Home Blog Page 719

Wasiirka Howlaha guud JFS Mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa shirka todobaadlaha la yeeshay Madaxda Qeybaha kala duwan ee Wasaaradda+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Xil Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) oo uu wehlinayo Wasiir kuxigeen Wasaaradda Mudane Cabdinaasir Xuseen Geedi ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Wasaaradda.

Shirka oo ka qayb galay Agaasimaha Guud iyo dhamman Agaasime Waaxeedyada kala duwan ee Wasaaradda ayaa waxaa lagu falanqeeyey qodobada kala.

Dhagaysiga Warbixinta safarki shaqo Ee uu hogaaminaayay Ra’isulwasaaraha JFS Wasiirkuna uu ka mid ahaa ee lagu tagay Magaalada Baydhabo Xarunta KMG Koonfur Galbeed.

Dhagaysiga Warbixinta Mashruuca SSIWP ee UNPOS oo laga dhegaystay Agaasimaha Mashaariicda Iyo dhagaysiga Warbixin laxiriirta qiimayn dhisme oo Wasaaradda Hawlaha guud ay kusamaysay dhismayaal dawladeed oo dhowr ah.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Xil Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa shirka Warbixin kasiiyey safarkii shaqo ee uu dhowaan kutagay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Maamulka KGS waxa uu sheegay in safarkaas oo uu hogaaminaayay Ra’isulwasaaraha uu kusoo idlaaday si guul ah.

Shirka Todobaadlaha ee Wasaaradda ayaa ah mid lagu gorfeeyo isla markaana lagu dar-dargaliyo shaqada Wasaaradda, kaasoo ay isugu yimaadaan Wasiiradda, Agaasimaha Guud & Dhammaan Agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

(DAAWO) SAWIRRO: Dabaal dega Sanad guurada 69-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Radio Muqdisho.

0

Radio Muqdisho oo dhidibada loo taagay Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon. Waxa ay eheed raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha Af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad Waxaana  ka fac weyn Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Munasabada sanad guurada idaacada waxaa ka qeybgalay wasiiro, iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka dalka .

Masuuliyiinta ka qeyb-galay munaasabadda ayaa si wadajira u daadihiyay Barnaamijka madasha dhalinyarada oo si maalin la ah uga baxa Idaacada Radio Muqdisho iyagoo dhageeystay arragtida bulshada oo barnaamijka uga qeyb-galayay qadadka taleefanada.

Agaasimaha Idaacada Yaxaye Cali Farax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska  Cabdinaasir Xuseen ayaa ka hadlay taariikhda idaacada iyo marxaladiihii kala duwana ay ku shaqeeyeen.

Wasiirka wasaaradda dastuurka xukumadda federaalka Soomaaliya Salah Axmed jaamac ayaa bogaadiyay shaqada ka socda radio Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiska xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Dubbe ayaa u bogaadin iyo hambalyo u diray shaqaalaha idaacada.

Idaacada radio muqisho waxa ay soo saartay Wariyaal iyo fanaaniin magac weyn ku leh bulshada kuwaasi oo bulshadu xiligii barisamaadka ay ka dhageeysan jireen.

Wasiirka Qorsheynta XFS iyo Hant-dhowrka guud ee qaranka oo kawadahadlay Mashaariicda dalka+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Jamaal Xassan ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Hanti-dhowrka Guud Qaranka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Afgoye.

Hanti-dhowrka Guud Ee Qaranka ayaa sharaxaad laga siiyay Nidaamka maareynta deeqaha caalamiga ah (Somali Aid Information Management System), Sidoo kale hanaanka Kormeerka iyo Qiimeynta loogu sameeyo Mashaariicada ka socda Dalka oo dhan.

Ugu dambeyn Hanti-dhowrka ayaa bogaadiyay daddaalada baaxada leh ay wado Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Sidoo kale Wasiir Jamaal ayaa u Ifiyay hanti-dhowrka in ka Wasaaradda ahaan ay la shaqeyn doonan macluumadka la xariira deeqaha sida loo qeybo meelaha ay ka socdan iyo waqti Mashruuca ku egyahay.

Wasiir Jamaal Waxaa kullanka ku wehliyay qaar ka mid ah Agaaasimi waayaha iyo madax qeybad.
-DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta & Xariirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarimta Dhaqaalaha XFS.

Wasaaradda shaqada XFS oo daah-furtay mashruuc taageeraya Haweenka heysta ganacsiga yar-yar oo uu sameeyay COVID-19+(SAWIRRO).

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahra Xaaji Xuseen ayaa maanta daah-furtay mashruuc taageeraya Haweenka heysta ganacsiga yar-yar oo uu sameeyay COVID-19 ee magaalada Muqdisho, iyada oo lagu siinayo kaalmo ku saleysan lacag caddaan ah iyo taageerid awood dhisid.

Cudurka saameeyay dunida oo dhan ee COVID-19 ayaa wuxuu saameen ku yeeshay Haweenka Soomaaliyeed oo nolashooda ku maareen jiray ganacsiyada yar-yar , wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa waxay ku taageertay deeq la caged oo cadaan ah.

Madaxweyne Deni oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD+(SAWIRRO)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD, wafdigaasi oo uu hoggaaminayo  ku-xigeenka wakiilka qaramada midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la wadaagay wafdigan arragtida Puntland ee ku aadan in dalku ka gudbo marxaladda uu hadda marayo si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda taasi oo lagu wada qanacsanyahay.

“Wuxuu ahaa kulan wakhti fiican qaatay, Puntland waxay la wadaagtay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro , sidii loo heli lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata.

Dabcan howlo badan baa lasoo qabtay muddadii u danbeysay, heshiiskii 17-kii bisha 9-aad lagu galay muqdisho madaxda dowladda federaalka ah iyo madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ay kuwada galeen, Baarlamaanka labadiisa Aqal ansixiyeen iyo kii u danbeeyay ee ku saabsana habraacyo loogu talagalay in lagu fududeeyo in doorashadaasi ku dhacdo.

Weli waxaa dhiman sidii howshaasi loo maamulihi lahaa oo dhinaca doorashada iyo guddiyadoodii oo hadda gacanta lagu hayo, waxyaabo badan oo u baahan in la saxo ay ku jiraan, laakiin wadahadalo iyo shaqaa ka socota, waxaan rajeynayaa doorasho wakhtigeeda dhacda oo kalsooni lagu wada qabo oo dhammaan dhinacyada daneynaya doorashooyinkana ay ku qanacsayihiin, wixii tabasho oo ka jira qodobada qaarkoodna waxaan rajeynaya in laga wada gudbi doono, Puntland-na marwalba kaalinta ay ku leedahay dowladd dhiska Soomaaliya ay qaadan doonto, arragtiyaha xalka lagu heli karona waxaan la wadaagnay madaxda maanta nasoo booqatay waxaan rajeynayaa inta dhimana in wakhtigeeda ay munaasabka ku tahay aan ka hadli doono.

Aad baan uga mahadcelinaya in ay wafdigan noo yimaadaan waxaan rajeynayaa qodobadii aan ka wada hadalnay oo dhan inay ahaadaan qodobo dhaxal-gal noqon doona, oo wax ka tari doona deganaashaha dalka iyo horu-socodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxaana u rajeynaya mushtamaca Soomaaliyeed marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen inay uga ambabixi doonaan marxalad deganaasho iyo nabadgelyo ay ku dheehantahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Wafdigan ayaa ka kooban Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya  Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Jamal Ahmed Ibraahim.

Kulanka Madaxweynuhu la qaatay wafdigan waxaa ku weheliyey wasiirka Qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah  Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha diinta iyo dastuurka Mudane Dr. Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid.

Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo u dabbaal degaya sanad guuradii 69-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.

0

Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon ayaa uu hawada soo galay Radio Muqdisho. Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba,Waxaana  ka fac weyn Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Sanadihii ka sii dambeeyay ee ay dowladnimadu sii wiiqantay, wali Radio Muqdisho hawada ayuu ku jiray, hadba geed ayuu soo harsaday, hadbana duruuf ayuu ku jiray. Waxaase hubaal ah in uu mar walba kaga duwanaa idaacadihii kale ee dalka ka jiray in uu yahay dhaxal Soomaaliyeed oo fac weyn, kaas oo waxa ka baxaya ee suugaan iyo  taariikhba leh ay dadka Soomaaliyeed xusuusinayeen taariikh dheer oo la soo maray iyo dhaxal ay iyagu leeyihiin.

Mudadii uu jiray ilaa Saddex Magac ayaa loo yaqaanay, Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku waas oo la socday marxaladihii uu dalku soo maray .

Radio Muqdisho…Codka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Soomaaliya, Radio Muqdisho..Codka Shacabka iyo Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya.. Intaas oo magac iyo hal ku dhag waxaa loola jeedaa Radio Muqdisho.

Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa u dabbaal degaya sanad guuradii 69-aad ee na soo wareegtay markii dhidibada oo taagay , tan iyo xilligaas ilaa iyo maanta waxaa uu u taaganyahay soo gudbinta warar iyo Barnaamijyo ku qotama dhacdooyinka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

UNHCR:Gurmad Xooggan ayay ubaahanyihiin qaxootiga Itoobiya ee Sudan ku sugan.

0

Hay’addaha gargaarka ee qaramada midoobe ayaa dalbaday 147 malyuun oo dollar si loo caawiyo qaxootiga itoobiya ee ku sugan dalka Sudan.

Filippo Grandi oo ah madaxa hay’adda UNHCR ayaa sheegay in dad kor dhaafaya 43,000 oo qof kuwaas oo ka soo cararay waqooyiga itoobiya ay iminka Sudan ku sugan yihiin.

Mr Filippo oo shalay booqday bariga Sudan oo ay qaxootigi degan yihiin ayaa sheegay in dadku ay u baahanyihiin  waxyaabaha daruuriga ah sida biyo , cunto iyo hooy.

Wuxuu sheegay in uu soo arkay caruur iyo dumar aad u itaal daran.

Inkastoo ciidanka itoobiya qabsadeen magaalada Mekelle ee waqooyiga itoobiya hadana waxaa saakay wali jiray qul qulka dadka colaada ka baxsanaya ee Sudan gaaraya.

Madaxweynaha Itoobiya oo Maanta lagu soo dhaweeyay Dalka Jabuuti+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Shale-Work Zewde ayaa maanta gaartay dalka Jabuuti halkaas oo ay uga bilaabatay booqosho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay ra’isulwasaaraha Jabuuti Abdoulkader Kami iyo wasiirka arimaha dibadda Jabuuti Mahmoud Ali Youssouf.

Xubno ka socday IGAD iyo safiirka itoobiya ee dalka Jabuuti ayaa sidoo kale soo dhaweynta qeyb ka ahaa .

Shale-Work Zewde ayaa la Kulmi doonta madaxweynaha Jabuuti ismaaciil cumar geele

Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya

Sidoo kale waxaa ay uga warbixin doontaa madaxweynaha jabuuti xaaladahii ugu danbeeyay ee colaada iyoobiya .

Jabbuuti waa marinka ugu weyn ee shixnadaha ay uga yimaadaan dalka aan badda laheyn ee itoobiya.

Wasaaradda waxbarashada XFS oo heshiis 57,000 oo arday lagu siinayo waxbarasho lacag la’aan ah la yeelatay sanduuqa maalgelinta Qatar+(SAWIRRO).

0

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa maanta aaladda fogaan aragga Zoom-ka uga qeyb galay shir heer caalami ah oo loo qabtay shaacinta heshiis dhexmaray wasaaradda waxbarashada,sanduuqa maalgelinta dowladda Qatar iyo mu’asasada Education Above All.

Heshiiskaan ayaa loogu talagalay in arday ka badan 57,000 (Konton iyo todobo kun) oo aan awoodin inay waxbarasho aadaan lagu taakuleeyo.

Shirka ayaa waxaa wasiirka ku wehlinayay agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane, Ismaciil Yuusuf Cismaan.

Shacabka magaalada Muqdisho oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga waddooyinka caasimadda+(SAWIRRO).

0

Wadooyinka Magaalada Muqdisho waxaa ka jira Jaam iyo ciriiri fara badan Waxaana Saameynta Ugu Weyn Ku Yeelatay Isu Socodka Dadka iyo Gaadiidka Noocyadiisa Kala Duwan, ganacsatada ,ardayda,shaqaalaha usoo kallaha shaqadooda iyo bulshada ku Nool Gobolka Banaadir iyo gobolada ku teedsan.

Ciriirigan Ka Jira Wadooyinka ayaa sabab u ah wadooyinka magaalada oo aad u yar cabir ahaan, gaadiidka oo aad ugu soo badanaya magaalada, gaadiidka xamuulka ah oo ee ka soo rarta dekedda oo isku xira wadooyinka

qaar ka mid ah gaadiidleyda iyo iyo ganacsatada ayaa ka hadlay saameynta ay ku yeelatay howlaha iyo shaqooyinkooda, waxaynta tilmaameen in dhibaato xoogan ay kala kulmaan xilliyada cariiriga ee Wadooyinka.

Mudooyinka ayaa Waxaa Soo Badanayay Ciriiriga Iyo Jaamka faraha Badan ee ka Jira Wadooyinka Magaalada Muqdisho Iyadoo Dowladda Soomaaliya ay Waddo dadaalo ay ku fureyso wadooyinka dhagxaanta ay ku xiran ee magaalada.