Deeqdii ugu horeysey oo maanta lagaarsiiyey danyarta magaalasa xuddur.

Date:

Sagaal boqol oo qoys oo isugu jira dadka baahiyaha gaarka ah qaba, danyarta iyo barakacayaasha oo laga sooxuley xaafadaha magaalada xuddur ayaa ka faa’ideystay deeqdaan oo ka kooban bur, bariis, Sonkor iyo saliid oo ay ku deeqeen ganacsato soomaaliyeed oo ka soo jeeda koonfur galbeed, waana deeqdii ugu horeysay oo lagaarsiiyo dadka danyarta ah oo noloshoda saameysay sicir bararka iyo raashiin la’aanta sababay go’doominta wadooyinka soogala magaalada.

Qaar ka mid ah danyarta ka faa’ideysatay deeqda ayaa sheegey in xilli ay ubaahan yihiin lagaarsiiyey.

Maamulka oo ku howlanaa xaqiijinta in deeqda gaarto dadka ku haboon oo nolashooda liidatay ayaa ka mahadceliyey.

Xuddur waxa ku nool kumadanaan kun oo isigu jira barakacayaal in dadka degan magaalada oo go’doonsan taasoo sababtay dhaq dhaqaaq la’aanta ganacsiga iyo in nolosha adkaato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...