Home Blog Page 709

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Safiirka Norway

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Norway ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo. Elin Bergithe Rognlie, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal.

Safiiradda Norway ayaa ku dhawaaqday in ay bilowday qaban-qaabada dib loogu furayo xafiis diblomaasiyadeed oo joogta ah oo ay ku yeeshaan Muqdisho si loo fududeeyo howsha rasmiga ah iyo midda adeegga ah, iyadoo shaaca ka qaaday in Agaasinka Socdaalka Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, waxayna muujisay taageerada dalkeeda ee ku aadan hannaanka doorashada Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa cadeeyay sida ay Soomaaliya u danaynayso xoojinta xiriirka ay la leedahay Norway, halkaas oo ay ku nool yihiin jaaliyad aad u tiro badan oo Soomaaliyeed, taasoo leh aragti horumarineed iyo mid wax dhisid leh, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashiga istiraatiijiyadeed si loo gaaro dano wadaagga labada dal ee saaxiibka ah.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo sheegtay inuu gabo gabo marayo dhismaha wadad afgooye iyo Mugadisho.

0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud & Guryenta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan macalin ayaa ka hadlay xilliga sida rasmiga ah ee xariga laga jarayo dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Wasiirka oo la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in xariga laga jaro dhismaha wadada Bishii Febaraayo ee la soo dhaafay balse sababao amni darted uu dib ugu dhacay.

Waxa sidokale wasiirka intaa hadalkisa ku daray dhismaha wadada uu haatan yahay geba-gabo, isla markaana la gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dhawaana xariga laga jari doono.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Maanta Xilka La Wareegay.

0

Munaasabad balaaran oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Agaasime waxeedyada iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee wasaaradda Cabdullaahi Xayar oo dhawaan loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Munaasabada ayaa sidoo kale agaasimihii hore ee Wasaaradda loogu magacaabay agaasime ku xigeen ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda ayaa u mahadceliyey agaasihii hore ee xilka ku wareejiyey waxa uuna agaasime waxeedyada iyo dhamaan shaqaalaha kula dardaarmay in ay dardar geliyaan shaqada Wasaaradda asagoo balanqaaday in uu si wanaagsan u gudan doono waajibaadkisa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Cabdicasiis.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho taasi oo dib u dhis balaaran lagu sameyn doonno.

Dhagax-dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka Degmada Cabdicasiis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dib-u-dhiska Balaaran ee lagu sameenayo Xarunta Degmada Cabdicasiis ay qeyb ka tahay Mashaariicda dib-u-dhis ee Maamulka Gobolka Banaadir ka fulinayo xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada Caasimada, Asigoona kula dar-daarmay in shacabka ay ilaashadaan goobaha danta guud ee dib-u-dhiska lagu sameeyay.

Horey ayuu Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhisyo balaaran ku sameeyay Dhowr Xarumood oo ka tirsan 17 Degmo ee Gobolka Banaadir iyadoona Qorshaha Maamulka uu yahay sidii loo tayeyn lahaa Xarumaha .

Dowladda Giriigga oo go’aan ka qaadatay qaabbilaadda muhaajiriin ay Soomaali ku jirto

0

Dowladda Giriigga ayaa isbeddel xagga socdaalka ah kusoo rogtay dadka magangelyo doonka ah ee kasoo kala jeeda waddamada Soomaaliya, Pakistaan, Suuriya, Afganistan iyo Bangaladhesh.

Dadkan oo intooda badan waddanka Giriigga uga tallaaba xadka uu la wadaaga Turkiga ayaa si sharci darra ah ku gala halgaas, iyagoo uga sii gudba dalalka kale ee Yurub.

Wasiirka muhaajiriinta iyo magangelyo-doonka dalka Giriigga, Notis Mitarakis ayaa sababta ay musaafuriinta sharci darrada ah diiradda u saarayaan imaashiyaha Turkiga ku sheegay iyagoo u arka sida waddan kale oo ammaan u ah tahriibayaasha kasoo jeeda waddamadaas.

Dowladda Giriigga ayaa sheegtay in ay garwaaqsanayso inaysan imaashiyaha muhaajiriinta ee Turkiga khatar ku ahayn Jinsiyaddooda, Diintooda, muwaaddin-nimadooda ama siyaasadda ay aaminsan yihiin, balse ay ka cabsi qabaan inay Athnes marin u noqoto qul-qulka musaafuriinta sharci darrada ah iyo fal-dambiyeedyada shabakadaha wax tahriibiya.

Wasiirka Cadaaladda oo sheegay in baaritaan lagu sameynayo isku dhac ciidan oo ka dhacay Muqdisho

0

Galabta ayey ahayd markii ciidan ka tirsan Asluubta iyo ciidamo ilaalo u ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu iska hor imaad kooban oo aan qasaare gaysan ku dhexmaray Kontarool ku yaal dhanka Degmada Xamar weyne oo laga ilaaliyo Hay’adaha Garsoorka iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Cadaaladda iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay Xabsiga Dhexe ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin gacan ka hadalka dhexmaray labada ciidan ee Qaranka u wada adeegayey.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in falka uu ahaa mid aan wanaagsaneen ku tagalkana uusan ahayn in ciidan hal hadaf leh ay isku dhacaan.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabadulqaadir Maxamed ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka xunyihiin rasaastii labada ciidan ay is dhaafsadeen, raali galina ay ka siinayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha Asluubta iyo Wasiirka Caddaalada ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in la baarayo sababta keentay in ciidanka isku dhacaan.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaliya oo ka hadlay xiriirka dawladdaha Soomaliya, kenya iyo Jabuuti

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Mudane Muhammad Abdirizak, oo waraysi gaar ah la yeeshay telefishanka qaranku ayuu wasiirku kaga hadlay arrimihii ugu dambeyey ee gobolka iyo Siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya, ugu horayn wasiirka oo ka hadlaya heshiiskii laga gaadhay khilaafka doorashada ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Heshiiskii Sebtember 17, oo ay si wada jir ah u wada gaareen dawladaha federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuu ahaa mid taariikhi ah, isagoo xusay dadaalka wadajirka ah ee ay wadaan madaxda iyo siyaasiyiinta dalka si loogu guuleysto guusha. qorshaha geeddi-socodka doorashooyinka dalka.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, wuxuuna yiri: “Labada dal waxay leeyihiin xiriir walaaltinimo oo taariikhi ah, iyadoo la tixraacayo warbixintii ay Jabuuti ka soo saartay guddiga baaritaanka ee ku saabsan khilaafaadka u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi, Saamayn xun kuma yeelanayso xiriirka adag ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah: Raysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu ka qayb galay xafladii caleemo saarka dib u doorashada Madaxweynaha Jabuuti. ”

dhinaca kale Wasiirka ayaa beeniyay in dawladda Qadar ay doonayso inay soo afjarto kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya si xal diblomaasiyadeed looga gaaro muranka badda, isagoo carabka ku adkeeyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay sugeyso go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda Caalamiga ah

Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare Oo Lasoo Gabagabeeyay+Sawirro

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xasan ayaa soo xiray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka12aad.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in aysan jirin caqabado ku yimid Howlwadeennada, Ilaaliyayaasha, kormeerada iyo guud ahaan habsami u socodka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad dugsiyeedka 2020-2021.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa u mahadceliyay Ardayda, Maamulada Iskuuladda. Ardayda iyo Waalidiinta ee xiliga adag ku dhiiraday in ay Carruurta Soomaaliyeed wax soo baraan.

Agaasimaha guud ayaa u rajeeyay Mustaqbalka Wanaagsan iyo Hurumar bahda Waxbarshada Soomaaliyeed heer kasta iyo meelba oo ay joogan.

Macalin Tababar oo katirsanaa Xoogga Dalka laguna helay la shaqeynta Al-shabaab oo 15-sano oo xabsi ah lagu xukumay

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah sarkaal katirsanaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya kaas oo lagu helay in uu la shaqeynayey khawaarijta Arxanka daran ee Al-shabaab.
Waxa uu ahaa Macalin Tababar oo ka tirsanaa kuliyadda Jaalla siyaad ee militaryga Soomaaliya Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saartay.

 

Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Alshabaab, waxaana hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen In Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.

Tan iyo 22 kii January Sanadkan ayay socotay habraaciisa Maxkamadeed.
63 jirkan ayay maanta Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah

Guddiga Qaran Ee Amniga Doorashooyinka Dalka Oo Maanta Kulmay

0

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga warbixiyey kulan uu maanta yeeshay Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka dalka.

Taliye Xijaar oo kulankaas shir guddoomiyey ayaa sheegay inay diiradda saareen, dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka Qaranka.

“Waxa aan maanta guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka si dalka ay uga qabsoonto doorasho ku dhacda jewi nabdoon,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.