Ardayda dugsigga daarul-xanaan Qardho oo Cumputure cusub loogu deeqay

Date:

Hay’adda Afrika ee horumarinta oo ah mid ay ku midaysan-yihiin dhalinyaro soomaaliyeed oo samafalayaal ah, mudana ka shaqayneysay arrimaha bulshada iyo garab istaaga dadka danyarta ah, ayaa deeq dhan 10 Cupmuture waxay soo gaarsiiyay dugsiga daarul-xanaan ee Qardho.

agabkaan ayaa ardayda ka caawin-doona sidii ay ugu fududaan lahayd waxbarashadu, si gaar ah barashada maadada cumputue-ka oo ay dhibaato xoog leh ku qabeen, ardayda ayaana isla saaka si joogta xiisadahooda loogu bilaabay.

munaasabad kooban oo agabkaan lagu wareejinayay ayaa waxaa ka qayb-gallay maamulka degmada Qardho, kan gobolka karkaar, bahda waxbaarshada, mamaulka iskuulka iyo madaxda hay’ada Horumarinta ee Afrik.

ugu horayn sheekh ciise Maxamed Cali ayaa madasha ka hadlay, waxa uu sharaxay in agabkaan lagu soo iibiyay isku-tashi iyo deeq ay iska aruuriyeen xubnaha ka tirsan hay’ada sidoo kale waxa uu ka waramay shaqooyinka kale ee hay’adu ay qabatay.

Madaxa dugsigga daarul-xanaan oo ah dugsi ay wax ku bartaan caruurta agoonta ah, sheekh Cabdiqaadir Yaasiin oo mudo dheer gacanta kusoo hayay, soo saaray jiilal badan ayaa u mahad-naqay hay’ada iyo dhalinyarada ku midaysan waxa uuna sheegay in ay xilli ay u baahnaayeen ay u keeneen.

Guddoomiyaha degmada Qardho Maxamed Buraale Seed, Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Karkaar Bashiir Axmed Gaaleri iyo Guddoomiyaha Gobolka karkaar ayaa dhankooda hadlay, waxay una mahad-naqeen dhamaan cidii kusoo tabarucday agabkaan, si la mid ah qurba-joogta iyo ganacsatada ayay ugu baaqeen in la xoojiyo garab istaaga dugsigaaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...