Home Blog Page 764

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Soo saaray War saxaafadeed Lagu Taageerayo Shirkii Wadatashiga Maamul Goboleedyada.

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ku taageerayo go’aanadii ka soo baxay Shirkii Madaxda Maamul Goballeedyada dalka isagoo ku tilmaamay Guul horudhac u ah heshiis wadajir ah oo Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ah.

Sidoo kale wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray Maamulka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Galmudug oo kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Hoos ka aqriso Warsaxaafadeedka oo dhameystiran.

Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Oo La Kulmay Xisbiyada Loo Diiwaangeliyay Si KMG Ah. ”Sawirro”.

0

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan kula qaatay Xisbiyada sida ku meel gaarka ah u diwaangashan gudaha magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulanka oo u jeedadiisa ahayd is xog wareysi u dhaxeeyo labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii xisbiyada hadda jira ay u qaadan lahaayeen Shahaadada rasmiga ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa furtay kulanka iyadoo ku dheeratay hawlaha Guddiga ee ku aaddan Xisbiyada sida KMG u diiwaangashan, Guddoomiye Xaliima ayaa sheegtay in dadaal geliyeen sidii lagu heli lahaa Sharciga xisbiyada iyo shuruucda kale ee doorashada.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka ayaa ka codsatay in Xisbiyadu ay muujiyaan midnimo iyo wadajir si dalka uu uga baxo nidaamka doorashooyinka dedban, iyadoo sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in ay qabsoonto doorasho qof iyo cod oo la mid ah tii ka dhacday dalka muddo haatan laga joogo 50-sanadood.

Ugu dambeyntii Xisbiyada ka soo qayb galay kulanka ayaa su’aalo waydiiyay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xarunta CID Oo Adeegyadii Dib U Billaabaysa Dhowaan

0

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in shaqaalaha dowladda ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodii kadib saameyntii Covid-19 ayaa waxaa dib u bilowday adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshadu ay ka heli jireen hay’adaha dowladda.

CID oo dadweynuhu ay ka heli jireen warqadda dembi la’aanta ayaa lagu wadaa in maalinta talaadada oo ay bisha July ku beegan tahay 15 sanadka 2020-ka dib u billaabi doontaa adeegyadii ay gaarsiin jirtay muwaadiniinta u baahan in loo fududeeyo howshaasi oo istaagtay kadib safmarka Covid-19 ee caalamka, Sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay afhayeeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali.

“Waxaa dib loo bilaabayaa adeeggii warqadda dembi la’aanta ee (CID maalinta berito oo ay taariikhdu tahay 15-july 2020, iyadoo la sameeyo habraacyo cusub iyo isbedello kuwaasi oo bulshada u sahlaya in si fudud loogu adeego,loogana taxadaro Covid-19 iyo amniga shacabka, weji xir (Masks ayay dadku soo qaadanayaan,shaqaduna waxaa ay bilaabanaysaa 6:00 aroornimo ilaa 12: Duhurnimo ayayna soconaysaa”.ayuu yiri Afhayeenka ciidanka booliska.

Afhayeeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa intaasi ku daray in tirada dadka booqan kara xafiiska CID-da ee maalinlaha laga dhigay 150 qof.
CID-da ayaa adeegga shaqada maalinlaha u qaban jirtay dad lagu qiyaasay 300- qof balse hoos loodhigay tirada qaabilaadda si looga taxadaro caafimaadka bulshada.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in dadka qurba joogta ah ay adeegyadaasi ku heli karaan habkii qadka internet-ka ee(onlike-ka), sida uu sheegay Afhayeenku lama oggolaan doono in qof shaqaalaha dowladda ka mid ah uu soo raaco dadka doonaya adeegga si loo illaaliyo musuqa,iyo kala horeynta dadka, iyadoo dadka baahiyaha gaarka ah qaba si gaar ah loogu adeegi doono, looguna tagayo meelaha ay fadhiyaan.

Howlihii shaqo ee CID ayaa la joojiyay 19kii bishii Marso 2020 sababo la xiriira Covid-19,Warqadda CID laga qaato ayaa khuseysa, Dal-Ku-Galka ama Visaha, Baasaboorka, Leysimada iyo qofka shaqo doonka ah intaba.

Wasiirka caddaaladda oo ka hadlay dil uu geystay Askari ka tirsan ilaaladiisa

0

Wasiirka Cadaaladda XFS Abuukaate, Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inuu cadaaladda marayo Askari ka tirsan ilaaladiisa oo Magaalada Muqdisho ku dilay muwaadin Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa tacsi u diray ehelada, asxaabta iyo Xafiiska xeer ilaalinta oo uu ka tirsanaa marxuum , Maxamed Cabdulqaadir Cilmi oo ku baxay Gacanta Askari ilaala u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

“Askariga waa lasoo qabtay wuxuu ku jiraa gacanta Dowladda , haddana waxaa lagu wadaa baaritaan, waxaana la horgeyn doonaa caddaaladda”,ayuu yiri Wasiirku.

Mudane, Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidamada qalabka sida in ay ka digtoonaadaan Hubka Gacantooda ku jira inay ku dhibaateeyaan Dad rayad ah oo aan waxba galabsan.

Ciidanka xoogga Dalka oo ka warbixiyay howl-gallo ka dhacay Shabeellada dhexe

0

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka fuliyay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellada dhexe.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janeraal , Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in ujeedka howl-galka oo soconayay maalmihii lasoo dhaafay uu ahaa mid lagu doonayay in degaannadaasi looga saaro Kooxda Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waa qawaariij waxayna mar walbaba dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo hantida shacabka ka dhigtay biil iyo inay Hooyooyinta dhibaataysan dhacaan, taasna waxaan ugu jawaabnay howl-gallo lagu baacsaday cadowga laguna laayay, haddana waa wadi doonnaa Inshaa Allaah, ayuu yiri Taliyuhu.

Taliye Tareedishe ayaa sheegay in ay howl-galka ay ka sameeyeen Sagaal Tuulo oo ay ka mid yihiin Jariirroow, Dhumaleey, Madax Gisi, Saarsaare,Buulo mareereey iyo Gumarreey, isla markaana aysan Argagixisadu samayn wax iska caabbin kana firxadeen goobihii ay Ciidanku gaareen.

Dhallinyaro hal Abuur Ganacsi cusub ku soo kordhiyay Magaalada Xudur

0

Hal abuurkaan ganacsi cusub oo ay dhallinyarada magaalada ka horgeliyeen ayaa ah xaruun lagu iibiyo agabka isboortiga isla

markaana lagu buufiyo qoraalo, calaamadana loogu sameeyo dharka cayaartoyda, xayeysiinada iyo boorarka xafladaha loo isticmaalo intaa waxa u dheer kuwo laga soo dalbado Degmooyinka kale ee gobolka Bakool.

Xaruunta Isboortiga ee Bakool oo fikrkeedu leeyihiin dhallinyaro ka go’an in ay wax kabedelaan shaqo la’aanta dhallinyarada kacabanayaan, bulshadana ka haqab tiraan baahiyhooda ayaa hirgeliyey hal abuurkaan ganacsi oo xiligii hore bulshada ku adkeyd in si sahlan ku helaan, waxayna ka dalban jireen magaalooyinka kale ee dalka qarash iyo waqti badana uga bixijirey.

Cabdiraxmaan Yarow waxa uu ka mid yahay dhallinyarada hal abuurkaan ganacsi ka sameeyey magaalada Xudur waxaana uu sheegay in ganacsigooda ay gaarsiin doonaan gobollada kale ee dalka.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan waxay kacabanayaan shaqo la’aan, qaarkood waxay fadhiyaan derbiyada oo baaga muundo ku yihiin, rajadooduna tahay in ay ka shaqeeyaan xafiisada dowlada ama hay’adaha waxay u baahan yihiin wacyigelin si xirfado shaqo abuur ah ula yimaadaan”ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Bahda isboortiga Degmada Xudur ayaa dhallinyarada xaruuntaan aas aastay ku amaanay sida ay ugu dhiiradeen xirfad ganacsi oo baahi weyn looqabay, ayna soo dhaweynayaan hal abuurka cusub oo ay dhllinyarada la yimaadeen.

Nin ku labisnaa dharka Dumarka oo Balcad lagu qabtay

0

Ciidamada Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxay xalay gudaha degmadaasi ay ka qabteen Nin la sheegay in uu ku labisnaa dharka Dumarka,kaasi oo Magaalada lagu arkay.

Ninkaan oo aan wadan wax hub ah ayaa dadka ku nool degmada Balcad ay sheegeen in laga qabtay, isaga oo dhex socda bartmaha Magaalada, hase yeeshee aan la ogeyn waxa uu damacsanaa.

Saraakiil ka tirsan Maamulka degmada Balcad ayaa dhankooda sheegay in Ninkaasi ay xabsiga dhigeen, isla markaana baaritaano ay ku socdaan, sidoo kalena ay uga shakisan yihiin in uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

Wasaaradda shaqada DFS oo soo bandhigtay qorshayaasha ugu weyn ee xilligan ay diiradda saarayaan

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo maanta guddoomiyay kullanka bilaha ah ee Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa soo bandhigay qorshayaasha ugu weyn ee xilligan ay diiradda saarayaan.

“Wasaaradda waxaa ka go’aam xoojinta nidaamka maamul ee gudaha oo ku dhisan shaqo wadaag, hadda waxaan diiradda saaraynaa sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha gacanta si dhallinyaradeenna ay u noqdaan kuwa xirfado leh, isla markaana waxaan ka gudbi doonaa shaqo la’aanta heysata dhallinyarada.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq.

“Waxaan soo siyaadinay waaxda badqabka iyo caafimaadka oo oggaanaysa jawiga goobaha shaqada ee dalka, Waaxda kale ee shaqo abuurka oo waqtigan ku howlan sidii sahan loogu sameyn lahaa suuqa shaqada ee dalka oo halkaa fursado shaqo loogu heli karo dhallinyarada , halka Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqaalaha ay soo bandhigtay isbeddelo horseedi kara hannaan sharciyadeed oo kalsooni leh iyo xiriir xooggan oo dhexmara Wasaaradda iyo xiriiradda Shaqaalaha.” ayuu ku daray.

Wasiirka wuxuu caddeeyay muddo sannad iyo bar ah oo uu xafiiska joogay in lagu guuleystay kumannaan dhallinyaro ah oo fursado shaqo ka helay barnaamijka shaqo abuurka dhallinyarada, kaas oo uu sheegay dhowaan in la ballaarin doono iyo taariikh ahaan in markii u horreysay dowladda ay ku guuleysatay taageerro dhaqaale in la gaarsiiyo muwaadiniinta kuwooda ugu nugul oo hooyooyinka iyo carruurta yaryar ay ugu horreeyaan,iyagoo taageerrada ka helaya barnaamijka Baxnaano ee qaybta ka ah siyaasadda ilaalinta bulshada.

Hannaan bad-qab oo loogu hortagayo fayruska COVID-19 ayuu sidoo kale sheegay in laga hirgalinayo Wasaaradda xilli toddobaadan ay dib ugu laabteen shaqada guud ahaan Shaqaalaha.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee dalka oo dowladda mas’uul uga ah shaqada iyo taageerada bulshada.

Xeer ilaalinta Qaranka oo war kasoo saartay dil ka dhacay wadada Makka Al-mukaramah

0

Dilka Marxuum Maxamed C/qaadir ayaa ka dhacay wadadda Maka Almukarama, agagaarka Tre biano, waxaana Gaari uu watay.

rasaas ku furay Askar ilaalo u ah Wasiirka Cadaaladda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Askariga dilka geystay ayaa waxaa qabtay ciidamo Milteri ah oo dhacdada la kulmay, waxaana lagu xiray xarunta CID-da ee Muqdisho.

Xeer Ilaalinta Qaranka oo war ka soo saartay dilka ka dhacay Waddada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilay uu ahaa Agaasimahii Waaxda IT ee Xafiska Xeer illaalinta Qaranka, wuxuuna sidoo kale uu u qaabilsanaa suuq geynta Maqaayadda caanka ah ee Zeytuuni.

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.

0
Marxuumka oo maalmahan xanuunsanaa ayaa xalay ku dhintay isbitaal gaar ah oo ku yaalla Magaalada Nairobi, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka mid ah aas-aasayaashii Puntland , Sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyey ee maamulkaasi sanadihii 1998 illaa 2004-tii.

Waxa kale oo uu soo noqday madaxweynihii 2-aad ee Puntland, isaga oo si KMG ah xilka u hayey muddo kooban oo ku siman illaa lix bilood.

Dhanka kale madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo war ka soo saaray geerida marxuumka ayaa tacsi u diray ehelladiisa iyo dhammaan Puntland , Sidoo kale wuxuu marxuumka Alle uga baryey inuu ka wraaabiyo Jannadiisa Firdowso.