DFS waxay cadaynaysaa in Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. CXD ayaa si geesinimo leh ugu jilib dhigay dulankaas sharci-darada ah.
Dowlada Soomaaliya op war ka soo saartay weerar ay jabhadda Kenya soo abaabushay ku qaaday gobalka Gedo
Joe Biden iyo Boris Johnson oo yeeshay wada hadal dhanka taleefanka ah .
Ra’isulwasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa wada hadal dhanka taleefanka la yeeshay fiidnimadii Axada madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden.
Boris ayaa sheegay in ay horay u sii wadi doonaan oo ay adkeyn doonaan xiriirka iyo isbaheysiga guunka ah ee ka dhaxeeya labada dal.
Waa wadahalkii ugu horeeyay oo ay yeesheen labada hogaamiye tan markii la dhaariyay arbacadii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay oo bogaadiyay go,aanka uu madaxweyne Biden
Mareykanka dib ugu celinayo heshiiska cimilada ee Paris iyo heyada caafimaadka aduunka WHO taas oo Donald Trump uu ka saaray Mareykanka.
Labada hogaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimada iyo faa’iidada ganacsiga xorta ah uu leeyahay.
Wasiirka Difaaca Dalka oo kulan muhiim ah la qaatay Madaxda Waaxyaha Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan looga hadlayay dardargalinta howlaha hortabinta leh ee Wasaaradda gaashaandhigga la qaatay Madaxda Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda iyo Xafiiska ka hortagga askareynta carruurta.
Kulanka oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta ayuu Wasiirka Gaashaandhigga faray xafiiska ka hortagga askareynta carruurta iyo Madaxda Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda in si toos ah ay u wada-shaqeeyaan .
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhammaan howladeena Wasaaradda kula dar-daarmay u adeegida shacabka Soomaaliyeed iyo inay si daacadnimo ah u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay shir lagu soo gabo gabeeyay Beladweyne+(SAWIRRO).
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa kulan wada tashi ah la yeeshay guddomiyeyaasha dagmooyinka gobolka, kaasi oo maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maadeey oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in muddo todobaad ah uu socday shirka, kaasi oo lagu lafa guray arrimaha ammaanka iyo dar dargelinta ladagaallanka maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, isagoo xusay in shirkan uu ahaa kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo ay yeeshaan maamulka Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka.
Abuukar Sheekh Cabdullaahi ayaa xusay in maamulada degmooyinka ay soo gudbiyeen baahiyaha ka jirta deegaannadooda oo ay ugu horeeyaan dhibaatada uu beeraleyda Gobolka Hiiraan uu u geystay Ayaxa oo xaalufiyay beerihii gobolka iyo fatahaadaha, isla markaana la isku raacay in wax badan laga qaban doono baahiyaha la soo gudbiyay.
Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan ayaa xusay in maamulkooda ay qorsheynayaan sidii la isugu furi lahaa Waddooyinka Gobolka, isla markaana guud ahaan deegaannada Gobolka Hiiraan looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Qaramada midoobe oo sheegtay in Soomaaliya ay marti galisay qaxooti badan sanadkii 2020
In ka badan 24,000 qof oo ajnabi ah ayaa sanadkii 2020 soomaaliya nabad galyo u raadsaday sida ay sheegtay heyada UNHCR .
Dadkaas waxay badankood ka yimaadeen wadamada Ethiopia,Syria Iyo Yemen .
Dadka qaxootiga ayaa soomaaliya nolol u soo raadsaday halkaas oo ay amaan ku heleen
Gobalada waqooyi galbeed, Bari iyo gobalka Banaadir ayaa ah meelaha ugu badan oo ay qaxootiga joogaan
Sidoo kale waxay UNHCR sheegtay in laga soo bilaabo sanadkii 2014 ay soomaaliya dib ugu laabteen 90,000 oo soomaali ah kuwaas oo horay wadamo kale qaxooti ahaan ugu tagay
Dowladaha Masar iyo Qatar ayaa ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed.
Dowladaha Masar iyo Qatar ayaa ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa ku dhawaaqday in Qaahira iyo Doha ay is dhaafsadeen qoraal rasmi ah kaas oo ku saabsan in dib loo bilaabo xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay labada dhinac.
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Iyadoo la fulinaayo balanqaadyadii wada jirka ahaa ee heshiiskii dalka Sacuudiga, waxay Masar iyo Qatar maanta oo arbaca ah is waydaarsadeen qoraalo rasmi ah oo dib loogu soo celinaayo xiriirkooda diblomaasiyadeed.
Labada dowladood ayaa hore isagu fasaxay duulimayaadi hawada oo sedexdii sano ee lasoo dhaafay xirnaa.
Qatar Airways ayaa dib u bilaawday 18 January duulimaadyadeedi dalka Masar.
Shir looga hadlayay horumarinta Amniga caasimadda gaar ahaan degmooyinka ku xeeran airport-ka Aadan cadde ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho+(SAWIRRO).
Shir looga hadlayay horumarinta Amniga caasimadda gaar ahaan degmooyinka ku xeeran airport-ka Aadan cadde oo muhiimad gaar ah u leh dowladda iyo shacabka Soomaliyeed ayaa manta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Shirka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda amniga XFS waxaa ka qayb galay Xafiiska QM ee UNSOM, AMISOM iyo haayado kale iyadoo dhanka wasaaradda amniga uu shirka hugaaminayay wasiiru dowlaha wasaaradda Farxaan Cali Axmed.
Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo kulanka ka qeyb galay ayaa wasaaradda amniga dalka ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiero xaqiijinta amniga dalka guud ahaan iyo gaar ahaan ilaha muhiim ka ah sida garoomada.
Wasiiru dowlaha Amniga XFS mudane Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in ujeedka loo qabtay kulankaan muhiim ka ah ay tahay in xaqiijinta amniga garoonka iyo degmooyinka ka agdhaw.



Xubno ka tirsan argagaxisada Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jamaame.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo kaashaneysa taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa labo weerar oo dhanka cirka ah ku qaaday xubno ka tirsan kooxda argagaxisada shabaab oo ku sugnaa nawaaxiga Dab-shiniile iyo Jamaame.
Duqeynta oo dhacday 19-kii Janaayo ayaa waxaa lagu dilay sadax xubnood oo argagaxisada ka tirsanaa,mana jiraan waxyeello weerarkaasi ka soo gaartay dadka rayidka ah.
Xubnaha weerarka lagu dilay ayaa ahaa saraakiil argagaxisada u qaabilsanaa fududeynta miinooyinka macmalka ah iyo qorista maleeshiyaadka.
Ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaada tallaabooyin looga hortagayo waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah
Wasiirkii arrimaha dibadda Zimbaawe oo u geeriyooday Karoona Fayras.
Afhayeenka madaxtooyda dalka Zimbabwe ayaa sheegay in wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaasi Sebusiso Moyo u dhintay cudurka Karoona fayras.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Moyo oo 61 jir ah uu ku dhintay isbitaal maxalli ah subaxnimadii hore ee maanta.
Moyo wuxuu horay u ahaan jiray jeneraal ka tirsan ciidamada wuxuuna caan ka noqday dalkaas markii uu ku dhawaaqay afgembigii militariga ee horseeday in xukunka looga tuuro Madaxweynihii hore Robert Mugabe bishii November 2017-kii.
Dalka Zimbabwe waxaa ku soo badanaaya cudurka Karoona, waxaana laga diiwaan geliyay kiisas gaaraya 28,675.
Wasiirka Tamarta XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha arrimaha diinta ee safaaradda Turkiga+(SAWIRRO).
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Uqeybsanaha Arrimaha Diinta Safaarada Turkiga ee Soomaaliya Mr. OGUZ YILMAZ.
Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xiriirka walaaltanimo ee Turkiga iyo Soomaaliya iyagoo sidoo kale diiradda saaray wax qabadka iyo wada shaqeynta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo TURKIYE DIYANET VAKFI SOOMALIYA ee howlaha ku aaddan Tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo in la xoojiyo hirgalinta istaraatiijiyada cusub ee ay wada yeeshaan taas oo ku aaddan arrimaha Tamarta iyo Biyaha.
kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, wuxuuna kusoo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqeyn dhow inay yeeshaan Wasaaradda iyo Turkiye Diyanet Vakfi soomaaliya.


