Home Blog Page 718

Weerar Gantaalo ah oo lala beegsaday 3 magaalo oo ku yaalo waqooyiga Dalka Mali.

0

Magaalooyinka Kidal, Gao iyo Menaka ee dhaca waqooyiga Mali ayaa hal mar lala beegsaday weerar gantaalo ah.

Weerarkaan ayaa ahaa mid ka dhan ah xeryaha military ee ay degganyihiin ciidamada shisheeye sida uu sheegay sarkaaal ka tirsan UN-ka.

Suleymaan Maxamed oo deggan magaalada Kidal ayaa sheegay inuu maqlay dhawaq gantaalo oo ka imaanya jihada xero ay degganyihiin ciidamada nabad ilaalilnta Qaramada Midoobe ee dalkaas ku sugan.

Sarkaagl ka tirsan Qarmada Midoobe oo aan shaacin magaciisa ayaa sheegay in weerar gantaalo loo adeegsay lagu qaaday maanta oo Isniin ah xero ku taal Kidal sidoo kalena waxaa weeraro nuucaan oo kale lala beegsaday magaalooyinka Gao iyo Menaka.

Weerarada lagu qaado xeryaha ciidamada caalamiga ah ee jooga  dalka Mali ayaa ah kuwa soo noqnoqda, laakiin waa markii ugu horeysay ee dhowr magaalo hal mar lagu qaado weerar nuucaan ah.

Ciidanka xoogga dalka iyo dadka shacabka ah ee deegaanka Bacaadweyne oo argagixisada Al-shabaab jab xooggan gaarsiiyay.

0

Ciidanka xoogga Dalka ayaa cagta mariyey maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo saakay weerar kusoo qaaday Magaalada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug halkaas oo in mudo ah uu ka socday dagaal culus oo ay ka qayb galeen dadka shacabka ah ee reer Bacaadweyn kuwaa oo jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyaadka soo weerar tagey.

Maleeshiyadaka Al-shabaab oo aroornimadii hore ee saakay weerar ku soo qaaday magaalada ayaa dagaal adag kala kulmey dadka deegaanka Bacaadweyn iyo ciidanka xoogga dalka oo halkaas saldhig kuleh, mudo dhowr saacadood ah oo dagaalku socday ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay qasaare xoogan oo gaaray maleeshiyada Al-shabaab, iyagoo goobta kaga cararay meydadka in ka badan 20 maleeshiyaad ah iyo 10 dhaawac ah.

Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale gacanta ku haya maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo ay kujiraan horjoogayaashii dagaalka hoggaaminayay, i oo nolosha lagu qabtay waxaana jira hub fara-badan oo Al-shabaab lagaga qabsaday dagaalka sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21-aad oo agaasi ku sugan oo lahadlay Warbaahinta warbaahinta qaranka.

Shirka wada-tashiga guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka oo magaalada Baydhabo ka socda+(SAWIRRO).

0

Waxaa Maalintii Afaraad ka socda Magaalada Baydhabo ka Shirweynaha wadatashiga guddoomiyeyaasha gobollada Iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa looga hadlay Baahiyaha Ka jira deegannada Koonfur Galbeed iyo Mashaaricda hor marineed,  sidokale waxyaabaha uga qabsoomay howlaha ay bulshada u haayaan, ayadoona su’aallo lagu weydiinayo wasiiradda wasaaradaha  dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

waxaana manta kasoo qeyb galay  wasiiradda wasaradaha Caafimaadka, Haweenka , Tamarta , Howlaha Guud , Gargaarka iyo musiibooyinka iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Yaa ku guuleysan doono koobka tartanka kubadda cagta Degmooyinka gobolka banaadir?

0

Galabta waxaa la filayaa inay garoonka Eng.yariisoow ay isku wajahaan ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka banaadir oo ay isagu soo hareen kooxaha degmooyinka deriska ah ee Cabdi casiis iyo Shangaani.

Galabta waxaa la filayaa in garoonka ay soo buuxdhaafiyaan taageerayaal farabadan maadaama  garoonka uu taageerayaasha labada kooxda usahlanyahay imaatinka.

Hadii aan ku horeyna kooxda kubadda cagta Cabdicasiis waxa ay wareega afar dhamaadka ee ciyaarta kama dambeysta lagu yimaada uga soo adkaatay kooxda degmada Xamar Jajab oo ay ku kala baxeen rigoorayaal 3-I oo ay ku adkaatay kooxda Cabdicasiis.

Kooxda kubadda cagta ee degmada Shingaani  ayaa usoo baxday  fiinaalka  tartanka kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir 2020  kadib Markii ay rigoorayaal uga badisay   kooxda kubadda cagta degmada Dharkeynley.

Ciyaartaan ayaa waxa xiiso uyeelayo maadaama uu ka dhaxeeyo xilfaatan adag waxaana la filayaa inay ka qeyb-galaan masuuliyiin ka tirsan gobolka banaadir dowladda federaalka iyo bahda ciyaaraha dalka.

Furitaanka tartanka Kubadda cagta Dowlad goboleedyada iyo Gobolada Banaadir oo la shaaciyay.

0

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay xilliga uu furmayo tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedka iyo gobolka banaadir kuwaasi haatan dhammaan lixda kooxaad ay ku sugan yihiin caasimada ee magaalada muqdisho.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dowladda Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cali oo ka hadlay furitaanka isku aad tartanka kooxaha kubaadda cagta dowlad goboleedka iyo gobolka banaadir banaadir ayaa sheegay in shan iyo tobanka bisha soo socota uu bilaaban doono tartanka sida la qorsheeyay.

Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cali ayaa sidoo kale in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah ay siineyso ciyaaraha dalka si ko loogu qaado is dhaxgalka iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Isku aadka Tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee #2020-ka ayaa loo kala qeybiyay labo guruub.

Guruubka koowaad waxaa isagu soo baxay kooxaha gobolka Banaadir,Galmudug iyo Hirshabeelle,halka guruubka labaad ay isku aadeen kooxaha Punland,Koofur galbeed iyo Jubaland.

Tartankii ugu dambeeyay ee dowlad goboleedyada iyo gobolka banaadir ayaa waxaa ku guuleysay kooxda kubadda cagta ee jubaland iyadoo ka guuleysatay kooxda kubadda cagta ee Punland.

Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada ayaa ku dhawaaqday in 15 bisha December uu bilaabanayo Tartanka kubadda cagta D/goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Isku aadka Tartanka Ciyaaraha Gobolada iyo Gobolka Banaadir oo lagu sameeyay Muqdisho.

0

Masuuliyiin ka tirsan dowladda , madaxda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya , Xubno ka socday maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir iyo bahda sportiga ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu sameenayay Isku aadka Tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo mudooyinkan aad loo wada sugayey.

Qoryatuurka tartanka oo ay sameeyeyn qaar kamida halyeeyadii hore ee kubadda cagta ee dalka ayaa wuxuu nasiibku isku beeqaamiyay tiimam isku heelanaa iyo kuwa kale oo kala gambanayey.

Tartanka oo sanadle ah ayaa waxaa 6-da team ee ka qeyb galaya loo kala saray  2 Horin oo kala ah Qeybta A:   oo ay ku jiraan  Banaadir, Galmudug iyo Hirshabelle.  iyo qeybta  B:  oo ay ku madalsanyihiin Putland, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, taas oo ka dhigan in baratanka tartanku uu yahay mid culus.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir Basma Caamir Ajakeeti ayaa xustay in ka maamul ahaan ay farxad u tahay In sanadkii sedexaad ay marti geliyaan tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carab Ayaa sheegay inay u taganyiniin horumarinta iyo dhiirigelinta dhalinyrada Soomaaliyeed ee jecel sportiga.

Wasiiru- dowlaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xaaji Ibraahim Cali ayaa sheegay In ka wasaarad ahaan ay gacan ka geysan doonaan dhiirigelinta iyo horumarinta ciyaaraha qeybahooda kala duwan.

Tartanka oo sanadkan u furan in lagu ciyaaro seddex garoon ee kala ah, Inineer Yariisow Stadiom , Stadiom Muqdisho iyo garoonka Jaamacadaha ayaa la filayaa in daaha laga rugo bartamaha bisha December ee dhamaadka sanadkan.

Ciidamada Kumaandooska Xoogga dalka oo jab wayn u gaystay maleeshiyada argagixisada.

0

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka oo Maleeshiyaad Ka tirsan,Al-Ashabaab Ku dilay gobolka Shabeelada hoose, Kadib howlgal qorshaysan oo ay ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gor-gor ka fuliyeen deegaanka Ceel Maracadde ee gobolka shabeelada hoose.

Ciidamada ayaa Dilay maleeshiyaadkan ka tirsan argagixisada Al-shabaab, waxay sidoo kale halkaasi ku bur-buriyeen goobtii argagixisada shacabka soomaaliyeed uga qaadi jireen lacagaha baadda ah.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa intii ay howlgalka qorshaysan ku gudajireen waxay gabi ahaanba bur-buriyeen goobaha maleeshiyaadka Al-shabaab gabbaad u ahaa oo ay ka mid ahayd meel maxkamad beenaad u ahayd iyo xaruntii uruurinta lacagaha baadda ee shacabka ayka qaadijireen.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gor-gor waxay argagixisada ka dileen 17-maleeshiyaad ah iyo 6 dhaawac ah sida uu ku soo waramay Wariyaha Idaacadda ciidamada Qalabka Sida  Maxamed Cabdulaahi Shilaawe oo howlgalka goob joog ka ahaa.

Deegaanka Mara-cadde waa deegaan u dhexeeya dhulka Carro madowga ah iyo dhanka xeebta ee dagmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobolka shabeelada hoose.

(DAAWO) BARNAAMIJKA MADASHA DHALINYARADA ©SNTV // 30.11.2020.

Halkan ka Daawo Barnaamijka Madasha Dhalinyarada SNTV.

Isbitaalka Magaalada Mekelle ee dalka Itoobiya oo daawooyinka ay ka sii dhamaanayaan Xilli dad faro badan oo dhaawac la keenayo wali.

0

Isbitaalka ugu weyn magaalada Mekelle ee xarunta ismaamulka Tigray  ee dalka itoobiya ayaa waxaa gabaabsi ka ah daawooyinka iyada isbitaalka  la keenay dhaawacyo badan.

Isbitaalkan oo lagu magacaabo Ayder ayaa joojiyay adeegyada kale caafimaad waxaana shaqaalaha iyo daawooyinka haray la isugu geeyay qeybta deg dega halkaas oo dhaawacyo badan la keenayo.

Madaxa ICRC ee dalka itoobiya  Maria Soledad,oo booqatay isbitaalka ayaa sheegtay In daawooyinka ay ka mid yihiin antibiotics, anticoagulants, xanuun baabi’iyaha iyo gloves ama gacmi gashiga ay sii yaraanayaan.

Sadax isbuuc oo ay Mekelle go,doon ahayd islamarkaana ay dagaalo ka socdeen waqooyiga itoobiya ayaa sababay in isbitaalka daawooyinkii gaari waayaan.

Gaadiidka gurmadka ayaa dhaawacyo badan ka keenaya deegaanada ku xeeran magaalada Mekelle.