Home Blog Page 718

Tartamayaasha Degmada Jilib oo caawa u gudbay wareegga 4aad ee tartanka “SAWIRRO”

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 23aad ee wareegga Saddexaad ku tartamay Degmooyinka Jilib Vs Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee  Jilib Vs Kaaraan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Jilib

Tartameyaasha Degmada Beladweyne Gobolka Jubbada Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Kaaraan

Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddax su’aal, waxa ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Kaaraan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaaraan waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 23aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 4aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Jilib  ee gobolka Jubbada Dhexe, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 24aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Kismaayo iyo Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magalaada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud   Maxamed (Cumar filish) ayaa la kulmay Madaxweynihii  hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyagoo kawada hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga caasimadda iyo qaboojinta xasaradaha ka soo cusbooday arrimaha doorashooyinka Dalka.

 

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Maamulka sare ee hay’adda tayo dhowrka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo uu wehelinayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa maanta kulan hawleed shaqo la qaatay mas’uuliyiinta iyo Golaha cusub ee Maamulka sare ee dhawaan loo soo magacaabay hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka kala socday Wasaaradaha dalka.

Kulanka oo ahaa mid Wasiirku ku dar-dar-gelinayey hawlaha shaqo ee hay’adda, ayaa waxa goob-joog ka ahaa oo war-bixinno laga dhagaystay Maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Aadan Xasan Barre (Aadan Cadde) iyo Maareeye ku-xigeenka hay’addaasi Mudane Caydaruus   Macalin Xasan. Waxaa kale oo kulanka looga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa hal-beegyada tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo dhawaan la daah-furay, kuwaasi oo ahmiyad weyn u leh ilaalinta tayada badeecadaha iyo ilaalinta bad-qabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adaba.

Wasiirku, wuxu si gaar ah u soo dhaweeyey Golaha Maamulka sare ee hay’adda oo kala matelayey Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha kala duwan ee heer Federaal, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada fiican ee ay qabteen muddadii ay joogeen xafiiska siddoo kalena looga baahan yahay inay kor u sii qaadaan dedaalkooda iyo siddii hay’addani ay ugu guulaysan lahayd ilaalinta tayada badeecadaha laga dhoofiyo wadanka, kuwa laga soo dejiyo iyo waxyaabaha lagu isticmaalo gudaha dalka.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cabdiwahaab u magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Mudanaha la magcaabay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareego xilkiisa, una dar dargeliyo howlaha Xukuumadda horyaalla.

 

 

Guddiga madaxa Banaan ee la dagaallanka musuq maasuqa oo guddoon cusub doortay “SAWIRRO

0

Guddiga madaxa banaan ee ladagaallanka Musuq maasuqa ee dhawaan lagu dhaariyay madaxtooyada dalka ayaa maanta  magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee  la dagaalanka musuq maasuqa, iyadoo doorashadii dhacday ay ku guuleysteen Maxamed Xuseen Xaamud oo loo dortay guddoomiyaha guddiga halka ku xigeenka loo doortay Dr Xasan Khaliif Xasan.

Munaasabadda lagu dooranayay guddoonka waxaana goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Aqalka sare  iyo Golaha shacabka Safiirka Soomaaliya ee Djibouti iyo mudanayaal kale.

Xildhibaannadi ka qeybgalay doorashada ayaa boggaadiyay sida xorta ah ee guddiga uu u doortay madaxda hoggaamin laheyd shanta sano ee soosocota.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Djibouti ayaa tilmaamay in guddigaan uu noqon doono midki soo afjari lahaa musuq maasuqa dalkeenna dhibaatada ku haya.

Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud iyo ku xigeenkiisa ayaa u mahadceliyay xubnihii siiyay codka kalsoonida,  iyagoo sheegay in guddigaan uu baa bi’in doono musuq maasuqa hareeyay dalkeenna, shaqadooduna ay si deg deg ah ku billaabayaan.

 

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddi ka soo tala bixiya xal ka gaarsita qalalaasihii ka dhacay Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka soo tala bixiya xalka gaarista qalalaasahii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Xafiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in iyadoo laga jawaabayo go’ankii uu Madaxweynaha uu Ra’iisul Wasaaraha ugu wareejiyay howlaha doorashada iyo Amniga guddigaan la magacaabay.

Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa waxaa guddoonmiye u ah Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Magacyada Guddiga la magacabay

  1. Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale Guddoomioye
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax            Xubin
  3. Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji                Xubin
  4. Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble                             Xubin
  5. Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed                 Xubin
  6. Wasiir ku Xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaalla) Xubin
  7. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Xubin
  8. Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas dhageey)                      Xubin
  9. Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer)                       Xubin
  10. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur                                 Xubin
  11. Xildhibaan Mahad Maxamed Salad                                     Xubin
  12. Xildhibaan Cabdixakiin Macalim Axmad                             Xubin

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa uga warbixiyey Safiirka guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska ciidammada, adkeynta dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Dhankiisa, Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay  adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam, waxa uuna muujiyey ahmiyadda ay leedahay dhowrista madax bannaanida dal walba.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi, daris wanaag iyo wax-wada-qabsi, iyada oo xoogga la saarayo in kor loo qaado heerka nololeed iyo dhaqaale ee shucuubta Geeska Afrika.

Akhriso isku aadka wareegga saddexaad ilaa iyo finalka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka degmooyinka gobollada dalka ee u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, waxaana sidoo kale isku aadka ku dhex jira ilaa iyo dhamaadka tartanka.

 

Tartamayaasha Degmada Beladweyne oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 22aad ee wareegga Labaad kulankiisa ugu dambeeyay ku tartamay Degmooyinka Beladweyne Vs Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee  Beladweyne Vs Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Beladweyne

Tartameyaasha Degmada Beladweyne Gobolka Hiiraan waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Aafar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Beladweyne ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxa ay iska qaldeen Shan su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Xamar Jajab, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay Afar (04) dhibcood.

Hadaba kulankii 22aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Beladweyne ee gobolka Hiiraan, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 23aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, isla markaana ah kulanka ugu horeeya ee wareegga 3aad waxaa ku tartami doona degmooyinka Kaaraan iyo Jilib oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Dhexe.

Police arrested suspects on the killing of young siblings in Baidoa

Somali police forces issued an statement on the tragic incident in Baidoa where security forces found the bodies of two young siblings in outskirts of the town on Thursday morning .

Police say suspects have been arrested in connection with the killings of the two siblings, in statement released on Thursday afternoon.

The police statement doesn’t mention the number of suspects but says investigation is underway.

The victims are the children of former lawmaker Aweys Abdullah.

The people of the town, shocked by this heinous act, gather at family’s home to comfort them at this difficulty time