Iiraan oo reer Yurub ka dalbatay in ay dhex dhaxaadiyaan heshiiskii ay Washington horay ula gaartay.

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iiraan Maxamed Jawaad Dariif ayaa cadeeyay sida wadankiisa ay uga go’an tahay ilaalinta iyo dhaqan galinta heshiiskii Nukliyeerka, isaga oo soo jeediyay in dhanka Yurub ay gacan ka geystaan ​​abaabulka ku laabashada heshiiska Mareykanka iyo Iiraan.

Dariif wuxuu sheegay in dalkiisa uu leeyahay siyaasad uu ku ilaaliyo heshiiska nukliyeerka, isaga oo carabka ku adkeeyay in Washington ay si dhab ah wax uga qabato dhaqan galinta heshiiskan.

Wasiirka arrimaha dibedda Iiraan wuxuu caddeeyay in haddii qof uu xaq u leeyahay inuu dejiyo shuruudo lagu fulinayo heshiiska nukliyeerka, iyada  oo la tixgelinaayo shuruudaha ay Washington ka dhawaajisay  ee ku saabsan ku laabashada heshiiska nukliyeerka.

Maxamed Jawaad oo wareysi siiyay CNN ayaa ka dhawaajiyay in dhankooda ay diyaar u yahiin  ku noqoshada heshiiska u dhexeeya Washington iyo Dehraan ee ku saabsan nukliyeerka.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Anthony Blinken wuxuu sheegay in Iiraan ay wax yar ujirto soo saarida walxaha loo adeegsado soo saarista hubka nukliyeerka, hadii ay sii wado inaysan u hogaansamin heshiiskii Nukliyeerka.

Blinken wuxuu intaas ku daray  war saxaafadeed uu soo saaray  in Mareykanka uu diyaar u yahay in uu ka laabto heshiiskii Nukliyeerka haddii Iiraan, ay u hogaansami wayso heshiiskii Nukliyeerka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...