Dhismaha Wadooyinka bur bursan oo qeyb weyn ka qaadanaya bilicda caasimadda+(SAWIRRO).

Date:

Gudoomiyaha Dagmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa ka warbixiyay heerka uu maraayo dhismaha laamiga isku xera Shabeele ilaa isbitaalka Martiini oo uu horay u dhagax dhigay Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

“waxaan u mahad celinayaa duqa Magalaada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo naga aqbalay codsigii ahaa in naloo dhiso wadooyinka Burbursan ee ku yaala dagmada Xamar Weyne” ayuu yiri gudoomiyaha Dagmada Xamar Weyne

Waxa uu intaa ku daray Gudoomiye Cabdiqaadir “waa laamigii labaad ee naloo hirgeliyo tan iyo intii uu xilka haayay gudoomiye Cumar Filish”

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Dagmada Xamar Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay dulqaataan inta ay shaqada Socoto “wadada ka bilaabata Shabeele ee tagtay Isbitaal Martiini ayaa ah mid gabagabo ah.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala Wadadaasi iyo gaadiidka ka codsaneynaa in  ay muujiyaan dulqaad inta ay shaqada ka dhamaaneeso” ayuu yiri Guddoomiye Cabduqaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...