Home Blog Page 738

Wadahadallo u dhexeeya Dowladda Afghanistan iyo Taliban oo maanta ka furmaya magaalada Dooxa.

0

Magaalada Dooxa ee dalka Qatar maanta oo sabti ah waxaa ka furmaya wadahadalo nabadeed oo u dhexeeya dowladda Afghanistan iyo Taliban kaas oo lagu soo afmeeri doono dagaalka 20 sano ka socday dalkaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo ruux.

Xafladda furitaanka wadahadalka waxaa ka qeybgali doona xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, waxaana ay kusoo aadaysaa sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegatay weerarkii daarihii mantaanaha ee New York oo loo yaqaano 9/11(9/11/2001).
Saraakiil, diplomaasiyiin iyo falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in labada dhinac miiska wadahadalka la isugu keeno ayaa ah arrin guul ah.

“Wada xaajoodka wuxuu ka jawaabi doonaa su’aalaha waa weyn oo ay kamid tahay wadan noocee ah ayuu noqon doonaa Afghanistan” sidaa waxaa sheegay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Afghanistan, Deborah Lyons.

Bishii February ee sanadkan, Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Dooxa kaas iyadoo qodobada heshiiskaas ay kamid aheyd in xukuumadda Kabul iyo Taliban wadahadal ku dhameeyaan dagaalka ka socda dalkaasi.
Talian iyo Mareykanka ayaa ku heshiisay in ciidanka ajnabiga ah ee dalkaas jooga laga saari doona marka ah heshiis wada galaan kooxda Taliban iyo Afghanistan.

Madaxweyne Trump ayaa doonaya in doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November ka hor uu soo gabagebeeyay dagaalka Mareykanka uu hormuudka ka yahay ee Afghanistan ka socda. Dagaalka Afghanistan waxaa lagu dilay 2,300 oo askari oo Amerikaan ah tan iyo 2001 iyadoo in ka badan 100,000 oo shacab ah lagu dilay colaadaas.

Turkiga oo cambaareeyay xiriirka Israel iyo Carabta.

0

Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay heshiiska Baxreyn iyo Isreal wada gaaree, wasaaradda arrimaha dibadda sheegtay in heshiiskan uu dhibaato weyn ku yahay qadiyadda Falastiin.

“Waa talaabo kale oo Isreal ku dhiirigelinaysa in ay sii waddo ficilada sharci darada ah ee ka dhanka ah Falastiin, waa arrin ka dhigaysa dhulka Isreal gumeysiga ku heysato in ay sii joogaan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Turkiga ayaa si adag uga hor yimid xiriirka diblomaasiyadeed ee carabta iyo Isreal dhex maraya kaasi oo uu curitiisa uu lahaa Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump, oo doonaya in ay si buuxda Isreal uga mid noqoto Gobolka bariga dhexe.

 

Qaban qaabada aaska marxuum Shaafi Raabi Kaahin oo ka socota Kismaayo.

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ka socda qaban qaabada aaska guddoomiyihii  rugta ganacsiga Jubbaland marxuum Shaafi Raabi Kaahim oo shalay u geeriyooday qarax argagaxisadu ay ku weerartay dad shacab ah iyo mas’uuliyiin xilli salaadda Jimco ay kasoo baxeen.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb gelaya Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”iyo mas’uuliyiin kale oo shalay safar deg deg ah ugu baxay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan aaska Marxuumka.

Madaxweynaha Jubbaland oo hay’adaha ammaanka amray baarista qaraxii Kismaayo.

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay sarakiisha hey’adaha amniga, iyadoo uu Madaxweynahu faray inay keenaan baaritaannada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii shalay Argagixisadu ay la beegsadeen Dad shacab ah iyo mas’uuliyiin kasoo baxay masaajidka Qadiim ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale  faray Ciidamada Nabad sugidda iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugidda nabadgalyada muwaadiniinta, isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Mudane Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa dhanka kale  Sarakiisha ciidanka Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa degmooyinka Kismaayo iyo Af-madow, isagoo ammaanay sida ciidamada geesiyada ah ay u naafeeyeen argagixisada.

        

 

Baxreyn oo si buuxda u aqoonsaneysa Israel.

0

Baxreyn ayaa noqtay dalkii ugu dambeeyay ee carbeed oo si buuxda u aqoonsanaya Israel kadib wada xaajood lagu hagaajiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, arrintan ayaa qeyb ka ah cadaadis diblomaasiyadeed ee Madaxweyne Donald Trump uu maamulkiisu ay ku doonayaan in si buuxda Israel  ay qeyb uga noqoto bariga dhexe.

Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay heshiiskan, kadib wadahadal saddex geesood ah oo uu la yeeshay Ra’iisul-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Boqorka Baxreyn Hamad bin Ciisa Al Khalifa. Saddaxda hoggaamiye ayaa sidoo kale si wadajir ah u soo saaray bayaan  kooban oo caddeynaya heshiiskaasi.

Tallaabadan xriirka Israel iyo dalalka carbeed ayaan kusoo beeggantay sanad-guuradii 19-aad ee weeraradii Argagaxiso ee 11 September 2001 ayaa timid wax ka yar toddobaad marka uu Trump martigelin doono xaflad ka dhaceysa Aqalka Cad taasi oo lagu saxiixi doono heshiiska lagu aas-aasayo xiriirka buuxa ee Israel iyo Imaaraatka Carabta. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Baxreyn ayaa isna ka qeybgali doona munaasabadda.

Al-shabaab oo khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray qarax ay ku aasayeen Gaarisa.

0

Wararka ka imaanaya magaalada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in 3 qof oo looga shakisan yahay Al-shabaab ay ku geeriyoodeen 4 kalena ay ku dhaawacmeen,kadib qarax ay dhulka ku aasayeen oo iyaga ku qarxay.

Laamaha ammaanka Kenya oo war ka soo saaray dhacdadan ayaa xaqiijiyay geerida 3 qof xili ay qarax aasayeen,waxaana intaasi ay ku dareen in 4 qof oo dhaawacyo ay soo gaareen.

Police ayaa heley xog ku saabsan in 4 qof ee dhaawacantahay durba lagu qaaday gaari nuuca Toyota Hilux ah,islamarkaana ay qaadeen dad kale aan boolisku ahayn,ayan la baxsadeen.

Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay kordhiyeen mudooyinkii ugu dambeeyay miinooyinka ay dhulka ku aasayaan,gaar ahaan hareeraha waddooyinka,taasi oo ciidamadu ay feejignaan ka muujinayaan.

Kenya ayaa sheegtay in Ilaa 20 qof ay ku geeriyootay weeraro kala duwan oo Alshababa ay ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, inta u dhexeysay bilihii Janury iyo February

Madaxweynayaasha Puntland iyo Koonfur-galbeed oo kulmay.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo howla shaqo ujooga magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa hoyga uu ka degganyahay muqdisho kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani oo Booqasho iyo Salaan ugu yimid.

Mas’uuliyiinta ayaa qaatay kulan ku saabsanaa isxog wareysi iyo kala warqaadasho arrimaha siyaasadda dalka doorka labada Dowlad goboleed ay ka qaadanayaan Geedi socodka Dowladnimada dalkeena, ka shaqeynta amniga, horumarinta dhaqaalaha, la dagaalanka argigixisada iyo horumarinta Bulshada.

Kulanka ayaa sido kale labada Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Dani iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen kaga hadlay Wanaajinta iyo iskaashiga labada Dowladood Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo dadaalada lagu dardargelinta hannaanka dowladeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland siciid Cabdullaahi Dani booqashada uu’ ugu yimid kulanka ayaa sido kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed Sareeye guud Mahad Abdiraxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Booliska Siihayaha Wasaaradda Cadaalada iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr ali saciid fiqi.

AMISOM oo sheegtay in ay dardargalineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

0

Abaanduulaha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya Gen Diomede Ndegeya oo booqasho ku tegay Taliska qeybta 1-aad ee Ciidamada Uganda ayaa sheegay in booqashadan ay tahay kormeer barasho ah oo uu ku tagayo dhammaan Xerooyinka AMISOM ee Soomaaliya.

Gen Diomede Ndegeya waxaa uu ku ammaanay Ciidamada Uganda ee AMISOM tallaabooyinkii ay Al-Shabaab ugala wareegeen degaannada Sabiid-Caanoole, Bariire, Awdheegle, Ceel Salini iyo Jannaale, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaan kordhineynaa howlgalada lagu sugayo amniga, waana dagaalami doonnaa illaa inta Shabaab laga sifeynayo gudaha Dalka Soomaaliya ”ayuu yiri Gen.Ndegeya.

Ciidamada Uganda waa Ciidamada ugu badan ee ka tirsan AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya,waxaana ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Jaamacadda Carabta oo aan tixgalin soo jeedinta Falastiin.

0

Hoggaamiyeyaasha Falastiin ayaa ku guuleystay in ay dib u cusbooneysiiyaan qadiyaddood dowladnimo ka dib kulankii arbacadii dhacay, balse waxay awoodi waayeen in ay xubnaha jaamacadda Carabta ka dhaadhiciyaan in la cambaareeyo heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ee la saxiixay bishii hore.

Wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ayaa kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyadoo madaxda Falastiin ay dabciyeen lahjaddooda ku aaddan heshiiskii uu Mareykanku garwadeynka ahaa ee 13 August ay wada galeen Imaaraadka iyo Isreal.

“Arrintan aad ayaa looga hadlay. Waxayna aheyd mid la isku fahmay inkastoo mararka qaar ay adkaanaysay. Laakiin ugu dambeyn la iskuma raacin in war-murtiyeedka lagu daro soo jeedinta Falastiin ,” sidaa waxaa sheegay ku xigeenka xoghayaha guud ee Jamacadda Hossam Zaki oo warfidiyeenka la hadlay.

Heshiiska Imaaraadka iyo Isreal waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay oo dal Carbeed uu la galo Yuhuudda muddo ka badan 20, wuxuuna abuurey hadal heyn badan guud ahaan dunida Muslimka.

Falastiiniyiinta ayaa aad ugu walaacsan in tallaabada Imaaraadka ay wiiqi karto qadiyadda Falastiin ee muddada dheer soo taagneyd- taas oo loo yaqaano hindisaha nabadda Carabta oo dhigaysa in Isreal ay ka baxdo dhammaan dhulka ay xooga ku qabsaday dagaalkii 1967 isla markaana la yegleelo dowlad Falastiin leedahay .

“Waxaan weydiisanay in si cad oo aan la leex leexad laheyn loo cambaareeyo cid kasta oo jabisa hindisaha nabadda Carabta balse waan gaari waynay,” wasiirka arrimaha dibadda Falastiin Riyad al-Maliki ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

Dhinaciisa, wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan al-Sacuud ayaa sheegay in Riyadh wali taageersan tahay hindisaha nabadda Carabta balse ma soo hadal qaadin heshiiska Imaaraadka iyo Isreal.

Mareykanka, Isreal iyo Imaaraadka Carabta waxay madaxda Falastiin ugu baaqeen in ay dib u soo celiyaan wada xaajoodkii Isreal, la taliyaha sare ahna wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Trump Jared Kushner ayaa sheegay in Falastiiniyiintu looga baahan yahay in aysan ku dheganaanin wixii hore oo ay tahay waaqaca ay la noolaadaan.

Wasiir Maliki ayaa heshiiska Isreal iyo Imaaraadka Carabta ku sifeeyay mid lama filaan ah isla markaana dhul-gariir siyaasadeed ku ah Carabta, isagoo xusay in kulankii deg dega ahaa ee Jaamacadda Carabta fashil ku dhammaaday.

Laakiin wasiirku ma adeegsan ereyo adag oo ay kamid tahay ‘khiyaano’ taas oo madaxda Falastiin isticmaali jireen maalmihii hore ka dib heshiiska Imaaraadka iyo Isreal.

Wasiiru dowlaha Imaaraadka Anwar Gargaash oo wareysi siiyay telefishinka al Carabiya ayaa sheegay in luuqada dhaleeceynta iyo cambaareynta ay keentay heshiis la’aanta kulankii shalay.

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Baydhabo+sawirro.

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Maagalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo ku soo dhaweeyey dhigiisa Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed

Madaxweyne Qoor-qoor oo ay socdaalkiisa ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan labada Golle Galmudug, waxa uu Baydhabo kaga qaybgali doonaan shir u dhexeeya dawlad goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Shirka waxaa looga hadlayaa xiriirka ka dhexeeya dawlad goboleedyada, arrimaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan doorashada soo socota iyo iskaashiga amniga oo ay ugu horrayso la dagaalanka xagjirka.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeele iyo Koofur Galbeed ayaa la filayaa inay dhawaan soo gaaraan Muqdisho, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shirka dawlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dawladda Federaalka, kaas oo madaxweyne Farmaajo ku casuumay, islamarkaana lagu dhammaystirayo hanaanka doorashada dalka.