Labo diyaaradood oo siday gaar gaar oo ka degay Xudur+Sawirro

Date:

Ururka horumarinta ee UBAX oo ah urur samafal oo ka dhisan deegaanadda koonfur galbeed ayaa deeq rashiin oo isugu jirta Masago, Bur, Bariis, Baasto, Saliid iyo Timir oo ay ka soo uruuriyeen bulshada magaalada baydhabo gaarsiiyey magaalada xuddur si ay qeyb uga noqoto gurmadka loo fidinayo bulshada magaalada.

Guddoomiyaha Ururka horumarinta ee UBAX Cabdi Jirbriil Aadan ayaa bulshada reer baydhabo iyo madaxweynaha koonfur galbeed uga mahaceliyey kaalinta ay ka qaateen in magaalada xuddur loo gurmado.

Yuusuf Warsame Xasan oo wakiil ka ah Jaaliyada koonfur galbeed ee Maama Muniira Fiundation oo deeq gargaar ah xuddur soo gaarsiiyey ayaa isna ka hadlay sida ugu suuragashay in deeqdaan xuddur soo gaarsiiyaan…….

Raashiinkaan oo gaaraya 12-tan qaarna ay ku deeqeen jaaliyada koonfur galbeed qaarna dhalinyaradaan isxilqaamay ay ka soo uruuriyeen shacabka degmada baydhabo waxa dhinaca diyaarada ka saacidey madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed( lafta-gareen) oo waqti badan geliyey sidii loogu gurman lahaa shacabka gobolka bakool gaar ahaan degmada xuddur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...