Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa si rasmi ah u furay Madasha 3aad ee Amniga Saaybarka Qaranka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda amniga dhijitaalka ee dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda ay dhawaan daahfuri doonto xarun gaar ah oo looga hortago lagana jawaabo weerarrada amniga saaybarka, wuxuuna ku booriyay jaamacadaha iyo bahda cilmi-baarista in ay kordhiyaan daraasadaha la xiriira amniga dhijitaalka, isaga oo xusay doorka Jaamacadda Muqdisho.

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa soo dhoweeyay ka-qaybgalayaasha madasha, kuna tilmaamay mid muhiim u ah kor u qaadista wacyiga amniga dhijitaalka ee Soomaaliya.

Maareeyaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhanka tignoolajiyadda kaga horreyso dalal badan, balse ay muhiim tahay in la sameeyo shuruuc lagu xakameynayo khataraha internet-ka.

Dhankiisa, Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya, Maxamed Nuur Colow, ayaa sheegay in dowladdu waddo horumar ballaaran oo dhanka dhijitaalka ah, isla markaana haddii aan loo diyaargaroobin ilaalinta amniga internet-ka ay ka dhalan karto halis saameyn ballaaran leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...