Wasiirka Gaashaandhiga” Dowladda Federaalka waxay diyaar u tahay dhismaha ciidan Qaran oo lagu kalsoon yahay”.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay dhismaha ciidan Qaran oo lagu kalsoon yahay iyo maalgelintooda.

Wasiirka wuxuu sheegay in Dowladda ay ka qeyb qaadaneyso tayeynta, daryeelka iyo wax kasta oo ay u baahan yihiin ciidanka Qaranka.

“ Dowladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay in ay dhisto ciidan qaran oo lagu kalsoonyahay, dhaqaalaha ugu badan ee Dowladda waxaa lagu bixiyaa ciidanka,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Xasan Xuseen Xaaji oo sii hadlayay ayaa yiri” Ummad waxay qiimo ku leedahay ciidankeeda oo waajib ka saaran yahay Difaaca Xudduudooda, Baddooda iyo cirka,”.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa in la dhiso ciidamo qaran oo howlaha sugidda amniga kaalin weyn ka qaata.

Ciidamada xoogga dalka ee hadda dhisan waxay qeyb weyn ka qaateen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab oo deegaano badan oo dalka ah laga xoreeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...