Taliska Booliska oo soo bandhigay sagaal kamid ah ragii ku dagaalamay Ex Conrtol Afgooye iyo hubkoodii

Date:

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalkii saakay ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xogta khasaarihii ka dhashay iyo cidda ay u dhaxeysay is-rasaaseyntaas.

Ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo qabteen koox burcad ah oo uu tilmaamay inay is-rasaaseeyeen, kadib markii ay ku heshii waayeen lacag baad ah oo ay dadka ka aruursanayeen.

“Saakay aroortii Ex Control Afgooye waxaa ka dhacday shaqaaqo is-rasaaseyn ah dhex-martay maleeshiyaad qowleysato ah oo dhacayey dadka aaggaas ku nool, intii ay dadka dhacayeen ayey dhexdooda ka tafantay oo dhexdooda ka bilaabatay israsaaseyn sababtay in dad rayid ah ay halkaas ku dhintaan, ilaa afar qof oo shacab ah ayaa goobtaas ku geeriyootay, seddax kalena dhawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri afhayeenka oo caawa la hadlay warbaahinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in xiligaas ay booliska u suurta geli weysay in ragaas la soo qabto, balse garabta ay ku guuleysteen inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo.

“Xooraan iyo daba-gal kadib, ciidanka booliska gobolka Banaadir waxay galabta weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadkii saakay dhaca iyo dilka u geystay dadkii ay ku dul dagaalameen, waxayna gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah ragaas iyo hubkii ay wateen, waxaana hor geyn doonaa cadaaladda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenkan u hadlay booliska Soomaaliya.

Ragaan lasoo qabtay oo gaaraya sagaal nin ayaa seddax kamid ah waxaa is-rasaaseyntii saakay kasoo gaaray dhaawacyo, sida uu warbaahinta u sheegay ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...