Home Blog Page 760

Madaxweynaha Jubbaland Oo La Kulmay Xildhibaannada Laga Soo Doorto Deegaannada Jubbaland.

0

Madaxweynaha dowlad Goballeedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee ku matala Jubbaland.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Xildhibaannada ayaa waxaa uu ahaa mid la isku xog wareystay Xaalada guud ee dalka iyo Arrimo kale oo ku aadan deegaanada Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu dhamaan Xildhibaanada maamulkaas ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, RW Xasan Cali Kheyre, Madaxda maamul Gobaleedyada dalka, Ururada Bulshada Rayidka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, iyadoo halkaas uu uga furmay Shir looga tashanayo arrimaha Doorashooyinka.

Aqalka Hoose Ee ‘BFS’ Oo Akhrinta 3-aad Marinaya Wax-Ka-Bedelka Sharciga Xisbiyada.

0

Xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa.

Ajandaha kulanka Maanta ee Aqalka Hoose ayaa ah dhamaystirka iyo u codeynta Wax Ka badalka Sharciga xisbiyadda siyaasadda, iyada oo kulamadii la soo dhaafay ay xildhibaannadu akhrinta koowaad iyo labaad marsiiyeen Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda dalka.

Xildhibaannada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulan weynaha golaha Shacabka,isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb-galaan.

Golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo hortebin u leh dalka,waxaana la filayaa in ay meel mariyaan muddada u harsan baarlamaanka 10-aad oo waqtigiisu gabaabsi yahay.

Wasaaradda Gargaarka XFS Oo Fartay Hay’adaha Samafalka In Ay Ka Qeyb Qaataan Gurmadka.

0

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka XFS mudane Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in Webiga Shabeelle uu fatahaado ba’an ka geystay xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Xaafadaha uu Webiga ku fatahay ee degmada Afgooye ay kamid yihiin, Dhagax-tuur, Baalguri iyo tuulooyinka hoostaga degmada oo ay kamid yihiin Sabiid, Caanoole, Baqdaad iyo deegaanno kale,isla markaana dadka Shacabka ah uu saameyn ku yeeshay,isagoo sidoo kale tilmaamay in deegaanno ka tirsan degmada Balcad uu fatahaad ka geystay halkaas oo ay ka barakaceen dadki deganaa.

Xamsa ayaa Hay’adaha samafalka ee ka howgalla dalka faray inay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan dadka uu saameynta ku yeeshay fatahaadda uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe & Shabeellaha Hoose.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka XFS ayaa toddobaadkaan ka digtay roobab dabeylo wato oo ku soo wajahan qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo dhibaatada ka dhalan karta musiibooyinka dabiiciga ah.

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Soo Xirtay Imtixaanka Shahaadiga Ee Dowladda “SAWIRRO”

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad oo Shantii Maalin ee la soo dhaafay ka socday dalka islamarkana ay u fariisteen in ka badan 34, 600 oo arday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in imtixaanku uu ku soo dhamaaday Jawi Dagan islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed muujiyeen dadaalkooda ku aaddaan waxbarashada. Waxa uuna ardayda u rajeeyay natiijo wanaagsan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa u mahad celiyey cidkasta oo qeyb ka qaadatay oo ay ugu Horeeyaan waalidiinta, ardayda iyo Ciidamada Amniga oo qeyb muhiim ka qaatay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii 6-aad oo xiriir ah qaaday imtixaanka shahaadiga dugsiga sare tan iyo burburkii kaddib markii dib loo billaabay sannadkii 2014-kii, waxaana sannadkaan dowladu ay ku soo kordhisay qaadista imtixaanka dugsiga dhexe.

Wasiirka Waxbarashada Oo Ka Digay Carqaladeynta Imtixaanka Dugsiyada Sare.

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Baraha Bulsahda uu ku arkay muuqaal been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka Qaranka ee dugsiga Sare, isla markaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa uga digay dadka doonayo in ay carqaladeeyaan imtixaanka si ay u marin habaabiyaan ardayda iyo shacabka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in lasoo qabqabtay qaar kamid ah kuwa kalane lagu daba jiro.

C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in ay si adag ula xisaabtami doonaan dhammaan dadka caadeystay in ay siyaasadeeyaan imtixaanka isagoo ka codsaday dhammaan Ardayda Soomaaliyeed in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay in ay niyad jebiyaan.

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare,kaas oo soo billaawday 18-kii bishaan,waxaana Imtixaanka sanadkaan laga galay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan deegaannada Dowlad goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Jubbaland.

Dabaq Soo Dumay Iyo Duqa Muqdisho Oo Ka Qeyb-galay Badbaadinta 17-Qof “Sawirro”

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa xalay gaaray halka uu ku soo dumay guri ka kooban saddex dabaq degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Shaqaalaha Gurmadka Gobalka Banaadir ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan illaa 17 ruux oo ku soo dumay gurigan qadiimi ah iyadoo dadkaasi ay lix ka mid ah uu soo gaaray dhaawac.

Sidoo kale waxaa halkaas tagay Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobalka Banaadir ee Arrimaha Bulshada & Howlaha Guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi oo uu la socday gudoomiyaha maamulka degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Gurmad xoog leh ayaa loo sameeyay dadkii uu ku soo dumay guriga saddexda dabaq ahaa waxaana ay sheegeen maamulka gobolka Banaadir inay baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay in dhismahaasi uu soo dumo.

Guddoomiyihii Degmada Wadajir Oo Xilka Laga Qaaday

0

Wareegto kasoo baxday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Filish ayaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii degmada Wadajir Mudane C/raxmaan Maxamed Cali.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa gudoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loogu magacaabay Bashiir Maxamed Ow Cali oo walaalo yihiin Guddoomiyaha xilka laga qaaday.

Waa markii ugu horeysay ee uu duqa Muqdisho xilka ka qaado guddoomiye isla markaana u magacaabo qof ay walaalo yihiin, Guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday C/raxmaan Maxamed Cali ayaa ka mid ahaa dhalinyarada xooggaga Wadaniyiinta kuwaasoo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir guddoomiyaal looga dhigey.

Sababta xilka looga qaaday C/raxmaan Ow Cali oo ah Guddoomiyihii hore ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayay dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir ee G/ Banaadir.

Guddoomiyaha Cusub ayaa ah dhalinyaro wuxuuna horey uga soo shaqeeyey Dowladda Hoose ee Xamar.

Gobalka Banaadir Oo U Diyaar Garoobaya Xuska 24 Julay Oo Ku Beegan Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Gobalka+Sawirro

0

Kulan ay ku yeesheen aqalka Dowladda Hoose xubno ka tirsan guddiga diyaarinta munaasabadda lagu xusayo dadkii ku nafwaayay qaraxii sanad ka hor ka dhacay Dowladda hoose ayaa waxaa qeyb-ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti iyo guddoomiye ku xigeenka Howlaha guud ayaa looga hadlay dar dargalinta diyaar garoowga maadaama ay maalmo yar ka harsantahay.

Kulankaan oo ka dhacay xafiiska agaasimaha guud ee amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka tirsan agaasimayaasha guud iyo agaasime Waaxeedyada Dowladda Hoose, iyadoona la isla qaatay in Xuska Dhacdadii 24July iyo 1da August si weyn loo xuso.

Guddoomiye Ku-xigeennada maamulka Gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada iyo howlaha guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi ayaa si wada-jir ah u shir Guddoomiyey kulan loogu hadlayay qabanqaabada xuska 24 July iyo 1da August oo ku beegan musiibadii ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar taasi oo ay ku geeriyoodeen Mas’uuliyiin fara badan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyay Duqii hore Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Dowladda Soomaaliya Oo Faah-Faahin Ka Bixisay Saameynta Ay Fatahaaddu Ku Yeelatay Sh/Hoose

0

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kumanaan Qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys.

Warbixinta ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in 291 Qoys ay u barakaceey Degaanka Jannaale oo lafteedu ay ka taagan tahay cabsi ku aaddan fatahaadda Webiga Shabeelle inuu soo gaaro.

Dadka ku dhaqan Tuulooyinka Dagwariiri, Cadiimoole, Awdheegle, Waagaadi iyo Mishaani ayaa iyagana qaba baqdin la xiriirta fatahaadda Webiga Shabeelle.

30 Sano Ka Dib Maxey Uga Dhigantahay Ardayda Magaalada Marko Inay Galaan Imtixaanaadka Dowladda

0

Marko waa xarunta gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay dhacdaa dhinaca xeebta Badweyta Hindi sidoo kale waxa ay ku taalaa gabal dhaca caasimada dalka ee muqdisho waxa ayna u jirttaa 90 K.M.

Marko waa magaalo qadiimi ah waxaana ku nool dad xadaarad leh caana ku aheyd waxbarashada iyo Ganacsiga .

Madadii bur burka waxa ay soo martay marxalado kala duwan kuwaasi oo sababay isbedel dhinac walbo leh hase ahaatee hada waxaa ka jira isbedel nolasha ah waxaana markii ugu horeysay sanaadkaan ardayda wax ka dhigta dugsiyadda marko ay nasiib u yeesheen inay ka qeyb-galaan Imtixaanka fasalada labo iyo tobadaan ee dowladda .

Guddoomiyaha magaalada Marko Cabdullaahi Cali Axmed (Waafoow) oo aan la hadalay waxa uu inoo sheegay in arday gaareysa 331 ay sanadkaan nasiib ay u yeesheen Imtixaanka dowladda dugsiyadda sare waana markii ugu horeysay ee bur burki doowladdii dhexe.

” Waa markii ugu horeysay sodon sano ka dib ay ardayda degmada marko ay ka qeyb-galaan imtixaandka shahaadiga ee dowladda ka dib dadaal badan oo ay bixisay dowladda Soomaaliyeed “ayuu yiri guddoomiye (Waafoof).

Sannadkoodii ugu Horreeyay

Waa sanadkii ugu horeeyay waxaana ka qeyb-galay dhammaan ardyada wax ka baratay dugsiyadda magaalada Marko waxaana ugu dambeysay sanadku markuu ahaa sideetan iyo sagaalkii waxaana kasoo wareegatay muddo kow iyo sadon sano ah ayuu sii raaciyay gudoomiyaha marko.

Guddoomiyaha magaalada Marko Cabdullaahi Cali Axmed (Waafoow) ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdihii ku meel gaarka ay isku dayeen hase ahaatee ay suura gali weysay waxaana ugu dambeyn ku guuleystay dowladda hada jirta oo ay hogaamiyaan madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre.

“Dowladdihii KMG waa ay isku dayeen balse kuma guuleysan waxaana uga mahadcelineynaa dowladda federaalka Soomaaliya da daalka ay gelisay inay markaan suura gasho ka qeyb-galka imtixaanaadka dowladda ee ardyada soomaaliyeed ee gobolka shabeelllah Hoose gar ahaan Marko”

Isbeddelka Imtixaanka

Ardayda hore waxaa imtixaandka uga qaadi jiray si caadi daladaha ay wax ka bartaan ka dib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe waxaana guud ay soo dhaweeyeen inay fursad u helaan imtixaandka qaranka.

Tirada Ardayda Imtixaanka u fadhiisatay G/Sh/H

Boqolaalo ardyada ayaa ka qeyb-galay imtixaanka dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ,331 arday Marko ,deegaanka Kuntuwaarey afartameeyo, Baraawe in kabadan 70 ardayda iyo Afgooye oo aan si rasmi loo xaqiijin maamaada hada ay ka taagantahay xaalad bini’aadanimo ee uu sababay Fafahaada wabiga Shabeelle.

Rajo ayaa muuqata oo Xagga waxbarashada Gobolka Shabeellaha Hoose nsi la mid ah hormarka ka socda Gobolka.