Home Blog Page 760

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray degmada Berdaale+(SAWIRRO).

0

Wafdi ka kooban Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliye ku-xigeenka Ciiidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Mas’uuliyiinta halkaasi gaaray ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka caddaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga , Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigan ayaa mucaawinno hordhac u noqonayo kaalmo gargaar oo ay dowladda federaalku u qorsheysay gaarsiiyay dadka ku dhibaateysan degmada Berdaale iyo degaannada ku xeeran.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka koofur galbeed oo is-kaashana ayaa indhowaalaba howlo gar-gaar ka waday qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool.

Shirka madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Maamul Goboleedyada oo maanta ka furmayo Magaalada Samareeb.

0

Magaalada Samareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta lagu wadaa inuu ka furmo Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Shirka oo uu ku baaqay Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa  looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixinayso sidii ay u dhici lahayd doorashada Madaxweynenimo ee Soomaaliya iyadoo si arinkaas uu u dhaco u qabatay dhowr shir oo looga arinsanayo arimaha doorashooyinka dalka.

Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab & Daacish fuliyay+(SAWIRRO).

0

Ciidamada  PSF-ta Puntland ayaa howlgal ka fuliyay deegaanka Dolqooxle ee Buuraha Cali Madow oo hoostaga tuulada Afurur ee gobolka Bari.

Howlgalka oo dhacay isniintii shalay ayaa yimid ka dib markii ciidanka PST-ta Puntland ay heleen xog sheegeysa in ay Buuraleyda aagaas ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in Ciidamada  PSF-ta ay sii wadi doonaan howlgalada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish.

Waxayna shacabka Puntland ay ka codsadeen in ay ciidanka ku garab istaagaan ka hortagga cadowga ku howlan gumaadka iyo waxyeeleynta Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiyey kulan Hordhac u ah shirka Wadatashiga SAMAREEB+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee caawa ay wada qaateen kulankan dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Qaban-qaabada iyo diyaargarowga shirka wadatashiga DF iyo M/goboleeyada oo laga dareemayo Samareeb.

0

Magaalada Samareeb ee xarunta maamulka Galmuug waxaa ka socanaya Qabanqaabada iyo diyaargarowga Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Amniga magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.

Shacabka iyo Maamulka Galmudug oo isku duuban ayaa u diyaargarowbay sidiii shirkaas si habsami ah ugu dhici lahaa magaalada Samareeb.

Shirkan wadatashiga ah oo socon doona inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021 ayaa waxaa intiisa badan saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabo in la guda galo qabsoomidda Doorasho lagu heshiiyay.

Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug oo deegaano cusub kala wareegay Al-Shabaab+(SAWIRRO).

0

Daraawiishta Galmudug iyo Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa sheegay inay la wareegeen Deegaano ay dhawaan iskaga carareen Maleeshiyaadka Al-shabaab kuwaas oo ku yaala Koonfurta Gobolka Mudug

Saraakiisha  Ciidanka ayaa  tilmaamay in Maleeshiyaadka Al shabaab iskaga baxeen Deegaanka CAAD oo ahaa Saldhiga labaad ee malayshiyadu ku lahaayeen Koonfurta Gobolka Mudug

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo 21-aad ee Xoogga Dalka ayaa maalmihii u dambeeyay Koonfurta Gobolka mudug ka waday Guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Argagaxisada ah ee Al-shabaab looga saarayo Gobolka Mudug, kasoo oo guulo la taaban karo laga gaaray.

Wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa booqosho dhiiro galin ah ugu tagay Ciidanka ku howlan Baacsiga Al-shabaab kuwaas oo ku ammaanay Ciidanka shaqada ay Dalka u haayaan.

Afgembi ka dhacay dalka Myanmar iyo militariga oo xiray haweeneydii hoggaaminaysay.

0

Wararka ka imaanaya dalka Myanmar ayaa sheegay in Inqilaab Millateri uu saaka ka dhacay dalkaasi Myanmar, ciidamada oo ka cabanaya in doorashooyinkii dalkaas lagu shubtay ayaana xukunka xoog kula wareegey saaka arootii.

Hoggaamiyihii waddankaas Aung San Suu Kyi, madaxweynihii Mr- Win Myint iyo shaqsiyaad kale oo sarsare oo katirsan xisbiga xukuma dalkaas ayey millaterigu xabsiga dhigeen.

Dowladaha caalamka oo uu ku jiro Mareykanka ayaa cambaareeyey afgambiga Myanmar, horey ayaa QM waxaa ay war uga soo saartay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagnaa dalkaasi oo doorashada ka dhacday la sheegay in lagu shubtay.

Hay’adaha amniga oo faah faahiyay howlkii lagu soo afjaray weerarkii xalay iyo khasaaraha ka dhashey.

0

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan xalay weerarkii kooxaha argagixisada ay ka geysteen gelinkii dambe ee shalay maleeshiyaadka arggagixisada ee Al-shabaab.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta lahadlay kadib soo afjarista weerarka ayaa faah faahiyay khasaaraha ka dhashey iyo howlalkii ay ciidamada ammaanku ay ku soo afjareen weerarkaasi.

Wuxuu sheegay in ilaa 9 qof ay ku dhinteen in ilaa 10 kale in ka badana ay ku dhaawacmeen,weerarkaasi,4 kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa arggagixisadii weerarka soo qaaday,midkii is qarxiyay iyo 3 kale oo howlgalkaasi lagu khaarijiyay,sidoo kale dadka dhintay waxaa kamid ahaa Generaal Maxamed Nuur Galaal iyo shacab kale  oo halkaasi ku sugnaa.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa mudadii uu howlgalkaasi socday ku guuleystay in ay soo bad baadiyaan dad isugu jiray mas’uuliyiin,ganacsato iyo shacab kale,iyagoo ka hortagay qorshaha maleeshiyaadka Alshabaab oo ahaa in ay laayaan dhamaan dadka shacabka ah.

Dhaawacyada ayaa lagu dabiibayaa isbitaalada magaalada Muqdisho,waxaana suuro gal ah in khasaaraha uu intaasi ka bato,sida uu sheegay  afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Dowlada Turkiga oo canbaareysay weerarka argagaxiso ee ka dhacay Muqdisho

0

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu canbaareeyay weerarkii argagaxisada ay la beegsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Waxaan si xoog leh u canbaareyneyaa weerarka bahalnimada anagoo tacsi u direena dadka walaalaheena iyo dowlada soomaaliya ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaan ilaah ugu baryeenaa naxariis dadka ku nafwaayay weerarka sidoo kale waxaan u rajeyneynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah kuwa dhaawaca ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga .

Ugu danbeyntii waxaa qoraalka lagu sheegay in dowlada Turkiga ay sii wadi doonto ku garab istaaga shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda la dagaalanka argagaxisada

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee galabta ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimada ah ee argagixisada Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrika, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaaga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan argagixisanimo in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.