Home Blog Page 710

Duqa Muqdisho oo kormeeray wadada Jaziira oo dhawaan dib-u-dhis lagu sameeyn doono “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray waddada Jaziira oo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir ka bilaabi doono mashruuc dib-u-dhis loogu sameynayo waddadaas oo halbowle u ah isku socodka gadiidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la kulmay Injineerada howsha dhismaha qaabilsan, kuwaasi oo Duqa Muqdisho u sharxay hannaanka dhismaha Waddada deeganka Jaziira aado.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlan dadaallada dib u habeynaa loogu sameynayo Waddooyinka Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ka dhagaystay Guddiyada Doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobollada Woqooyi (SEIT), taas oo ku saabsan halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiyada kala duwan kula dar daarmay inay dardargeliyaan howlaha horyaala oo ay ugu horeysa soo xulista ergooyinka iyo bilaabidda doorashada Golaha Shacabka.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la soo dhameystiro inta ka dhiman kuraasta Golaha Aqalka Sare, si loo guda galo doorashada kuraasta golaha Shacabka.

 

Guddoomiyaha Degmada Dayniile oo kormeer amni xaqiijin ah ku tegay deegaanno hoostaga Degmada

0

Guddoomiyaha Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir ayaa kormeer uu ugu kuurgelayay Nabadgelyada deegaannada Showriga, Googooye, Ceeljaale iyo Basro oo hoostaga Dayniile, halkaasi oo dhaawan Maamulka ka xoreeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Mudane Maxamed Abuukar Jacfar ayaa tilmaamay in ujeedka kormeerkiisa ay la xiriirto qiimeynta xaaladda amni ee deegaannada hoostaga Degmada Dayniile, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale kormeeray waddo hor marta xarunta Degmada, halkaasi oo la saarayo laami carsi ah, waxaana uu indha indheeyay hannaanka dib u dhiska laamiga.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo miino baaris ah ka sameeyay deegaanno hoostaga Afgooye

0

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo miino baaris ah ka sameeyay inta u dhaxeysa deegaannada Sabiid, Caanoole iyo Mareerey oo hoos-yimaada degmada Afgoye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa waxay halkaasi ka soo saareen dhowr miino oo argagixisada Al-Shabaab ay u geliyeen waddada dadka shacabka ah, waxana sidoo kale isla goobta lagu bur buriyay miinooyin kale.

Marar badan ayay dad shacab ah kula qaraxday miinooyin ay maleeshiyada Al-Shabaab geliyeen inta u dhaxeysa deegaannada Sabiid iyo mareerey oo hoostaga Degmada Afgooye.

Kenya oo ku andacootay inay ka baxday kiiska dacwada badda Soomaaliya ee muranka ay gelisay

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ, kaas oo lagu xukuminaayo badda Soomaaliya ee Kenya ay muranka gelisay.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxi doona maxkamadaas.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go’aankeeda soo saarto Talaadada soo socota oo ku beegan 12-ka October.

Kenya ayaa horay u sheegtay inay isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda ee maxkamadda ICJ. Balse dowladda Soomaaliyeed ayaa horay u shaacisay in xukunka maxkamadda ay ku qanci doonto.

 

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”

0

Wafdi uu Hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed Jeneraal Odowa Yuusuf Raage ayaa safar Ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel Gaarka u ah Dowlad goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin uu hor kacayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland General Yuusuf Cusman Dhumaal iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Soo dhawayn ka dib ayaa waxa wafdiga Taliyaha loo galbiyey Aqalka Madaxtooyada Jubbaland, halkaa oo uu ku soo dhaweeyey Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Safiirka Soomaaliya ee Biljimka oo nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjirennimo laga guddoomay

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Biljimka iyo Midowga Yurub, Mudane Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), ayaa shalay oo Khamiis ahayd Caasimadda Brussels nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Olivier Belle, iyadoo loo gogol-xaarayo inuu ku wareejiyo Boqorka Biljim, Boqor Philippe.

Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Biljimka ayaa u rajeeyay safiirka cusub ee Soomaaliya inuu si joogta ah ugu guuleysto gudashada waajibaadkiisa, isagoo u ballanqaaday inuu siinayo dhammaan taageerada si sare loogu qaado xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal si ay iskaashi dhow uga yeeshaan dhinacyo kala duwan.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa booqday xarunta safaaradda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, isagoo kormeeray qeybaha  kala duwan ee safaaradda.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa intii uu booqashada Safaarada ku jiray warbixinna ka dhageystay Safiirka iyo howl wadeennada kala duwan ee Safaaradda.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, oo sxiib dhaw la ah dalkeena Soomaaliya.

Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo maanta daahfurtay hirgalinta Siyaasadda arrimaha Bulshada

0

Waaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  ayaa maanta daahfurtay kulan weyne looga hadlayay hirgalinta siyaasadda Arrimaha Bulshada.

Kulanka oo ay ka qeeybgaleen Dawlad gobolleedyada Dalka, gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa socon doona  muddo labo maalmood ah waxaana diirada   lagu saari doono inta uu socdo  xoojinta ka shaqeynta Arimaha Bulshada ee Hay’adaha Dawladda iyi sidii  Dawladda Soomaaliya ku gaarisiin lahayd dadka  adeegyada Arrimaha Bulshada ee lagu  taageerayo muwaadiniinta nugul ee garab istaaga u baahan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Cabdullahi Maxamed Cali, ayaa ugu horreyn ka hadlay furitaanka kulanka isaga oo sheegay in shirkan uu yahay mid waxbadan laga faa’ideeysan doona.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen,  oo si rasmi ah kulanka u furay ayaa ka hadlay muuhiimada kulankaan uu u yahay Masuuliyiinta isaga kala yimid maamul Goboleedyada Dalka.

“ Kulankan wuxuu inoo yahay mid taariikhi ah waxaan ka hadleynaa Dawladda dhexe iyo Dawlad-gobolleedyada sidii aan awood ugu yeelan lahaayeen fulinta adeegyada iyo mashaariicda bulshadeenna ee ay Hay’adaha fulinayaan Si halkaas u gaarno waa inan annagu noqonaya kuwa leh dhammaan awoodda loo baahanyahay” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo ka hadlayay munaasabada.

kulankaan ayaa muhiimad weyn ugu fadhiya dadka Soomaaliyeed maaddama looga hadlayo sidii Dawladda Soomaaliya ay ula wareegi lahayd dhammaan fulinta adeegyada lagu taageerayo arrimaha bulshada.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo maanta magacaabay Wasiirro cusub

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa maanta magacaabay golohiisa cusub ee wasiirrada, iyada oo Baarlamaanka la horgeeyay ayna ansixiyeen.

Saddex xubnood oo ka tirsan hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa ku soo baxay liiska golaha wasiiradda cusub.

Abraham Belay, oo madax ka ahaa maamulka ku -meel -gaarka ah ee Tigray -ga oo ay dawladdu samaysay ka hor intii aanay xoogagga kacdoonku dib u qabsan gobolka ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.

Golaha wasiirada ayaa waxa ay u kala magaacaban yihiin sidani hoos ku xusan:

  1. Damaqe Mokonin-raysalwasare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada
  2. Malaku Alabal-wasiirka wasarada warshadaha
  3. wasaradda ganacsiga iyo isku xidhka gobolka
  4. Takala Uma -wasiirka wasarada macdanta
  5. Nasisi Milee-wasiirka wasarada dalxiiska
  6. Mufariyad Kaamil-wasiirka wasarada kobcinta shaqada
  7. Axmad Shide-wasiirka wasarada maliyada

8. Laqe Ayalaw-wasiirka wasarada dakhliga

  1. Fisum Asafa -wasiirka wasarada qorshaynta iyo horumarinta
  2. Balate Moola-wasiirka wasarada hal abuurka iyo tiknolojiyada
  3. Dagmawit Mogos-wasiirka gaadidka iyo lojistikada
  4. Jaaltu saani-wasiirka wasarada magaaloyinka iyo adeegyada asasiga
  5. Habtamu Hitafa-wasiirka wasarada tamarta iyo biyaha
  6. Caisha Maxamad-wasiirka wasarada waraabka

15.Dr Birhanu Naga-wasiirka waxbarashada

16.Dr Liya Tadase -wasiirka wasarada caafimaadka

  1. Qajeela Mardasa-wasiirka wasarada dhaqanka iyo isbortiga
  2. Dr Abraham balay-wasiirka gashandhiga
  3. Cumar xusen-wasiirka wasarada beeraha
  4. Dr gediyon timatiyos-wasiirka cadaalada
  5. Binalfi anduwalem-wasiirka wasarada nabada

Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Wasiirrada ee u soo magacaabay Abiy Axmed ayaa waxa ku hor dhaarisay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Itoobiya ma’aza ashanafi.

Abiy Axmed ayaa laba maalmood ka hor waxaa loo dhaariyay in shanta sanadood ee soo socota uu hogaamiyo dalkaasi kaddib markii uu xisbigiisa ku guulaystay doorashadii muranka badan uu ka dhashay ee dalkaasi ka dhacday bishii Juun ee sanadkan.