Home Blog Page 719

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay ka hortagga Askareynta carruurta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen  oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Gaashaandhigga Axmed Cabdi Kooshin ayaa kulan ku saabsanaa dardargalinta howlaha shaqo ee xafiiska ka hortagga askareynta carruurta ee Wasaaradda Gaashaandhigga la qaatay howlwadeennada xafiiskaas oo uu wehliyo Agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Maxamuud Cali Axmed Fanax.

Mas’uuliyiintu waxay si qota dheer u falan-qeeyeen qorshe howleedka CPU ee 2021-2022, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo howlaha hortabinta leh ee horyaalla Wasaaradda .

 

Goobo Argagixisadu ku dhumaaleysanayeen oo la bur-buray “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgalo Burburin ah Ka sameeyey degaanka Mubaarak ee Gobalka Shabeellaha Hoose .

Hawlgalkaan  oo u jeedkiisu ahaa Burburinta goobaha ay Nabadiidku ka dhigtaan gabaadka . Sidoo kale waxa ay guri-guri  u bareen guryihii ku yaalay degaanka Mubaarak.

Intii lagu gudo jiray baritaanka Ciidanku waxa ku gulaysteen in ay burburiyaan goob ay nabadiidku ku farsamayn jireen walxaha qarxa iyo goob ay ku kaydin jireen dawooyinka.

Dhinaca kale Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan  maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumalaysanayey degaanka oo uu kamid ahaa horjoogihii Maaliyadda ee degaanka Mubarak u qaabilsanaa Argagixisada horjoogahaas oo lagu magacaabo  Abuu Salmaan .

Sida ay Idaacadda Ciidamadda Qalabka  u sheegeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee hogaaminayo howlgalka .

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo lagu baacsanayo nabadiidka Al-Shabaab oo wali ka sii soconaya Gobalka Shabeellaha Hoose.

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga, Abaaraha iyo saameynta Safmarka COVID-19 “SAWIRRO”

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay amniga, abaaraha iyo saameynta Caafimaad ee dalka uu ku yeeshay Safmarka COVID-19.

Golaha Wasiirada ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in xiligan loo diyaar garoobayo bisha barakaysan ee Ramadaan ay jiraan feejignaan dhinaca amniga ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha warbixin ka siisay xaaladihii u danbeeyey ee safmarka COVID-19 uu ku yeeshay dalka, waxayna sheegtay in guud ahaan dalka ay ka soconayaan dadaalada lagu badbaadinayo nafta dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Ganacsatada Soomaaliyeed in qiimaha maciishada hoos loo dhigo bisha Ramadaan, isla markaana bulshadu is caawiso, bacdamaa uu dalka saameyn dhaqaale ku yeeshay Safmarka jira.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu danbeyn warbixin ka dhageystay Guddiga abaaraha oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay abaarihii ku dhuftay qaar kamid ah deegaannada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxuna goluhu ansixiyay xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka oo soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Taliska Booliska oo sheegay in dad loo soo qabtay falkii foosha xumaa ee saaka ka dhacay Baydhabo

War qoraal ah oo ay soo saareen taliska booliska ayaa lagu sheegay in falkii lagu gowracay labo carruur ah oo walaalo ah loo soo qabtay dad lagu tuhmayo, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah, isla markaana cadaaladda la horgeyn doono haddii ay ku cadaato falkaasi.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska booliska ayaa sidan u qornaa:-

Shalay 07th-Apr-2021, ayaa Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, lagu soo wargeliyay in la waayay 2 carruur ah oo deganaa Xaafadda Cadaada ee magaalada Baydhabo, carruurtaas oo lagu kala magacaabi jiray :-

1- Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdullaahi &

2- Aamina Sheek Aweys Cabdullaahi.

Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Booliska ayaa sababtay in la geliyo diiwaanka, baafinta Booliska iyo idaacadaha magaalada Baydhabo.

Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boolisku ka warheleen in meydka carruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafadda Suuqa-Xoolaha ee magaalada Baydhaba.

Haddaba, waxaa socota baaris qoto-dheer oo ay wadaan Ciidanka Booliska, iyadoo dad lagu tuhmay loo soo xiray arrintaan, walow ay baaristu weli socoto, ciddii ay ku cadaatana Garsoorka awoodda u leh lawaafajin doono.

Waxaan uga tacsiyeeyneynaa, Xildhibaan hore Aweys Sheek Cabdulahi falkaas foosha xun iyo geerida ku timid carruurtiisa, waxaana ilaahay uga rajeynaynaynaa inuu qalbiga u qaboojiyo, Samir iyo iiman ka siiyo, baddal qeyr qabana siiyo.

 

 

Wasiirka Kheyraadka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa maanta xarunta safaaradda kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehemet Yilmaz.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka tamarta iyo maalgashigeeda,

Intii uu kulanka socday waxa ay labada mas’uul isla soo hadal qaadeen sidii loo dar dargelin lahaa wada shaqeynta Wasaaradaha Tamarta ee labada dal.

Members from Somalia’s Army and Police finish mine clearance course in Mogadishu

Somalia’s Deputy Police Commissioner, Brig Gen Osman Kanif, has today officially closed 6 weeks training on mine clearance for Integrated team from Somali National Army and Darwish Police Forces.

The training was conducted by the European Union Training Mission in Somalia.

The participants of the course learnt skills to prevent the risk of explosions and clearing mines and other explosive ordnances.

The Somali government is working hard to eliminate landmines,unexploded ordnances and IEDs in collaboration with UNMAS and other international NGOs.

According to the U.N in 2019, there were 1,140 civilian casualties due to IEDs in Somalia. In 2020, that number dropped to 454. Also, in 2019, there were 59 civilian casualties due to Explosive Remnants of War (ERW) and that number dropped to 53 in 2020.

By: M.M. Dhoore

Somalia ratifies seven ILO Conventions

 

Somali government ratified on Tuesday seven ILO Conventions including on violence and harassment, tripartite consultation, safety and health at work and migration.

Somalia reached a major milestone that will significantly improve the rights and the wellbeing of its workforce,I had the privilege of ensuring the submission of 7 ratified ILO conventions – historic moment for our nation, said Labor Minister Duran Farah.

The Minister also stressed that Federal Government of Somalia has faith in and respect for the international labor standards.

Guy Ryder,Director General of ILO welcomed Somalia’s ratification of seven ILO Conventions . Ryder said ,this welcome move shows Somalia’s commitment to promoting peace and a resilient recovery through decent work.

M.M Dhoore

Dowladda oo bilowday dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar “SAWIRRO”

0

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday dhismaha Waddada  isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kaasi oo dib u dhis casri ah lagu sameynayo, isla markaana la saarayo laami.

Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ay ugu jirto dib u habeynta iyo casriyeynta waddooyinka ka baxa caasimadda.

Ciidamada sida gaarka ha u tababaran ee Haramcad ayaa sugaya amniga waddada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.

 

 

Shirweynaha Waxbarashada Gobolka Banaadir oo la daah furay “SAWIRRO”

0

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ahna Guddoomiyaha maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Cabduqaadir Maxamed Maxamud “Caanoboore” ayaa maanta daah furay shirweynaha Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Shirka waxa uu socon doonaa muddo labo cisho ah, kaasi oo looga haldayo arrimaha Waxbarashada, ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan iyo bahda waxbarashada.

La xisaabtanka hannaanka Maaliyadeed ee Barlamaannada dalka oo laga hadlay “Dhageyso”

Dooddaan oo ay ka qeybgaleen Xildhibaanno ka kala socday Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa la xisaabtanka hey’adaha fulinta ee hannaanka Maaliyadda, iyadoo la raacayo shuruucda u deggan, sidoo kale waxaa lagu dhiirogeliyey dabagalka madaxa bannaan ee xafiiska Hanti dhowraha guud ee Qaranka.

Lifaaqa hoose ka ka dhageyso Barnaamijka oo dhammeystiran