Wasiirka Beeraha oo la kulmay Wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Cusub ee hay’adda cunada Adduunka WFP u qaabilsan Soomaaliya Mr. Elkhidir Daluum oo dhowaan la magacaabay, kaasi oo booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Wasaaradda.

Kulanka ay yeesheen ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP iyo sidoo kale sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay isku afgarteen xoojinta iyo dar dargelinta shaqooyinka gar gaarka ay hay’adda WFP ka qabato gudaha Soomaaliya.

Wakiilka Cusub ee Hay’adda cunadda adduunka WFP ee Soomaaliya Mr. Elkhidir Daluum ayaa balan qaaday inay sii xoojin doonaan howlaha ay ka qabtaan dalka, isagoo Madaxda Wasaaradda uga mahadceliyay wadashaqeynta dhaw ay la leeyihiin.

“Sharaf ayay ii tahay inaan mar kale fursad u helo ka shaqeynta Soomaaliya iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, waqtigan waa inaan meesha ugu hooseysa ee cunta yarida gaarnaa, kana qeyb qaadanao hormur iyo nabad waarta, Sidoo kale waxaan ka wadahalnay Wasiirka inaan sii xoojino xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha Qaranka”. ayuu yiri Mr. Elkhidir Daluum.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xaamud Cali Xasan iyo qaybo ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda iyo sidoo kale ku-xigeenka u qaabilsanaha hay’adda cunada Adduunka WFP ee Soomaaliya mr. Baimankay Sankoh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...