Sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya qeybta Galmudug oo ka digay ciidanku siyaasadda ku milmo

Date:

“Hadaan ciidamada iyo saraakiisha booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Galmudug waxaa la rabaa inaan siyaasadda banaanka ka ahaano, sida uu Ra’iisul Wasaaruhu nafaray oo aan ka shaqeyno amniga doorashooyinka, anagoo u kala eexan musharaxiinta,” ayuu yiri Gaashanle Cumar Cabdi Shire Taliyaha booliska deegaanka Ceeldheere oo maanta warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka booliska deegaanka Ceeldheere oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb Gaashanle Cumar Cabdi Shire ayaa ka warbixiyey ammaanka deegaankaas oo hadda si weyn loo adkeeyey, si looga hor tago dhagarta argagixisada Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa xusay in amniga deegaanka uu yahay mid la isku haleyn karo, isagoo digniin u diray dadka ka been abuuraya Nabadgelyada deegaanka ee faafinaya warar lid ku ah amniga, ayna ku qaban doonaan gacan bir ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...