Wasiirka Tamarta XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha arrimaha diinta ee safaaradda Turkiga+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Uqeybsanaha Arrimaha Diinta Safaarada Turkiga ee Soomaaliya Mr. OGUZ YILMAZ.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xiriirka walaaltanimo ee Turkiga iyo Soomaaliya iyagoo sidoo kale diiradda saaray  wax qabadka iyo wada shaqeynta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo TURKIYE DIYANET VAKFI SOOMALIYA ee howlaha ku aaddan Tamarta iyo kheyraadka Biyaha iyo in la xoojiyo  hirgalinta istaraatiijiyada cusub ee ay wada yeeshaan taas oo ku aaddan arrimaha Tamarta iyo Biyaha.

kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, wuxuuna kusoo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqeyn dhow  inay yeeshaan Wasaaradda iyo  Turkiye Diyanet Vakfi soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Laascaanood Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo ka qeyb galay daah-furka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada Carabta

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...