadashada wadamada BRICS ee ah Dhiirigelinta ugu muhiimsan ee Africa qaarad ahaan , waxaa ka mid ah rabitaankooda ku aaddan kheyraadka dabiiciga ah ee qaaradda, qaybta beeraha ee Afrika ee waaweyn iyo kuwa aan laga faa’iidaysan iyo sidoo kale fursadda maalgashi iyo wareejinta tignoolajiyada iyo aqoonta lagu beegsanayo dabaqada dhexe ee sii koraya, taasoo lagu qiyaasay inay ku jiraan in ka badan 300 milyan oo qof, balse waxaynu halkan ku so koobi doonaa waxyaaba ku dhiirigaliya iskaashatada “BRCIS” iney kaga soo qeyb galiyaan qaar kamid ah wadama Africa :-

Rabitaanka Kheyraadka Dabiiciga ah: sida ay sheegayaan qaar ka mid ah Khubarada ka faallooda dhaqaalaha, ka-qaybgalka BRICS ee Afrika waxaa asal ahaan sababa kheyraadka dabiiciga ah ee ay leedahay qaaradda Africa. BRICS ayaa ah kuwa ugu waaweyn ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalal badan oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan Angola, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Nigeria iyo Sudan. Brazil iyo Shiinaha ayaa ah kuwa ugu firfircoon ee ka sameeya sahaminta iyo ka faa’iidaysiga Gaaska, Saliidda iyo Macdanta ee dhextaala qaarada Afrika.

Qaybta Beeraha ee Afrika: Qeybtan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh dhaqaalaha Afrika waxaana la rajeynayaa inay sii ahaan doonto mashiinka kobaca dhaqaalaha qaaradda. Ku lug lahaanshaha wadamada BRICS ee qeybta Beeraha ee Afrika waxaa dhiirigeliyay xaqiiqda ah ‘in wadamadani ay u baahan doonaan inay kor u qaadaan khibradahooda dhinaca horumarinta Beeraha, si ay u furto awoodda qaaradda”.

Raadinta kala-duwanaanshaha iyo suuqyo cusub: Ka sokow awoodda weyn ee ay bixiso qeybta aas-aasiga ah ee Afrika, iyadoo wadamada ku bahoobay “BRICS” waxaa soo jiitay faa’iidooyinka kala duwanaanshaha dhaqaalaha ee qaarada Afrika iyo sidoo kale suurtagalnimada in la helo ama la galo suuq-weyn oo aysan faa’iidaysan hal bilyan oo macaamiisha Afrikaan ah. Sanadihii la soo dhaafay, wadamada BRICS waxay urursadeen kayd aad u badan, kuwaas oo inta badan la galiyay dunida horumartay.

Sidoo kale, Sababta ugu weyn ee wadamada Afrika ay dheereeyaan xiriirka “BRICS” waa awooda dhaqaale ee la taaban karo ee ay wadamadani bixiyaan. Wadamada BRICS, gaar ahaan Shiinaha, waxayna noqdeen maalgashadayaasha ugu waaweyn ee qaarada Afrika, iyaga oo dhaqaajinaya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, iyo kobaca dhaqaalaha.

Hindisaha Belt and Road Initiative ee Shiinaha (BRI) ayaa tusaale u ah ballan-qaadkan, iyadoo mashaariic ay ka mid yihiin jidka Tareenka ee Mombasa-Nairobi ee Kenya iyo jidka tareenka ee Addis Ababa-Jabuuti oo beddelaya Gaadiidka iyo ganacsiga guud ahaan Bariga Afrika. Waxqabadyadani waxay wanaajiyaan isku xirka, abuurista shaqooyin, waxayna kor u qaadaan dhaqaalaha maxalliga ah, iyagoo faa’iidooyin la taaban karo u siinaya dadka Afrikaanka ah.

Marka laga soo tago Shiinaha, xubnaha kale ee BRICS waxay wax ku biiriyaan si weyn. Tusaale ahaan, Ruushku waxa uu ballaariyey raadka uu ku leeyahay tamarta iyo amniga Afrika, isaga oo iska kaashanaya mashaariicda tamarta Nukliyeerka ah ee Masar iyo Koonfur Afrika iyo bixinta hubka dalal kala duwan.

Sidoo kale, Hindiya waxay xoojisay xiriirka ganacsi, iyadoo diiradda saareysa beeraha, dawooyinka, iyo tignoolajiyada macluumaadka, iyadoo sidoo kale bixineysa kaalmo horumarineed iyada oo loo marayo aaladaha sida Shirka Madasha India iyo Afrika.

Mid la mid ah, Brazil waxa ay la wadaagtaa khibradeeda dhinaca Beeraha kulaylaha, iyada oo ka caawinaysa wadamada Afrika kor u qaadida sugnaanta cuntada iyo wax soo saarka. Koonfur Afrika, iyada oo labadaba xubin ka ah BRICS iyo waddan Afrikaan ah, ayaa door gaar ah ka ciyaara fududaynta iskaashiga u dhexeeya Midowga iyo qaaradda.

Intaa waxaa dheer, Bangiga Horumarinta Cusub (National Development bank), oo ay aasaaseen BRICS, wuxuu taageeraa kaabayaasha iyo mashaariicda horumarineed ee waara, kuwaas oo qaar ka mid ah ay faa’iido u leeyihiin waddamada Afrika. Si ka duwan kaalmada reer galbeedka, oo inta badan la timaadda xaalado siyaasadeed ama dhaqaale oo adag, maalgashiga BRICS waxay u janjeeraan inay ka hormariyaan faa’iidada labada dhinac faragelinta.

 

 

 

 

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle oo ku kulmay xarunta dhexe ee hay’adda ayaa kawada hadlay xaaladaha adag ee bani’aadannimo ee ka jira qaar ka mid ah deegaannada Galmudug, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudda Itoobiya.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay in dad badan ay wajahayaan dhibaatooyin nololeed oo u baahan gargaar degdeg ah, isagoo codsaday in si dhaqsi leh loo gaarsiiyo taageero bani’aadannimo.

Sidoo kale labada masuul ayaa kulankooda diirada ku saaray muhiimadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha deegaanka, iyagoo xusay fursadaha dhinaca xoolaha ee Galmudug ka jira. Madaxweyne Cali Daahir Ciid ayaa soo jeediyay in laga shaqeeyo dhismaha warshad casri ah oo lagu qalo, laguna keydiyo hilibka xoolaha, taas oo sida uu sheegay, wax weyn ka tari doonta kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee bulshada.

Dhankiisa, Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ballan qaaday in SoDMA ay si degdeg ah u gaarsiin doonto gargaar dadka ay saameeyeen xaaladaha adag, isagoona muujiyay in hay’adda SoDMA ay diyaar u tahay la shaqeynta maamulka Galmudug, si loo hirgeliyo warshadda xoolaha, wuxuuna sheegay in dadaalladaas lagu taageeri doono iskaashi caalami ah iyo dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Madaxweynaa Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dal.

2- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika ayaa sheegay in qaran dhiska nuxurkiisu yahay xoojinta hey’adaha iyo kor u qaadista wacyiga bulshada oo ka tarjumaya halka dalka loo jiheynayo.

3- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulan la qaatey boqollaal ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda, isagoo kala hadlay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, difaaca dalka, doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka,dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta midnimada.

4- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, oo lagu soo xulay si hufnaan iyo caddaalad ah.

5- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada (Social Media Policy).

6- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa la guddoonsiiyay billadda Wasiirka Maaliyadda Afrika ugu wanaagsan 2025, kadib, xaflad ka dhacday magaalada London.

7- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa shir guddoomiyey shirka guddiga isku xirka hay’addaha fuliya arrimaha tallaalka oo furmay Magaaladda Moqdisho.

8- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray in ay xal ka gaaraan saxmadda ka jirta waddooyinka magaalada Muqdisho.

9- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Jumca Alromithi.

10- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Ku-Xigeenka Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Steven Gillen kala wareegay gaadiid Maraykanku ugu deeqay Ciidanka Booliiska.

11- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa faahfaahin ka bixisay qarax uu fuliyay dhagarqabe naftii hallige ah, kaasi oo ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku dhinteen 5 ruux.

12- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Sare ee WSIS+20 oo lagu qabtay Geneva ee dalka Switzerland.

13- Wafdi ka socday Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo dhawaan ay ka bilaabaneyso hannaanka diiwaan gelinta dadweynaha.

14- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr. Wang Yu.

15- Hoggaamiyaha Dawlad goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa magaalada Laascaanood ku soo dhoweeyey wafdi heer sare ka socday Gobolka Sanaag,oo uu hoggaaminayay Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

16- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud iyo Safiirka Boqortooyada Britain Ingiriiska ee Soomaaliya, Mr. Charles King, ayaa ka qeybgalay shirka Guddiga Sare ee Barnaamijka Xasillinta iyo Mudnaanta Dowladda.

17- Guddiga Qaran ee Gurmadka ayaa ka arrinsadey xoojinta adeegyada gurmadka degdegga ah iyo u diyaar-garowga xaaladaha masiibo ee ka dhici kara dalka.

18- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa qaabilay Ms. Nasrin Khan, Madaxa Kooxda Xeerka iyo Hay’adaha Amniga, iyo Ms. Leila Bouchebouba, Madaxa Qaybta Dib-u-habaynta Laamaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

19- Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fuliyay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay degaanka Baqdaad ee gobolka Shabeellada Hoose oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

20- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda.

21- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

22- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

23- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa magaalada Amman ee dalka Jordan uga qeybgalay daah-furka istaraatiijiyadda Carabta ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa qaabbilay Danjiraha dalka Sudan.