Yuusuf Dabageed oo Muqdisho kula kulmay wasiirrada iyo xildhibaanada ka soo jeeda HirShabeelle “SAWIRRO”

Date:

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulan qada Sharaf ah maanta u sameeyay wasiirrada iyo xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Kulankaan ayaa ahaa is xogwareysi la xiriira xaaladda Hirshabelele, ka shaqeynta midnimada iyo horumarinta Hirshabeelle, waxaana goobjoog ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay ka shaqeynta Midnimada Hirshabeelle, mar uu soo hadal qaaday arrimaha Doorashooyinka ayuu sheegay Hirshabelle ay ka dhici doonto doorasho daah furan oo xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka sheekeeyay dadaallo dib u heshiisiin ah uu waayihi dambe uu ka waday magaalooyinka Beledweyne iyo muqdisho, isagoo tilmaamay in hadda ay meel wanaagsan u marayaan dadaaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...