Deeqdii ugu horeysey oo maanta lagaarsiiyey danyarta magaalasa xuddur.

Date:

Sagaal boqol oo qoys oo isugu jira dadka baahiyaha gaarka ah qaba, danyarta iyo barakacayaasha oo laga sooxuley xaafadaha magaalada xuddur ayaa ka faa’ideystay deeqdaan oo ka kooban bur, bariis, Sonkor iyo saliid oo ay ku deeqeen ganacsato soomaaliyeed oo ka soo jeeda koonfur galbeed, waana deeqdii ugu horeysay oo lagaarsiiyo dadka danyarta ah oo noloshoda saameysay sicir bararka iyo raashiin la’aanta sababay go’doominta wadooyinka soogala magaalada.

Qaar ka mid ah danyarta ka faa’ideysatay deeqda ayaa sheegey in xilli ay ubaahan yihiin lagaarsiiyey.

Maamulka oo ku howlanaa xaqiijinta in deeqda gaarto dadka ku haboon oo nolashooda liidatay ayaa ka mahadceliyey.

Xuddur waxa ku nool kumadanaan kun oo isigu jira barakacayaal in dadka degan magaalada oo go’doonsan taasoo sababtay dhaq dhaqaaq la’aanta ganacsiga iyo in nolosha adkaato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....