Home Blog Page 709

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si rasmi ah ufuray madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa lagu wadaa ayaa daqiiqado ka hor xarunta xalane ka furay madashada iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyay furitaanta shirka ayaa ka hadlay arrima badan oo ay ka mid yihiin la daagalanka argagixisada ,Amniga iyo doorashooyinka.

Shirka waxaa ku sugan sidoo kale Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) wasiiro iyo xilidhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) qaar ka mid safiirada beesha caalamka ufadhiya Soomaaliya.

Ergaryga gaar ah ee qaramada midoobay uqaabilsan Soomaaliya James Swan sidoo kale khudbad dhinac Zoomka ah uga soo qeyb-galay

hada waxaa socota khudbada madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni oo magaalada Garowwe uga jira aalada fogaan arrga ee Zoomka,waxaana sidoo kale qorshahun yahay inay shirka ka hadlaan xubno ka socdo beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya.

Shirka Madasha Iskaashiga ee dhaqaalaha dalka oo goordhaw Muqdisho ka furmayo.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socdo magaalada muqdisho ka furmo Shirka madasha iskaashiga ee Partnership Forum, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Shirka oo ku qabsoomi doono dhinaca Internet-ka ee Aalada Zoomka ayaa waxaa uu ajandihiisu yahay  ka hadlida Arrimaha doorashooyinka, Amniga, sii wadida dib-u-habeynta garsoorka ganacsiga dhaqaalaha, horumarka xagga deynta cafinta laga gaaray iyo  kasoo kabashada duufaan ku dhufatay meel kamid ah dalka.

Shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha beesha caalamka oo ay kamid yihiin Wakiilka QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira.

Sidoo kale Xubnaha dhinaca dowladda ee shirka ka qeyb-galaya ayaa waxaa kamid ah, Ra’iisul Wasaare Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, & Wasiirada, gaashaandhigga, Amniga, Cadaaladda, Dastuurka, Haweenka & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey.

Doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka oo maanta dalka Ghana ka dhaceysa.

0

Shacabka dalka Ghana ee galbeedka afrika dhaca ayaa saakay u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan madaxweyne iyo baarlamaan cusub.

11 musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha kuwaas oo ku dadaalaya in ay codka dadka helaan .

Musharaxiinta ugu cad cad ee hardanka culus uu dhaxmarayo ayaa ah madaxweynaha iminka xafiiska jooga Nana Akufo-Addo iyo madaxweynihii hore ee uu ka guuleystay sanadkii 2016 John Dramani Mahama.

Ghana oo lagu tiriyo dalka ugu wanaagsan galbeedka afrika marka ay timaado dimuqraadiyada waxaa iminka heysta dhibaatooyin badan oo ay tahay in uu wajaho xalkooda qofkii xilka ku guuleysta.

Shaqo la,aanta dhaliyada, amaanka iyo saameynta dhaqaalaha ee Covid-19 ayaa ah waxyaabaha doorashada salka u ah oo musharaxiinta ay dadku ku xulan doonaan qorshaha uga aadan

Wafdi ka socda Masar oo muqdisho kula kulmay wasiirka arimaha dibada.

0

Wafdi ka socda dalka masar oo maanta booqasho ku yimi soomaaliya ayaa la kulmay wasiirka arimaha dibada xukumada federaalka .

Wafdigan oo uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee masar Sherif mohamoud Said ayaa xafiiskiisa kula kulmay wasiirka arimaha dibadda soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka arimaha dibada soomaaliya wuxuu sheegay in wafdiga masar ay ka wada hadleen xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal .

Wasiirka waxaa kaloo uu tilmaamay in masar iyo soomaaliya ay wadaagaan xiriir walaalnimo iyo saaxiibtinimo ku qotomo.

sidoo kale Wasiirka Waxuu Sheegay in uu Rajeynayo xoojinta Xiriirka Dawlada Soomaaliya iyo Masar leeyihiin.

Talaalka karoonaha oo isbitaalada UK loo qeybiyay iyada oo talaadada uu dalkaasi si rasmi ah uga bilaabanayo talaalka.

0

Qeybtii ugu horeysay ee daawada Pfizer/BioNTech oo ah talaalka xanuunka karoonaha ayaa la gaarsiiyay qaar ka mid ah isbitaalada iyo goobaha caafimaadka ee UK.

Ilaa 50 meel oo laga bilaabi doono wajiga koowaad ee talaalka ayaa la geeyay sanduuqyo qaboojiye yaal ah oo talaalka uu ku jiro.

Maalinka talaadada ayaa saraakiisha caafimaadku sheegeen in uu talaalka si rasmi ah u bilaabanayo.

Dadka ugu horeeya ee la talaalayo ayaa ah shaqaalaha caafimaadka , dadka 80 sano ka weyn iyo dadka ku sugan goobaha dadka da,da ah lagu xanaaneeyo.

UK waxay dalbatay talaal ku filan 40 malyuun oo qof waana dalkii ugu horeeyay aduunka ee talaalka karoonaha ansixiya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Hawlaha guud oo gudoomiyay shirka todobaadlaha ah ee wasaaradda+(SAWIRRO).

0

Shirkan oo ay ka qayb galeen agaasimaha guud iyo dhamman agaasime waaxeedyada kala duwan ee wasaaradda ayaa waxaa ajandaha maanta uu ahaa.

Soojeedinta warbixinta qorshahe hawleedka wasaaradda ee 2020-2021 oo uu soo jeediyey agaasimaha qorshayn wasaaradda hawlaha guud c/laahi shiikh Abuukar waxa uu shirka kusoobandhigay jaantus ay ku qoranyahay qorsha Hawleedka wasaaradda sida; mashaariicda, dhismaha waddooyinka, buundooyinka & qiimayn ay wasaaraddu kuwaddo dhismayaasha haayadaha dowladda oo wasaaraddu ay waddo, qaar koodna ay dhammadeen, halka kuwa kalena ay gaba gabo ku dhowyihiin.

Soobandhigsta naqshadda dhismaha cusub ee wasaaradda hawlaha guud oo ay soo jeediyeen agaasimeyaasha dhismaha & dib u dhiska ee wasaaradda.

Warbixin la xiriirta qiimaynta xarunta ay wasaaraddu ay hadda ku shaqayso oo ladoonayo in dib u dayactir lagu sameeyo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda mudane axmed maxamed iimaan ayaa sheegay in uu muhiim u yahay shaqada wasaraadda qorshe hawleedkeedu in looqabto sidii loogu tala galay.

Wasiir cabdinaasir xuseen geedi ayaa soo xiray shirka aya ku ammaanay Agaasimayaasha sida ay u soodiyaariyeen warbixinta qorshahe hawleedka Wasaaradda ee 2020-2021, bandhigga naqshadda dhismaha cusub ee wasaaradda hawlaha guud iyo warbixta dib u dayactirka wasaaradda.

Tan iyo markii ra’isal wasaare rooble u soomagacaabay wasaaradda wasiirada cusub ayaa waxaa aya waxa ay sheegeen inay ka go’antahay dardar-galinta shaqada wasaaradda.

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Shirka Midowga Afrika ee Joojinta Colaadda+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Meertada 14-aad ee aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hirgalay ee dowladdu ay ka qabatay dib u dhiska Ciidamada, dhab u heshiisiinta, adkeynta daris wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha oo shirkan kaga qeyb galay isgaarsiinta Internetka ayaa soo jeediyey in la xoojiyo qorshaha Midowga Afrika ee Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha iyo hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda.

“Guud ahaan qaaradda Afrika khilaafyo badan ayaa la xaliyay, caqabadaha aan xalka loo helin ee nabadda iyo amniga ee Afrika waa kuwo curyaamiyey fursadaha dadkeenna. Markii aan dhigno qoryaha oo si xilkasnimo leh u xallinno khilaafaadka waxaan gaaraynaa horumar waara”.

Sidoo kale, Maaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxda Midowga Afrika guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay ka soo hoynayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, waxaa uuna tilmaamay in ay qeyb ka tahay qorshaha Aamusinta Qoriga iyo xaqiijinta xasilloonida qaaradda.

“Waxaan si buuxda u aaminsanahay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo si wanaagsan u tababaran una qalabaysan ay horseedi karaan amni ay ku diirsadaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka. dalkeenna waxaa saaran cunaqabatayn dhanka hubka ah taas oo caqabad ku ah halgankeenna ku aaddan xoreynta dalka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxda dalalka Afrika sida shacabka Soomaaliyeed ay waayo-arag ugu noqdeen colaadihii sokeeye ee soo maray, dhibaatooyinka aan ka dhaxalnay iyo halgankii soo kabashada dalkeenna.

Shirkan oo uu guddoomiyey Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa ka qeyb galkiisa waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Mudane Cabdisiciid Maxamed Cali.

Ra’iisul wasaare ku” xigeen Mahdi “Waxaan u diyaar u nahay doorasho”.

0

Ra’iisul wasaare ku xigeen Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi ee (Somaliland) oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa ujeedkiisu ahaa taageerada guddiyada doorashada ay xukuumaddu magacowday

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada waqooyi ee ku dhaqan Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Salaadiin, Siyaasiyiin, Musharaxiin, Haween iyo Dhalinyaro, dhammaantoodna si wadajir ah ayay u cadeeyeen mowqifkooda Doorashooyinka Soomaaliya iyo sida ay u taageersan yihiin guddiyada doorashada.

Mudane Mahdi Maxamed Guulleed ayaa carabka ku adkeeyay in  dalka uu aadaayo doorasho xiligeeda ku dhacda laguna kala nabad galo.

“Waxaanu diyaar u nahay doorasho, waxaan diyaar u nahay in doorasho loo dareero oo aan is doorano, laguna kala nabad galo.  Muran kasta oo yimaada wuxuu dib u dhigayaa doorashada,  Taa macnaheedu ma waxa ay tahay doorasho diyaar uma ahiye dib ha la iigu dhigo, Doorashada wakhtigeeda ayaan ku qabaneynaa, Hadii ay tabasho jirto diyaar baa loo yahay in lagu dhageysto”

Dhinaca kale shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo Xildhibaanada labada aqal ee Dowladda ku matala Gobolada Waqooyi.

Dhammaan xubnihii ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi (Somaliland) ayaa isku raacay in dalka uu doorasho aadayo iyaguna ay si buuxda u taageersan yihiin guddiyadii dooorashooyinka ay xukuumadu magacowday.

Shir weynaha qaran ee shaqaaleysiinta dhallinyarada soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay wasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa maanta ka furmay magaalada muqdisho+(SAWIRRO).

0

Ujeedada shirkaan ayaa ahayd sidii loo shaqyleysiin lahaa dhalinyada isla markaana dib loogu soo celin lahaa dugsiyadii farsamada gacanta si loo helo dhalinyaro ka shaqeeya shaqooyinka farsamada,waxaana ka soo qaybgalay wasaaradaha shaqada iyo arimaha bulshada,qorshaeynta qaran iyo maalgashiga,shiradaha ganacsiga,Bulshada rayidka, xiriirka ururada shaqaalaha soomaaliyeed FESTU,maamal goboleedyada iyo hay’ado caalami ah iyadoo ay soo ay soo qabanqaabisay wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada waxaana gacan ka geystay hay’ada save the children.

Qaar ka mida ah shirkadaha ganacsiga ayaa balanqadey iney sii kordhin doonaan shaqasiinta dhalinyada.

Xoghaha guud ee xiriirka ururada shaqaalaha soomaliyeed cumar faaruuq cusmaan ayaa ugu baqay dawladda iyo ganacsatadaba ay abuuraan suuq shaqo si loo yareeyo shaqo la,aanta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada Cabdullahi Maxamed Cali ayaa sheegay in shirkaan uu wax ka bedeli doono shaqo la,aanta ka jirta dalka-cod2aad.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaya in qorshaha qaranka ee 20202-2025ka ay ka mid tahay in Dhalinyadda loo aruuro shaqooyin.

Wasaiirka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada Duraan Axmed Faarax oo furay Shirka ayaa sheegay in guud dalka laga abuuri doono shaqooyin iyo suuqa shaqada.

Shirkaan ayaa mudada uu socda ayaa waxaa looga doodi doonaa sidii ay Dawladda iyo Shirkadaha gaar ah ay isaga kaashan doonaan sidii shaqo loo siin lahaa dhainyadda.

Cabdiraxmaan Cali Diiriye Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Kormeeray Dhismayaal Cusub oo lagu kordhiyay Isbitalka guud ee Gobolkaasi+(SAWIRRO).

0

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) Oo La Hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Ayaa Faah Faahin Ka Bixiyay Dadaalada Maamulka Gobalka Ee Ku Aadan Wax Ka Qabashada Baahiyada Adeegyada Caafimaad Ee Ay Bulshadu U Baahan Yihiin Xilli Maanta Uu Soo Kormeeray Qeybo Cusub Oo Lagu Kordhinayo Isbitaalka Guud Galmudug Ee Magaalada Galkacyo Halkaas Oo Ay Ka Socoto Qeybo Cusub Oo Dhawaan Dhismaheeda Laga Bilaabay Isbitaalkaasi

Cabdiraxmaan Isxal Gudoomiyaha Gobalka Ayaana Ugu Horeyn Ka Hadlay Qeybagaha Cusub Ee Isbitaalka Lagu Kordhinayo Isagoo Dhanka Kalana Ugu Baaqay Shacabka Gobolku In Ay Xoogga Saaraan Sidii Iyagu Ay Wax U Qabsan Lahaayeen

Dhinaca Kale Gudoomiyaha Gobalka Ayaa Ka Warbixiyay Dadaalada Ciidamada Amniga Ee La Xariira Sugida Iyo Adkeynta Amniga Gobalka Isagoona U Mahad Celiyay Ugu Horeyn Ciidamada Amniga Qaranka Ee Booliiska Nabad Sugida Iyo Ciidanka Xasilinta Xoogga Dalka Ee Ka Howl Gala Gobalka Mudug.