Home Blog Page 759

Safiirka Dowlada Talyaaniga u fadhiyo Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Hobyo+(SAWIRRO).

0

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi & mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalo xeebeedka hobyo ee gobolka mudug, iyada oo si wyan halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdigaasi waxaa hoggaaminaya Wasiirka Dakadaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye,  waxayna halkaasi u tageen dhagax dhigidda dhismaha Daked macmal ah oo ay  hirgalin doonto Ha,adda WFP.

Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska ku saxiixey heshiis lagu dhisayo Dakadda Hobyo.

Ujeedada Dakaddaan Macmalka ayaa ah suurta galinta in qalabka lagu dhisayo dakadda Hobyo laga soo dajiyo marka laga reebo inay ka faa’idaystaan ganacsatada Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa ku howlan hirgalinta mashruuca dhismaha dakadda magaalada hobyo, oo la filayo haddii uu taabbo galo inuu qayb Libaax ka qaadan doono horumarka dhaqaale iyo bulsho ee Galmudug iyo guud ahaan goballada dhexe ee dalka.

 

Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaarada Beeraha iyo Waraabka oo maanta ka qeyb galay Barnaamijka Is-xilqaan+(SAWIRRO).

0

Waxaa si dar dar leh u soconaya Barnaamijka Is-xilqaan oo dib udhis looga sameynayo xarumaha muhiimka ah ee dowladda taasi oo ay ka qeyb qaadanayaan shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaha dowladda soomaaliya.

Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay hogaaninayaan mas’uuliyiinta wasaaradda oo si weyn ugu soo diyaar garoobay ayaa kaltanka toban lixaad ugu qeyb qaatay dib u datactirka xarunta ex guriga hooyooyinka oo loo bixiyay guriga Mama Baxsan waxaana goob joog ka ahaa madaxda barnaamijka isxilqaan.

Qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda beeraha ayaa ka hadlay muhiimada barnaamijka Is-xilqaan iyo doorka shaqaalaha beeraha ay ugu qeyb qaadanayaan

Agaasimaha Waaxda Waraabka Iyo Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradu ay qeyb weyn ka qaadaneyso howlaha dib looga dhisayo barnaamijka Is-xilqaan.

Agaasimaha Is-xilqaan Maryan Aadan Amiin ayaa sheegtay in barnaamijka Is-xilqaan oo ah dalkaaga dib udhiso uu wax weyn ka qabtay howlaha dib u dhiska ee ka soconayo dalka.

Kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka Dalka oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug+(SAWIRRO).

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Mudane Ludfi Shariif Maxamed ayaa Magaalada Dhusamareb uga Qaybgalay Kulanka soo Aruurinta Aragtida Bulshada Galmudug ee ku aadan Qodobada Dastuurka ee Dib-u-eegista lagu sameeyey.

Munaasabada ayaa waxaa Goob joog waxaa ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid, Wasaarada Dastuurka Galmudug, Maamulka Caasimada Galmudug iyo Bulshada Magaalada.

Ugu horayn waxaa furitaanka ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Magaalada Dhusamareb Cabdi Xaashi Caroole waxaa uuna xusay inuu soo dhowaynayo Qobadan Bulshada loo soo bandhigay.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin ayaa ka Hadlay Madashan waxa uuna xusay in Galmudug Talo ku yeelanayso Qabyatirka Dastuurka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey Socdaalkooda ay Halkan ku yimaadeen iyo Kulamadan lagu soo bandhiga Qodobada laga dooday.

Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Ludfi Shariif Maxamed ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna xusay Ahmiyada Howshani leedahay.

kulamo looga hadlayo Arimaha Dib-u-eegista Dastuurka ayaa horay loogu qabatay Deegaanada Galmudug Bulshada ayaana Aragtidooda ku darsaday si loo dhamaystiro Qabyatirka Dastuurka Dalka.

Saraakiisha Ciidamada Jabuti oo Agab Isborti ku wareejiyay Gudiga ciyaaraha Gobolka Hiiraan+(SAWIRRO).

0

Saraakiisha Ciidamada Dalka Jabuuti ee kamid ah howlgala AMISOM ee Gobolka Hiiraan Ayaa Qalab Sports oo dhameeystiran ku wareejiyay xiriirka kubada cagta ee Gobolka iyo kan Degmada Beledweyne si loogu horumariyo ciyaaraha Gobalkaasi.

Munasabad kooban oo lagu wareejinayay agabkaasi sports oo ka kooban qeybo badan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Maamulka Gobolka, Sarakiisha Jabuuti ee AMISOM iyo Ururadda Bulshada ee Gobolka Hiiraan.

Sarakiisha Ciidanka Jabuuti ayaa sheegay in agabkan sports ay ugu talagaleen siddii lagu  hormarin lahaa Ciyaaraha iyo is dhexgalka dhalinyarada Gobolka gaar ahaa Magaalada Beledweyne.

Maamulka Ciyaaraha heer Gobol iyo heer Degmo ayaa ka mahad celiyay agabka sports ee ay Saraakiisha jabuuti ugu deqeen Ciyaaraha Gobolka waxayna sheegeen in waxbadan oo baahiyo Agab ahaa ay dabooli doonta islamarkaana lagu hormarin doono tartanada Ciyaaraha ee Gobolkaasi.

 

 

 

Wasiirka Qorsheynta XFS oo Xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Hay’adda FAO ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, ayaa  Kulan muhiim ah maanta layeeshay Agaasimaha Xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Cunada iyo Beerahaa Qaramada Midowbay FAO.

Kulanka ayaa looga hadlay Dardar galinta Qorshayaasha hay’adda Beeraha FAO, ee Soomaaliya iyo xoojinta Xariirka dowladda federaalka.

Sidoo kale kulanka ayaa laysku waydaarsadatay xogo muhiim ah oo dhinaca hormarinta beeraha iyo Cunada waxaana si wanaagsan laysku waafaqay arinkaasi.

Agaasimaha Hay’adda Beeraha QM ee Soomaaliya, Mr Etienne Peterschmitt ayaa ka mahadceliyay xariirka iyo wada shaqeynta wanaagsan ee Wasaarada Qorsheynta, waxaa uuna ballan qaaday in ay fulin doonan go’aanada  shirka ugu muhiimsan sida wareejinta  xogaha ay aruuriyeen,  tasoo xoojinayso wada shaqeynta labada dhinac.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan  Wasiirka wasaaradda Qosheynta Maal- gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya, ayaa dhankiisa tilmaayay in kullankan muhiimad weyn xabaarsanaa, si dowladda Soomaaliya ay kala wareegta xogta dalka ay ka aruurisay dhinacyada ay ka shaqeynso tasoo muujinayso Awooda hay’adda Istaatiijida Qaranka.

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa wado daddaalo lagu xoorinayo Hay’adda Istaatiskada Qaranka oo ah howsha loo igmaday Wasaarada aruurinta, keydinta iyo baahinta xoggaha wadanka ee ay wasaaradda doonaysaa in ay kala wareegto hay’adaha xoggaha ka haayo dhinacyada ay Soomaaliya ka taageeran.

Diiwaangalinta Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabelle oo maanta ku eg.

0

Diiwaan gelinta musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle oo soo bilaabatay shalay ayaa maanta ku eg sida ay horey u shaaciyeen guddiga doorashooyinka.

Musharixiin badan ayaa is diiwaan geliyay, halka kuwa dhimana ay maanta is diiwaan gelin doonaan.

Musharixiinta qaarkood ayaa horey u shaaciyay in ay u tartamayaan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle.

Xubnaha ugu cad cad ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

10 bishan oo Beri ku beegan ayaa la filayaa in musharixiinta madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa ay khudbad ka horjeediyaan xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 2aad ee maamulkaasi.

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa dhici doonta maalin Arbaco oo ku beegan 11 bisha November.

Sargaal sare oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Howlgal qorsheysan lagu dilay Gobolka jubada dhexe.

0

Taliska Ciidamada Militariga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay gobolka Jubada dhexe waxaa ay ku dileen sarkaalkii Maleeshiyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhadaha oo ah koox inta badan ay u adeegsadaan weerarada ay ka fuliyaan dalka.

Howlgalka ayaa ciidanka kumaandooska waxay ka fuliyeen deegaanka Caraboow oo qiyaastii 50-km ujira degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen sarkaalka iyo 6 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, iyagoona dhamaantooda la toogtay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada kumandooska Soomaaliya.

Sarkaalkan la dailay ayaa waxaa lagu magacaabayay Xasan Sufiyaan Qooreey waxaana uu ahaa sarkaalka guud ee Maleeshiyaadka al-shabaab u qaabilsan Jabhadaha.

Ciidanka xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee ay ku beegsanayaan saraakiisha iyo dagaalyahanada ka tirsan maleeshiyaadka Argagaxisada ee Al-shabaab.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo la kulmay Ganacsatada Gobolka Banaadir+(SAWIRRO).

0

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo u kuur-galaaya xaaladda ganacsatada ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan aad u ballaadhan la qaatay ganacsatada kala duwan ka hawl-gasha dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo kulankiisa  oo ay ku wehelinayeen wasiiru-dawlaha wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekh’unaa Maye, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cali Maxamed Sh. Bagadi, Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa siddii wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya uu xog-oggaal ugu noqon lahaa sidoo kale na ugu kuur-geli lahaa xaaladaha iyo duruufaha ay qabaan ganacsatada kala duwan ee wadanka, ayaa waxay ganacsatadu sheegeen in ganacsiga wadanku uu maanta meel fiican maraayo isla-mar-ahaantaana ay ka ganacsato ahaan door weyn ay ka qaataan shaqo abuurka iyo guud ahaan horumarka wadanka. Iyaga oo xusay in sidoo kale na ay jiraan caqabado soo waajaha ganacsatada oo u baahan in si wada-jir ah wax loogga qabto.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadah xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn sheegay in uu ganacsatada uga mahad-celinaayo kaalintaas muuqata ay kaga jiraan horumarka Soomaaliya, waxaana uu xusay loo baahan yahay in ganacsatada iyo dawladdu ba ay mar walba iska kaashadaan horumarka dalka sidoo kale na ay ka Wasaarad ahaan dadaal ugu jiraan siddii loo horumarin lahaa ganacsatada iyada oo wax laga qabanaayo caqabadaha jira iyo cabashooyinka ay halkaas ku soo gudbiyeen.

Wasiirka gargaarka XFS oo maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Gar gaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukumadda Federalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Deeriye ayaa maanta lagu soo dhawey garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Gobolka shabelada dhexe waxaana so dhaweyn aad ubalaaran usameey xubno katirsan golaha Baarlamaanka Cusub Ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maamulka Gobalka Sh/dhexe iyo qaar ka mid ah Bulshada Degmada Jowhar.

Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Shabellada dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa wasiiradda kaga warbixiyay xaaladaha fatahaadaha Gobolka iyo saameynta ay ku yeesheen Bulshada Beeraleyda ah waxaana uu ka codsaday wasaarada in garab is taag ay usameyso danyarta ku barakacday fatahaadaha.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan ayaa wasiirada kaga mahaceliyay imaatenkeeda Jowhar waxaana uu sheegay inay muhiim tahay goob joog inay unoqoto Arimaha doorashooyinka Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda gargaarka XFS Marwo Khadiijo Maxamed Deeriye ayaa dhankeeda sheegtay in Jowhar ay utimid ka qeyb galka doorashooyinka Hirshabeelle oo hadda meel gaba gabo ah marayo maadaama ay harsantahay doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxayna sidookale sheegtay in si, dhaw ulasocoto xaaladaha fatahaadaha Hirshabeelle ayna wax ka qabandoonto Wasaaradeeda.

 

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo si badalo balaaran ku sameeyay hogaanka ciidanka dalkaasi.

0

Ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa isbadalo ku sameeyay hogaanka ciidanka itoobiya sidoo kale wuxuu wax ka badalay wasaarada arimaha dibadda.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha ayaa lagu sheegay sidaan.

raysul wasaare ku Xigeenka itoobiya Demokan Mekonan ayaa Loo magacaabay wasiirka Arimaha Dibada isgoo sii Haya xilkii Ku xigeenka Raysul wadaaraha.

Ku xigeenkii ciimada qaranka Birhaanu Juli ayaa loo Magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Dalka.

Madaxweynhii Deeganka Amxaaraha Temsgan ayaa loo Magaacay Taliyaha sirdoonka.

Deeganka Amxaarada ayaa Loo magacabay madaxweyne Teshomo oo horay u haysta Hogaanka Nabad Galyada Deegaankaas.

Taliyihii Siroodnka ayaa isna Loo Magacaabay taliyaha booliska federaalka.