Home Blog Page 79

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano), ayaa sheegay in maalinta khamiista ah oo ay taarikhdu ku beegan 25 ka Decembar 2025, la xadidi doono guud ahaan dhaqdhaqaaqa magaalada si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka billaawdaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulan uu taliyahu isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qeybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku farah in si adag loogu diyaar-garowbo Doorashada dadweyne ee dhaceysa maalinta khamiista oo ku beegan 25ka bishaan December.

Sidoo kale, Saraakiisha nabadgalyada ayuu faray in shacabka loo fududeeyo in si nabad galyo ku codeeyaan.

Afhayeenka Ciidanka Boliska Soomaaliyeed G/lle Cabdifitaax Aadan Xasan oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in taliska Booliska uu ka fikiraayo xaaladaha deg degga ah ee soo wajihi kara Bulshada, waxaanna loo diyaariyay shacab gaadiidka si gaar ah ugu shaqeyn doona.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa 25 ka diyaar garoow xoog leh ugu jira sugidda amniga doorashioyinka dadweyne oo dhawr iyo konton sano kadib la filayo in ay ka dhicaan magaalada Muqdisho si ay muwaadiniinta fursad loogu siiyo in ay hoggaankooda doortaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo ay wehliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Xildhibaan Maxamed Cismaan Naastaro, iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta, Mudane Cismaan Macow, ayaa kormeer ku tagay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintan ayaa u kuurgalay sida ay u socoto qaadashada kaarka codbixinta iyo diyaargarowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka, iyaga oo sidoo kale shacabka degmada kala hadlay ahmiyadda ay leedahay wacyigelinta doorashooyinka iyo qaadashada kaarka codbixinta, maadaama ay tahay tallaabo muhiim u ah mustaqbalka dimuqraadiyadda dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS, Mudane Cali Xoosh, oo la hadlayay dadweynaha Degmada Kaaraan, ayaa xusay taariikhda gaarka ah ee degmada, isaga oo carrabka ku adkeeyey in qaadashada kaarka codbixintu ay laf-dhabar u tahay doorashada tooska ah ee Qof iyo Cod, taas oo muwaadiniintu si hufan, xor ah, una madaxbannaan ay ugu dooranayaan wakiilladooda goleyaasha deegaanka iyo hay’adaha sare ee qaranka.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in nidaamka doorashada Qof iyo Cod uu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo mas’uuliyadda hoggaanka la doorto. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirrada la socday iyo maamulka degmada ayaa booqday xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan, iyaga oo dadweynaha ku dhiirrigeliyey ka-qeybgalka doorashada iyo qaadashada kaararka codbixinta.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale la fariistay, lana sheekeystay qaar ka mid ah shacabka degmada, si uu u dhageysto aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan geeddi-socodka doorashooyinka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

0

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta xarigga ka jaray Iskuul cusub oo waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha, kaas oo laga hirgeliyay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Munaasabadda furitaanka iskuulka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, oo ay kamid yihiin Wasiirka Waxbarashada, maamulka Degmada Waajid, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Waajid.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha iskuulkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo waxbarashada Gabdhaha, isla markaana uu muujinayo dadaalka Dowladda Koonfur Galbeed ay ugu jirto xoojinta helitaanka waxbarasho tayo leh oo ay si siman u helaan dhammaan carruurta, gaar ahaan Gabdhaha ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

 

default

 

Senator Muuse Suudi “Dalka wuxuu u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, dib dambena looguma laaban doono doorasho dadban.”

0

Waxaa si dar-dar leh degmooyinka Gobolka Banaadir uga socda qaadashada kaarka codbixinta doorashada golayaasha deegaanka, taas oo lagu wado in 25-ka bishan ay ka qabsoonto Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqday degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa shacabka ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta, si ay ugu codeeyaan cidda ay rabaan.

Senator Xaaji Muuse Suudi, oo maanta kaarka codbixinta ka qaatay Degmada Kaaraan, ayaa shacabka ku boorriyey inay isu diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah.

“Dalka wuxuu u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, mana jirto dib loogu laabanayo doorasho dadban,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xoosh, oo isna kula hadlay shacabka Degmada Kaaraan, aayaa yiri;

“Dowladdu waxay awooddii dib ugu soo celisay shacabka, magacaabisna way dhammaatay. Codkiinna ku taageera ururka siyaasadeed ee aad dooranaysaan.”

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa kaarka codbixinta doorashada golaha deegaanka ka qaatay Degmada Heliwaa.

Soomaaliya ayaa qoreysa taariikh baal dahab ah ka geli doonta hannaanka dimuqraadiyadeed, kaddib marka 25-ka bishan shacabka caasimadda ay u dareeraan doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

 

 

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Isbitaalka Digfeer ku booqday xubno ka tirsan qoys waxyeello kasoo gaartay dab ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla Degmada Howlwadaag. Dabka, oo kacay 3-dii bishan, ayaa sababay geerida hal gabar iyo dhaawaca 11 qof oo kale, kuwaas oo qaar ka mid ah weli ku jira xaalad halis ah.

Guddoomiyaha ayaa kulan la qaatay maamulka isbitaalka iyo dhaqaatiirta daryeelaysa bukaanada, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladdooda caafimaad.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qoyskaasi u fidiyay taakulo caafimaad iyo garab-istaag, iyadoo la qorsheynayo in qaar ka mid ah dhaawacyada loo qaado daryeel caafimaad oo dibadda ah. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka uu si dhow ula socon doono xaaladda qoyska.

Booqashada Guddoomiyaha waxaa ku weheliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta, Mudane Xuseen Axmed Culusow, iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin oo loo sameeyay sannad-guuradii 82-aad ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye, magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil sare iyo xubno kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano), oo munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidamada Booliska, isagoo uga mahadceliyay guddiga qaban-qaabada dadaalka ay ku bixiyeen xuska sannad-guuradii 82-aad ee aasaaska ciidanka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ammaanay guulaha ay ciidamada amniga ka gaareen sugidda amniga caasimadda, wuxuuna ku dardaarmay in ay sii xoojiyaan nabadda iyo amniga ay maanta ku naaloonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa isna hambalyo kadib sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay sameeyeen horumarro kala duwan, isagoo Taliyaha Ciidanka Booliska ku ammaanay waxqabadka muuqda iyo dadaalka joogtada ah ee ay ciidanku ku tallaabsadeen.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aasaasay sannadkii 1943-kii, ayaa ka mid ah ciidamada qalabka sida, door muhiim ahna ka qaatay sugidda amniga iyo kala dambeynta guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ballaaran oo looga hadlaayo ka-jawaabista abaaraha ka jira dalka.

Shirkan, oo ka socda Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda SoDMA, waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.

Shirkaan ka furmay Moqdisho, diiradda waxaa lagu saarayaa qiimeynta xaaladda abaaraha ee dalka, saameynta ay ku yeesheen nolosha dadka, iyo sidii si wadajir ah oo degdeg ah looga jawaabi lahaa baahiyaha degdegga ah ee dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa hadal uu ka jeediyay furitaanka shirka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in gargaar degdeg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, si loo badbaadiyo noloshooda loona yareeyo saameynta musiibada, isaga oo ku baaqay iskaashi iyo isku-duubni dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan.

Ugu danbeyn Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale tilmaamay in Hay’adda SoDMA ay sii wadi doonto dadaallada gurmadka iyo isku-xirka hay’adaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in gargaar wax ku ool ah uu gaaro dadka u baahan ee ku nool deegaanada ay abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka socota Xarunta Janaraal Kaahiye ee Muqdisho.

Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku sugan masuuliyiin kala ah Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag , Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,Janaraal Odowaa Yusuf Rage, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiil ciidan, marti sharaf, wufuud heerar kala duwan ah.

Munaasabaddan oo ah mid xambaarsan qiimo qaran iyo xusuus taariikhi ah, ayaa si weyn loogu diyaargaroobay, iyadoo lagu muujinayo halgankii, dadaalkii iyo horumarka uu soo maray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed tan iyo aasaaskii sanadkii 1943-kii.

Waxaa la filayaa in munaasabadda lagu soo bandhigo tababbarro ciidan, gaardisyo iyo dhoolatusyo ka tarjumaya kartida, anshaxa, iyo horumarka uu ciidanku ku tallaabsaday. Xuskan heer qaran ah ayaa qeyb ka ah xoojinta xusuusta taariikhiga ah ee Booliiska iyo dhiirrigelinta dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo kala dambeynta dalka.

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

0

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn looga xusayaa dalka xuska maalinta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo sannad walba la xuso 20-bishan.

Xuska maalinta ciidanka Booliiska ayaa ah astaan ka mid ah maalmaha qaranka ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Booliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Booliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in ay yihiin kuwa ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ahaa yagleelidda dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo wax la wadaagta dunida.

Qaybaha kala duwan ee ciidanka Booliiska ayaa maalmihii u dambeeyey ku jiray u diyaar garowga xuska iyagoo soo bandhigayey cutubyo loo diyaariyey in ay si weyn uga qayb qaataan maalintan oo ku weyn qaranka Soomaaliyeed.

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

0

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in ay yihiin kuwa ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ahaa yagleelidda dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo wax la wadaagta dunida inteeda kale.

Marka loo eego waxqabadkooda iyo Waajibaadka qaran ee ay ku howlgalaan ciidanka waa mid cad oo ku qoran dastuurka dalka,waxayna qabtaan shaqooyin adag oo dan u ah dadka,dalka iyo caalamka kuwaas oo ay kamid yihiin:- 1-la dagaallanka dambiyada ka dhaca gudaha iyo dibadda .2-la-dagaallanka argagixisada .3-difaaca dalka.4-Sugidda amniga gudaha dalka iyo 5- Ilaalinta sharciga dalka iyo kan caalamka.

Ciidamada Boliiska waa hey’adda ugu sareysa ee fulinta sharciga madaniga ah,sidaa aawadeed,waxay xubin firfircoon iyo xiriir shaqo oo dhab ah la wadaagaan ururka caalamiga ah ee boliiska adduunka (Interpool).

Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo lagu faano,isla markaaana guulo ka soo hooyey dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Waloow bur-burkii ka dhacay dalka 1991-dii uu saameyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo sanadihii 2000 waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay dhallinyaro cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Haddaba,xuska sanadkaan oo ku beegan sanadguurada82-aad waxa uu ka tarjumayaa aasaaska ciidamada boliiska oo ah hooyada ugu faca weyn ee ciidamada dalka,iyadoo xilligaan shacbiga Soomaaliyeed ay ka muuqdaan sida ay ugu qanacsan yihiin qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayaan horumarka dalka.

Boolisku waa awoodda labaad ee ay ku faanaan bulshada,waxayna dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab ciidan oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Sidoo kale,ciidamada boliiska waa wehelka shacabka, siddaa daraadeed waxaa habboon in umadda Soomaaliyeed ay ciidamada kala shaqeeyaan soo celinta xasiloonida dalka iyo raadinta nidaam guud oo horseeda kala dambeyn.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.