Home Blog Page 710

Wasaaradda Caafimaadka Oo Faah-faahisay Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Covid-19

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa faahfaahisay Wararkii ugu dambeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.

Warbixinta kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka ayaa siddaan u qorneyd:

> Laga Helay: 23

> Somaliland: 18

> Benadir: 5

> Lab: 18

> Dhedig: 5

> Bogsasho: 11

> Dhimasho: 0

> Tirada Guud Laga Helay: 2,835

> Bogsashada Guud: 829

> Dhimashada Guud: 90

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS Oo Ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobollada Waqooyi

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxey Maalintii Afaraad oo xiriir ah Maanta kulan ku yeesheen,iyagoo ka doodayay Xeerarka doorashada oo ay u soo gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta Xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Waqooyi.

167 Xildhibaan ayaa ogolaaday xeerkaan, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diiday ma jirto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in xeerkaan uu ansax yahay,isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Soo Guuleysatay Dhammeystirka Qoriska Manhajka Dugsiga Sare “Daawo Sawirro”

0

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Taliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qabatay Xafladda Gabagabada Qoraalka buugaagta Manhajka Qaranka ee dugsiga Sare oo ah buugaag ay diyaariyeen dad Soomaaliyeed.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabadda Wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo munaasabada ugu qeyba galay habka adeega casriga ah ee online-ka,Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada ,Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf, Agaasime xigeeno qubaradii diyaarisay Manhajka Waxbarashada, xubno ka socday shirkada Badar ee daabacay Manhajka,Culimaa’udiin iyo marti sharafkale oo lagu casuumay.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo u mahadceliyay Khubaradii iyo dadkii waqtiga ku soo bixiyay in la helo Manhaj dugsi sare oo la jaan-qaadi kara dalka ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in lasoo gaaro heerkaan Gabagabada qoraalka buugaagta Manhajka, isagoo sheegay in ay ka go’antahay tayeynta Waxbarashada Dalka.

Senator Naciimo Oo Soo Dhoweysay Qoondada Haweenka Ee Baarlamaanka Meelmariyay

0

Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siisay Radio Muqdisho ayaa si diiran u soo dhoweysay qoondada haweenka ee uu meelmariyay Golaha Shacabka ka dib markii uu maalmo ka doodayay sidii xeerkaasi lagu meelmarin lahaa.

“Qoondada haweenka 30% aad ayaan ugu faraxsanahay, waa wax muddo dheer loo soo dagaalmayay oo runtii gabdhihii naga horeeyay ee bulshada rayidka, dad badan ay waqti u soo geliyeen annaga naftirkeena sidaas kuraasta ku helnay”. Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf ayaa sidaasi tiri.

“Laakiin waxaa la rabaa in la ogaado kuraasta aan ku fadhinaa waxaa iska leh beelo Soomaaliyeed, dhaqanka Soomaaliyeedna runtii waa dhaqan marwalba culeysku ah gabdhaha waan ku faraxsanahay in nala siiyo qoondada” ayay hadalkeeda raacisay Senator Naciimo.

Senator Naciimo ayaa hoosta ka xariiqday in haweenku ay juhdi ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen qoondada boqolkiiba sodon iyadoo ugu baaqday dadka ama beelaha uu ku maqan yahay saamigaasi looga baahan yahay in xagooda laga helo.

“Waxaa ay sheegtay in ay iyada qabto fekerka ah in la siiyo haweenka qoondada 30% haweenka oo kuraasta marwalba loo hormariyo gabdhaha kadib reerkii gabdhihii soo baxo ay kuwa ka le ku qasbanaadaan ayna la sii tarmaaan si ay u helaan 40% ama 50%” ayay tiri Senator Naciimo Ibraahim

Ansaxinta Qoondada haweenka ayaa micnaheedu yahay in kuraasta golaha ay haweenku kuleeyihiin ay Hadda wixii ka dambeeya u tartami doonaan keliya haween gaar ahaan Baarlamaanka 11-aad ee soo socda.

 

Guddiga Qaban-qaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda Oo Kulan La Qaatay Taliyayaasha Ciidanka Qalabka Sida

0

Kulankan oo looga hadlay u diyaar-garowga qabsoomidda Munaasabadaha Maamuuska Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada JFS gaar ahaan Sugidda ammaanka ayaa dhexmaray Guddiga Qaban-qaabada 60-sano guurada Xorriyadda Soomaaliya iyo saraakhiisha ciidamada qalabka sida shirkan oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta XFS mudane, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Kulanka oo Saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayay guddiga Xuska maalmaha xoriyaddu la yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka ee Qaranka oo uu ugu horeeyo taliyaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Mudane, Odawaa Yuusuf Raage, waxaa kale oo goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdraxmaan Aadan, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed, saraakiil ka socday Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay Adkeynta Ammaanka Caasimadda inta lagu guda jiro todobaadka Xorriyadda iyo sidii looga gaashaaman lahaa falalka argagixiso ee cadawgu umaleeyagaan ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka oo inta uu socday ay masuuliyiinta muujiyeen muhiimada ay leedahay in masuuliyadd layska saaro goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto maamuska ayaamaha Xorriyadda JFS.

Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garowday Xuska Todobaadka Xorriyadda 60-sano guuradii ka soo wareegatay markii layska tuuray heeryadii gumeystaha oo  ka bilaabanaysa 26 bisha Juun maalintii ay Gobollada Waqooyiga xoriyadda ka qaateen gumeystihii kuna eg 1-dii Luuliyo oo ah maalinta Xornimada Goboladda Koofureed iyo Maalintii ay midooben Gobolladii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya halkaas oo lagu aas aasay dowladii ugu horeeysay ee gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni Iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo Qardho Tagay

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee Gobalka Bari, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo mas’uuliyiin kale,  halkaasoo ay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Qardho ay diiran ugu soo dhoweeyeen.

Ujeedka Safarka madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu yahay sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo tababar muddooyinkii dambe ugu socday deegaannada Qardho iyo Badhan.

Inta uu ku sugan yahay Qardho madaxweye Deni ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa maamulka magalada Qardho iyo odayaasha dhaqanka qaarkood, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan.

Ciidanka XD Oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Walxaha Qarxo Laga Soo Buuxiyey Iyo Darawalkii Waday.

0

Ururka Danab ee qeybta 21-aad Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goordhow ku qabtay magaalada Gaalkacyo gaari noociisu yahay Noah kaas oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo darawalkii waday.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Amniga gaar ahaan kuwa ururka Danab ee fadhigoodu yahay magaalada Gaalkacyo, ciidamada Amniga Qaranka ee ka howl gala Gobalka Mudug ayaa muddooyinkii u danbeeyay waday howlgalo ka dhan ah argagixisada si loo sugo amniga iyagoo guullo la taaban karo Ka gaaray todabaadyadii u danbeeyay olalaha la dagaalanka argagixisada.

Dhinaca kale Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Qeybta 21-aad ayaa saaka fashilayay weerar naf la caarinimo oo kooxda argagixisada ay ku qaadeen xero taliska qeybta ay ku leeyihiin afaafka hore ee deegaanka Bacaadweyne ee Bariga Gobalka Mudug.

Shirka Wadatashiga Hindise Sharciyeedka Korontada Oo Weli Socda.

0

Shirka Wadatashiga hindise sharciyeedka korontada oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha ee XF Soomaaliya ayaa maalintii 2-aad galay iyadoo shirka diirada lagu saarayo sidii qodobadii horey looga dooday looga sii hadli lahaa.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasaarada Tamarta iyo Biyaha Ee Dowlad Goballeedyada, Gobalka Banaadir Iyo Shirkadaha Korontada ee Shaqsiyaadka Gaarka, iyo macaamiisha iyadoo muhiimaddu shirka ay tahay in la derso dhammaan caqabadaha iyo baahiyaha aas aasiga ee Qiimaha korontada iyo in gaarsiiyo dalka oo dhan.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo shirka furtay ayaa sheegtay in dhammaan qodobada iyo aragtida la qaadayo laguna darayo qabyo qoraalka hindise sharciyeedka iyadoo horaanta bisha soo socoto markale layskugu imaan doono shirkale si loo soo afjaro.

shirka ayaa mudada uu socdo waxaa looga hadlayaa arrimaha maalgashiga shirkadaha dadka Soomaaliyeed Iyo Ganacsiga Shirkadaha Ajaanibta oo ka mid ah dhaqaalaha dalkeynu uu u baahan yahay iyadoo tallaabooyinkaasi ay hirgeli karaan kadib marka loo helo sharci lagu kala hago.

Baarlamaanka Carabta Oo Bogaadiyey Shirka Dhab U Heshiisiinta DFS Iyo Soomaaliland

0

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Al-Cuseymiin ayaa boogaadiyay Shirkii Dhab u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo sheegay in ay horseeday heshiis dhexmaray labada dhinac oo suurageliyey in la sameeyo guddi farsamo oo isku dhaf ah kuwaas oo sii amba qaada wadahadalada.

Dr. Al-cuseymiin ayaa soo dhaweeyay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la xalliyo arrinta Somaliland, waxa uuna sheegay in ay qeyb muhiim ah ka qaadanayso kor u qaadista nabadda iyo horumarka Gobolka.

Sidoo kale, waxa uu uga mahad celiyey Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle martigalinta wadahadalladan, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalalka Carabta Dr. Mishcal Al-suleymi ayaa ku dhiirri geliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya in ay sii amba qaadaan wadahadallada dhab u heshiisiinta oo horseedaya horumarka iyo dib u kabashada Soomaaliya.

Dr. Mishcal ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay dalalka Jaamacadda Carabta in ay gacan ka geystaan xasiloonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada DFS Oo Fashiliyey Weerar Ismiidaamin Oo Ay Soo Qaadeen Maleeshiyaadka Argagixisada.

0

Ciidanka Xooga Dalka ayaa Fashiliyey weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo saakay waabirigii hore ay  ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab Saldhiga  qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka ka degan  yihiin Deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka Argagixasadda ayaa weerarka u adeegsaday gaari nuuca loo Layla Calaawe ama Land ruser oo ah gawaarida inta badan loo adeegsado Safarradda Goboladda Dalka.

Ciidanka Xooga ayaa ka war helay dhagarta kooxda Alshabaab ay la damacsanaayeen Saldhiga Qeybta 21aad ee Degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Galgaduud waxaana ay ku fureen risaas taas oo keentay inuu qarxo gaarigii sidaasna ay ugu dhamaadeen Dhagar qabayaashii weerarka soo qaaday.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug ayaa sheegay  in weerarkaas ay ku shahiideen Alle ha u naxariistee labo Askari oo ahaa naftii hurayaashii is hortaagay dhagarta ay damacsanaayeen Maleeshiyaadka argagixisada.