Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay shir lagu soo gabo gabeeyay Beladweyne+(SAWIRRO).

Date:

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa kulan wada tashi ah la yeeshay guddomiyeyaasha dagmooyinka gobolka, kaasi oo maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maadeey oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in muddo todobaad ah uu socday shirka, kaasi oo lagu lafa guray  arrimaha ammaanka iyo  dar dargelinta ladagaallanka maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab ee  ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, isagoo xusay in shirkan uu ahaa kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo ay yeeshaan maamulka Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Abuukar Sheekh Cabdullaahi ayaa xusay in maamulada degmooyinka ay soo gudbiyeen baahiyaha ka jirta deegaannadooda oo ay ugu horeeyaan dhibaatada uu beeraleyda Gobolka Hiiraan uu u geystay Ayaxa oo xaalufiyay beerihii gobolka iyo fatahaadaha, isla markaana la isku raacay in wax badan laga qaban doono baahiyaha la soo gudbiyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan ayaa xusay in maamulkooda ay qorsheynayaan sidii la isugu furi lahaa Waddooyinka Gobolka, isla markaana guud ahaan deegaannada Gobolka Hiiraan looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...