Home Blog Page 708

Cutubyo ka tirsan Gorgor oo dhameystay tababar militeri ayaa maanta la dhaariyey “SAWIRRO”

0

Cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad ee ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa maanta tababar loogu soo xiray xerada tababarrada ciidamada Soomaaliya ee Turkisom.

Munaasabad lagu dhaariyey ciidamada soo dhameystay tababarka ay ku qaateen dugsiga tababarka militeriga Soomaaliya ee TurkiSom ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay xeradaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb galay xaflada dhaarinta ciidamadaan oo qeyb ka noqonaya kumandooska xoogga Soomaaliya ee Gorgor.

Tababarro iyo tayeyn xoog leh ayaa ku socota ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, waxayna haatan ciidamadii horay u soo dhameystay tababarrada ay gobollada dalka ka wadaan howlgallo ka dhan ah argagixisada.

DF iyo maamulka G/Banaadir oo soo saartay digniin ku saabsan fulinta barnaamijyada Udxiyada

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir ku socota bulshada reer Muqdisho inta lagu guda jiro maalmaha ciida Carafo.

Amarradan ayaa la xariira goobaha lagu gowracayo xoolaha Udxiyada ee maalmaha ciida Carafo, waxaana bulshada reer Muqdisho iyo hey’adaha samafalka ee ka howlgala caasimadda looga digay inay xoolaha ku gooracaan meel aan aheyn kawaanada loogu tala galay.

War-saxaafadeed ka kooban seddax qodob oo ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, ayaa lagu yiri, “Wasaaradu ayada oo ka duuleysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah, waxa ay soo saartay baaqan wargelinta ah:

1 – Dhammaan hey’adaha Samafalka Khayriga ah, kuwooda wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka howlgala ee ka shaqeynaya fulinta barnaamijka Udxiyada sanadkan 1442- 2021, waa in ay u hogaansamaan awaamiirta Wasaaradda , Gobolka Banaadir, iyo Wasaaradaha Diinta Dowlad Goboleedyada Dalka.

2 – Sida horay loo caddeeyay majirto hey’ad xoolo ku qali karta meel ka baxsan kawaannada loo asteeyay.

3 – Hey’addii la ogaado in ay xoolo ku qaleyso gooba ka baxsan goobaha loo asteeyay maamul ahaan, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.

4 – Sidoo kale waxaa Ia farayaa hey’adaha samafalka in ay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiga loo xilsaaray arinkaan, Culumada, Dhakhaatiirta iyo kormeerayaasha howshan u xil-saaray, si Ioo hubiyo badqabka xoolaha Udxiyada.

Dhanka kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in sanadkaan xoolaha lagu gowraco meel aan kawaan aheyn, isagoo sheegay in ka maamul ahaan aysan ogolaa doonin.

“Sharciga ayaa la marin doonaa ciddii maalinta ciidda xoolo ku qasha meel aan ahayn goobaha loo asteeyey, shaqsi ama hey’ad cid aan ka yeeleyno ma jirto,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay dilalka iyo boobka Soomaalida loogu geystay K/Afrika

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku muujineyso sida ay uga walaacsan tahay rabshadihii iyo bililiqadii ka dhacday dalka Koonfur Afrika oo saacadihii la soo dhaafay lagu dilay 4-qof oo Soomaali ah, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale dukaamo badan oo ay la haayeen muwaadiniin Soomaaliyeed ayey bililiqeysteen tuugo hubeysan, meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KvvaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika, 72-kii saac ee la soo dhaafay.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dowladda Koonfur Afrika inay dadaalkeeda oo dhan ku bixiso, sidii loo ilaalin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada ah, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.”

Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Soomaaliya waxay ku faantaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika intii ay ku jirtay halgankii ay kula jirtay midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisneyd taageerada badan ee siyaasadeed, dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ay siisay in muddo ah.”

Tan iyo markii xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma todobaadkii hore, kaas oo loo heysto musuq maasuq, waxaa dalkaas hareeyey dibad-baxyo waaweyn iyo boob ay geysanayaan dadka u dhashay dalkaas, dukaamada iyo bangiyada waaweyn ee dalkaas ayaa loo geystay boob xoog leh.

Ugu yaraan afar qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ahaa ayaa la xaqiijiyey inay ka mid noqdeen dadkii maalmihii la soo dhaafay ay galaafteen rabshadaha ka socda dalkaas, sidoo kale waxaa jira Soomaali kale oo dhaawacyo kala duwan loo geystay, waxaana boob xoog leh lagula kacay dukaamo badan oo ganacsato Soomaaliyeed ay ku lahaayeen gobollo kala duwan oo dalkaas ka tirsan.

Sawirro: Shir gaar ah oo Garowe uga furmay wasiirrada waxbarashada DF iyo D/Goboleedyada

Wasiirka waxbarashada xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ka furay shirka wasaaradaha waxbarashada dowladda federalka, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkaan waxaa looga arrinsanayaa sidii la’isaga kaashan lahaa horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, isla markaana loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo Agaasimka waxbarashada ee mamulka gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya waxay haatan xoogga saareysaa in dib loo tayeeyo waxbarashada dalka, waxaana dhawaan la diiwaan geliyey oo dowladdu ay ogolaansho siiday jaamacadaha dalka intooda soo buudisay shuruuudihii looga baahnaa.

Sawirro: Cutubkii u horeeyay gabdho kamid noqonaya Haramcad oo tababar loogu qaaday Turkiga

Waxaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyey cutubkii ugu horeeyay ee gabdho kamid noqonaya ciidanka booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo tababar heer sare ah ku soo qaadanaya dalka Turkiga.

Gabdhahaan oo gaaraya 49 askari waa kuwii ugu horeeyey oo iyagoo hal cutub ah ay dowladda Soomaaliya tababar ugu dartay dalka dibadiisa, waxayna bilihii lasoo dhaafay tababar hor dhac ah ku qaadanayeen xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ka mid ahaa saraakiishii gabdhahaan ka sagootisay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in gabdhahaan ay dowladda Soomaaliya ku soo xulatay aqoon iyo karti, waxuuna kula dar-daarmay inay noqdaan kuwii difaaci lahaa sharafta iyo nabad geliyada shacabka Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyey in si nabad ah ku soo qaataan tababrka galabta loogu qaaday dalka Turkiga.

Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed oo goobta sagootinta ku sugneed ayaa gabdhahaan kula dardaarantay  inay muujiyaan isku duubni iyo karti dheeraad ah, qarankoodana ay u hiiliyaan.

Ciidanka gabdhahaan lagu biirinayo ee Haramcad oo tiro ahaan ku dhaw 1,000 waxay ka mid yihiin ciidamada soo kobcaya ee howlgalladooda la mahdiyey, waxaana tababarkooda dowladda Soomaaliya ku gacan siiday dowladda Turkiga, haatan waxay ka kala howlgalaan magaalooyin badan oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan aaladda fogaan arragga kula qaatay Wakiilka Sare ee Hay’adda UNHCR “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta habka fogaan arag ah kulan kula qaatay Agaasimaha Gobolka ee Bariga, iyo Geeska iyo Harooyinka Waaweyn ee Afrika, ahna Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee UNHCR Clementine Awu Nkweta Salami, iyo Ergayga Gaar ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Africa, Danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo xubno kale.

Waxaana kulanka lagaga hadlay sidii loo dar-dar galin lahaa tageerada dadka qoxootiga ah ee sida iskood ah dalka ugu soo noqonaya iyo saamaynta go’aanka Dowlada Kenya ay ku xirayso xeryaha qoxootiga ay ku yeelan karto, waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dadka gudaha dalka ku barakacay.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Guddoomiyaha guddiga qoxootiga iyo barakacayaasha Jubaland Eng Cabdi Xuseen Maxamed.

Maxay Kawada Hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya

0

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kenya Danjire Raychelle Omamo ayaa ka wada hadlay dib usoo celinta xiriirka labada Dowladood iyo in dib loo furo safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada Dowladood ayaa lagu xusay inay ka wada hadleen labada Mas’uul arrimaha Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muujiyay muhimadda ay leedahay in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ku wada leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo sii xoojineysa cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Danjire Kate Foster.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta Tayaynta iyo Tababarka Ciidanka iyo Hormarinta Mashariicda Deeganada Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa kaloo looga hadlay sidii dowladda Ingiriiska ay Mashaariic horumarineed uga hirgelin lahayd deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana uu ku soo idlaaday is afgarad.

Maalinta Caruurta Afrika Oo Soomaaliya laga Xusay “SAWIRRO”

0

Munaasabad balaaran oo ay soo agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo lagu weynaynayay maalinta carruurta ee Afrika oo ku beegan 16ka bisha June ayaa waxaa ka qeybgalay, Wasiirka Wasaaradda Xaniifa Maxamed Ibraahim, agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Isxaaq Xaashi Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim oo khubad ka jeedisay madasha ayaa sheegtay in Wasaaraddu ka shaqeynayso sidii loo heli lahaa sharci lagu dhowrayo carruurta Soomaaliyeed.

16 ka bisha June sanad kasta, Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika waxaa la qabtaa munaasabado lagu xusayo maalinta carruurta Afrika.