Home Blog Page 761

Waxaa sii kordhaayo Dilalka muwaadiinta Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Africa.

0

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay muwadin Soomaaliyeed ku dileen Gudaha dalkaas, kaas oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale ayaa  waxaa lagu dilay xaafada Elsis oo Ka Tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika, inkastoo Ragii dilka geystay ay goobta ka baxsaday.

Ciidamada Booliska ee Koonfur Afrika ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, iyada oo aysan u suurtagelin inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Weerarada  Soomaalida ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay kusoo bateen gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana habeen ka hor weerar toreey loo adeegsaday lagu dhaawacay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Xasan Cumar Jaliil.

Madaxweyne farmaajo oo u hambalyeeyey madaxweyanaha la doortay ee Dalka Maraykanka Joe Biden.

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden iyo ku xigeenkiisa haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay rajaynayso in hore loo sii wado iskaashiga dhaw ee ka dhaxeeyey dawladaha Maraykanka iyo Soomaaliya.

Maraykanku waa saaxiib wayn ka qayb qaata dib u kabashada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ayaa lagu yiri qoraalka madaxweyne Farmaajo.

IGAD oo ka walaacsantahay xaalada dalka itoobiya waxayna ku baaqday wada hadal.

0

Urur goboleedka IGAD ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan arimaha ka soo cusboonaaday Dalka itoobiya gaar ahaan gobalka tigreega halkaas oo IGAD ay si dhow ula socoto arimaha ka taagan.

IGAD ayaa dhanka kale ugu baaqday dowlada itoobiya iyo dhinacyada ay arinta quseyso in ay dulqaad muujiyaan ayna ka shaqeeyaan hanaankii xiisada loo qaboojin lahaa laguna xaliyo qilaafka wada hadal iyo dib u heshiisiin.

Urur Goboleedka IGAD ayaa sidoo kale tilmaamay in ay aaminsanyihiin in itoobiya ay gobalka u tahay tusaalaha ama iftiinka xasiloonida iyo horumarka dhaqaalaha iyo waliba tiirka nabadda  iyo amaanka ee mudada dheer ka jiray dalkaasi.

Ugu danbeynta IGAD ayaa waxaa ay sheegtay in ay u rajeneyso Wadanka itoobiya xaaladiisa caadiga in uu ku soo noqdo si dhaqso ah Waxaana intaasi lagu daratay in ay la soconeysa marxalada iyo wixii ku soo kordha.

Madaxda caalamka oo u hambalyeysay Joe Biden iyo Kamala Harris.

0

Madaxda beesha caalamka ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mareykanka ee Joe Biden.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wsaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa hambalyo loogu diray Joe Biden oo ku guuleystay tartankii Madaxtinimo ee Mareykanka iyo Kamala Harris oo noqoneysa Madaxweyne ku-xgieenka dalkaas.

Ra’isul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden iyo Kamala Harris oo iyana loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, isagoo xusay inay sii xoojin doonaan xiriirka diblomaasiiyadeed iyo kan saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxda dalalka Faransiiska, Norway iyo kuwa kale ayaa si wada jir ah u hambalyeeyay Joe Biden iyo Kamala Harris, waxaana qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Mareykanka ka socda dabaal degyo lagu muujinayo guusha ay gaareen hogaamiyeyaasha Xisbiga demoqraadiga ee kala ah Joe Bide iyo Kamala Harris.

Joe Biden oo loo doortay Madaxweynaha 46-aad ee Maraykanka.

0

Musharaxa Xisbiga Demoqoraadiga Joe Biden oo soo noqday madaxweyne ku xigeenka Maraykanka muddo xileedkii Obama ayaa ku guulaystay madaxtinimada dalkaas, ka dib maalmo ay natiijada codadka ee gobollada Maraykanka ku loolamayeen madaxweyanaha waqtigiisu dhammaaday ee Donald Trump.

Joe Biden ayaa codadka Ergada gobollada Maraykanka ee loo yaqaan Electoral Collage ka helay 290, halka Trump uu helay 214, balse Biden ayaa u baahnaa 270-cod oo kali ah.

Dhinaca kale codadka ay dhiibteen shacabka Maraykanka ayuu Joe Biden oo 78-jir ah ka helay in ka badan 74.8-milyan oo cod, halka Trump oo xisbiga Jamhuuriga ah uu helay ilaa 70.5-milyan oo cod.

Telefeshinnada waawayn ee Maraykanka sida CNN iyo Fox News ayaa baahiyey guusha Joe Biden iyo dabbaal dagyada ay samaynayaan taageerayaashiisa, sidoo kalena taareegayaasha Trump ayaa ka carooday sida ay wax u dhacayaan, waxaana la arkayey ciidamo hubaysan oo hortaagan, si ay u ilaaliyaan xasiloonida iyo kala dambaynta.

Gudiga FEC (Federal Election Commission) ee Maraykanka ayaa laga sugayaa natiijada kama dambaysta ah ee doorashada.

Trump oo maalayey Maraykanka 4-tii sano ee ugu dambaysay ayaa lagu dhaleeceeyey siyaasadiisa ad adag ee ku wajahan dadka madawga ah iyo dalalka Islaamka, waxaana taasi ay sababtay in doorashadii dhacday 3-da bishan in looga adkaado.

Biden ayaa aqalka cad u wareegi doona dhawaan, waxaana uu xilka la wareegi doona bisha January ee sanadka soo socda.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeyn xoojinta iskaashiga dhanka beeraha ee labada dal, hirgelinta heshiis horey u dhex maray labada dhinac, taageerida iyo dhiirigelinta beeraleyda Soomaaliyeed, iyo sidii dowladda Masar ay uga faa’iideysan lahayd wax soo saarka dalka, gaar ahaan Mooska oo dib ugu soo laabaty suuqyada caalamiga ah.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in safiirka ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

“Waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga, maadaama 2017-kii aan heshiis iskaashi la galnay Wasaaaradda Beeraha Masar, runtii wax badan ayaan ka wada hadalnay”. Ayuu yiri Wasiirka Beeraha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in Dalka Masar ay ka jirto suuq fiican oo dhanka mooska ah, sida uu noo xaqiijiyay Safiirka Masar ee Soomaaliya, ayna xoogga saari doonaan wax soo saarka Mooska si loogu dhoofiyo dalka Masar.

Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Nasar ayaa sheegay inay marwalba garab taaganyihiin Soomaaliya, isla markaana ay qeyb ka qaadaan doonaan horumarinta beeraha Soomaaliya iyo kobcinta wax soo saarka dalka.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo daahfuray wejiga labaad ee la dagaallanka Ayaxa+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa daahfuray wejiga labaad ee buufinta iyo la dagaallanka Ayaxa oo laga fulin doono Gobolada Koonfureed ee dalka.

30 Degmo oo ka mid ah maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa loo dhoofin doona qalabkan oo ay Wasaaradda Beeraha ugu talogashay in lagu buufiyo Ayaxa oo ay qeylo dhaan ka muujinayaan Beeraleyda Soomaaliyeed, maadaama uu waxyeelo u geystay tacabkooda.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in qalabkan uu yareyn doono dhibaatada Ayaxa uu ku hayo Beeraleyda.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa wada dadaallo wax looga qabanayo Ayaxa oo saameyn weyn ku yeeshay Nolosha Beeraleyda qeybahooda kala duwan.

Shirkadda Safe Air oo duulimaadyo ka bilowday Muqdisho+(SAWIRRO).

0

Diyaaraddan oo ay leedahay Shirkadda Safe Air Company ‘SAC’ ayaa duulimaadyo ka sameysa dalalka caalamka.

Munaasabadda bilowga duulimaadka Safe Air ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin isagu jirtay Xildhibaanno, Guddiga Gaadiidka Diyaaradaha Soomaaliyeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jansiyadda, Hay’adda Duulista Rayidka, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo marti sharafkale.

Maxamednuur Aadan, Kabtanka Diyaaradda ahna milkiilaha Diyaaradda Safe ayaa ka warbixiyay adeegga iyo howlaha duulimaadka Diyaaradda.

Guddoomiyaha Diyaaradaha Soomaaliyeed Xasan Xaashi iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jansiyadaha Cabdullaahi Xaaji Bashiir ayaa kula dardaarmay Safe Air inay ka shaqeyso xoojinta wadashaqeynta Shirkadaha Duulimaadka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Cabdikariin Gabeyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa bogaadiyay duulimaadka Safe Air ee maanta bilowday, iyagoo sheegay in ay wax weyn kusoo kordhin doonto qaadista shixnadaha iyo Rakaabka.

Shirkadda duulimaadyada Safe Air oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ayaa isaga kala gooshi doonto magaalooyinka Dubai, Mogadishu, Cairo, Aden, Djibouti, iyo kuwa kale.

Haweenka Hirshabeelle oo taageeray guddoonka cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle+(SAWIRRO).

0

Kulankani ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Haweenka Hirshabeelle ee ku nool magaalada Jowhar ayaa u jeedkiisu ahaa taageeridda guddoonka Baarlamaanka Hirshaeelle oo dhowaantaan ay doorteen Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulkaas.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka,iyo xaquuqul Insaanka Hirshabeelle, ayaa muddadi uu socday kulanka waxay haweenku diiradda ku saareen hambalyada guddoonka Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay ka rejeeynayaan ilaalinta xaquuqda Haweenka uu dhigayo Dastuurka Hirshabeelle.

Ugu horeeyn waxaa goobta ka hadashay Maryan Maxamed Kuuloow oo ka mid ah Haweenka Hishabeelle. waxayna hambalyo iyo bogaadin u dirtay guddoonka cusub ee Hirshabeelle.

Sacdiyo Maxamed Nuur oo ah siihayaha xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Haweenka Hirshabeelle ayaa sheegtay in guddoonka cusub ee Baarlamaaka Hirshabeelle ka rajeynayaan in u u dhowro xaquuqda haweenka Hirshabeelle.

Masuuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyey wafdi uu hogaaminayo wasiirka dastuurka XFS.

0

Wafdi uu hogaaaminaayo wasiirka Dastuurka Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Baay.

Wafdiga Wasiirka Waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soodhaweyay, Wasiiro, Xildhibaano Agaasimayaal iyo Howl-wadeena ka kala tirsan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka KGS.

Wasiirka Wasaradda Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abdiraxiin ayaa Wasiirka iyo Wafdigiisa ku soodhaweyay Baydhabo.

Soodhaweyn ka dib wafdiga ayaa loo galbiiyay qeybta Nasasha Garoonka Diyaaradaha Baydhabo halkaas oo si wadajir ah Warbaahinta ugula hadleen Masuuliyiinta labada Dhinac.

Xildhibaan Muumino Shiikh Cumar oo ah gudoomiye kuxigeenka Guddiga Madax Bannaan ee Dastuurka oo qeyb ka aheyd wafdiga wasiirka ayaa ka hadashey imashahooda Baydhabo waxayna xustay in howlo badan isla dhamistiri doonaa.

Wasiirka Dastuurka DFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ugu horeen ka mahadceliyey sida wanaagsan ee loo soodhaweyay wuxuuna ka warbixiyay ujeedada Baydhabo ay isaga iyo wafidiigsa usoo gaareen taasi oo ay tahay dhamestirka qabyo qoraalka Dastuurka dalka.