Home Blog Page 707

Yuusuf Dabageed oo Muqdisho kula kulmay wasiirrada iyo xildhibaanada ka soo jeeda HirShabeelle “SAWIRRO”

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulan qada Sharaf ah maanta u sameeyay wasiirrada iyo xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Kulankaan ayaa ahaa is xogwareysi la xiriira xaaladda Hirshabelele, ka shaqeynta midnimada iyo horumarinta Hirshabeelle, waxaana goobjoog ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay ka shaqeynta Midnimada Hirshabeelle, mar uu soo hadal qaaday arrimaha Doorashooyinka ayuu sheegay Hirshabelle ay ka dhici doonto doorasho daah furan oo xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka sheekeeyay dadaallo dib u heshiisiin ah uu waayihi dambe uu ka waday magaalooyinka Beledweyne iyo muqdisho, isagoo tilmaamay in hadda ay meel wanaagsan u marayaan dadaaladaasi.

Wasaarada caafimaadka oo guddontay daawo dhalinyaro Soomaaliyeed ay ugu deeqeen Martiini “SAWIRRO”

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadda xukuumafdda federaalka Soomaaliya Dr. Axmad Xuseen Macalin ayaa maanta gudaamay agab daawo ah.

Daawadaan maanta lagu wareejiyey wasaaradda caafimaadka waxaa iska soo aruuriyey dhalinyaro Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool, kuwaas oo ugu deeqay isbitaalka guud ee Martiini.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadda xukuumafdda federaalka Soomaaliya Dr. Axmad Xuseen Macalin ayaa uga mahad celiyay dhalinyaradda caawinta ay u fidiyeen Bulshadda Soomaaliyeed.

Isbitaalka Martiini waa xarunta ugu weyn dalka ee loo asteeyey in lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus.

QM oo war ka soo saartay guddigii haweenka u badnaa ee maanta uu magacaabay R/Wasaare Rooble

0

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey guddigii uu maanta Ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, inta lagu guda jiro doorashada dalka.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa magacaabista uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,13 xubnood oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee kuraasta baarlamaanka federaalka ay haweenku ku yeelanayaan,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay QM.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Qaramada Midoobay waxa ay ku celineysaa taageeradeed buuxda ee kaqeybgalka haweenka Soomaaliyeed iyo matalaadkooda doorashooyinka soo socda.”

Ra’iisul wasaaraha XFS Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, kaas oo ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada haweenka inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

Hoos ka akhriso magacyada guddigaas

Shir Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay ku yeesheen Zoom-ka oo looga hadlay qodobo muhiim ah

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada Aqalka Sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo asteeyey in la bilaabo doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka 11-aad.

Madaxda ayaa isla qaadatay in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Dhinaca kale Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada Alshabaab ee Ciidammada Qaranku ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hoo’ba leh la garab taagan yihiin.

Wajiga labaad ee shirka guddiga machadka dowladaha hoose oo Muqdisho ka furmay”SAWIRRO”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Saciid Cabdullahi Calasow ayaa magaalada Muqdisho maanta ka daahfuray kulanka 2-aad ee xubnaha guddiga machadka dowladaha hoose.

Xubnaha ka qeyb galay kulankaas ayaa ka kala socday wasaaradaha waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare , wasaaradda shaqada arrimaha bulshada XFS iyo wasaaradaha arrimaha gudaha dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa socon doona labada maalmood ee soo socotam waxaana la filayaa inay kasoo baxaan wax horutebin u leh hirgelinta Machadka dowladaha hoose ee Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan duco ah u sameeyay mas’uuliyiintii qaraxa lagu dilay 24-July 2019

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo maanta ka qeyb galay kulan duco ah oo xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu sameeyey mas’uuliyiintii laba sano ka hor, 24-kii July 2019-kii lagu qarxiyey xaruntaas, ayaa sheegay in xilligaas kadib la qabtay dad kale oo doonayey inay isaga isku qarxiyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii uu yimid xafiiska, si looga badbaado dhibaatadii hore oo kale shaqaalaha dhan la marsiiyey baaritaan, taas oo sida uu sheegay uu kala kulmay dhaleeceyn badan, balse uu ku adkeystay.

“Markii la i soo magacaabay, balse aana weli xafiiska fariisan waxaa la ii sheegay in la qabtay dad kale oo loo qorsheeyey inay isku key qarxiyaan, kadib markii aan xafiiska imid dad kale ayaa la qabtay, hey’adaha ammaanka iyo garsoorka ayaana kiiskooda u deynay, dadkeenii waxaa laayey cadaw, welina waa sii wataan howshooda, waxaa la sheegaa in qofkii is qarxiyey uu ka mid ahaa maamulka gobolka, weliba agaasimayaashii xiligaas uu ka tirsanaa,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar ayaa sheegay inay ku dadaaleen in dadka inta hartay cadawga laga badbaadiyo, isla markaana ay dib u diiwaan geliyeen shaqaalaha maamulka.

“Intii dhimatay Allaha u naxariisto waxaan ku dadaalnay, inta nool dadka sidii aan u ceymin laheyn, waxaan qaadanay go’aan ah dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir in dib loo diiwaan geliyo oo qof macluumaadkiisa oo dhan la soo ogaado, kadibna damaanad loo sameeyo oo bal qofka la aqoonsado,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish waxa uu sheegay in diidmo iyo dhaleeceyn badan uu kala kulmay in baaritaan heerkaas ah lagu sameeyo shaqaalaha, “Maanta qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha gobolka Banaadir macluumaadkiisa dowladda heysa.” Ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu xafiiska joogay inuu soo iibiyey qalab iskaan ah oo aad u baara dadka soo gelaaya xarunta dowladda hoose ee Xamar, sidoo kalena uu sameynay ciidamo nabad sugid ah oo dadka ku dhex jira, kuwaas oo aan la wada aqoon, dad badana soo qabtay, sida uu sheegay.

Taliska Booliska oo soo bandhigay sagaal kamid ah ragii ku dagaalamay Ex Conrtol Afgooye iyo hubkoodii

0

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalkii saakay ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xogta khasaarihii ka dhashay iyo cidda ay u dhaxeysay is-rasaaseyntaas.

Ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo qabteen koox burcad ah oo uu tilmaamay inay is-rasaaseeyeen, kadib markii ay ku heshii waayeen lacag baad ah oo ay dadka ka aruursanayeen.

“Saakay aroortii Ex Control Afgooye waxaa ka dhacday shaqaaqo is-rasaaseyn ah dhex-martay maleeshiyaad qowleysato ah oo dhacayey dadka aaggaas ku nool, intii ay dadka dhacayeen ayey dhexdooda ka tafantay oo dhexdooda ka bilaabatay israsaaseyn sababtay in dad rayid ah ay halkaas ku dhintaan, ilaa afar qof oo shacab ah ayaa goobtaas ku geeriyootay, seddax kalena dhawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri afhayeenka oo caawa la hadlay warbaahinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in xiligaas ay booliska u suurta geli weysay in ragaas la soo qabto, balse garabta ay ku guuleysteen inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo.

“Xooraan iyo daba-gal kadib, ciidanka booliska gobolka Banaadir waxay galabta weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadkii saakay dhaca iyo dilka u geystay dadkii ay ku dul dagaalameen, waxayna gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah ragaas iyo hubkii ay wateen, waxaana hor geyn doonaa cadaaladda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenkan u hadlay booliska Soomaaliya.

Ragaan lasoo qabtay oo gaaraya sagaal nin ayaa seddax kamid ah waxaa is-rasaaseyntii saakay kasoo gaaray dhaawacyo, sida uu warbaahinta u sheegay ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan.

Hub iyo meydadka horjoogayaal argagixisada looga dilay G/Mudug oo la soo bandhigay

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed qeybta 21 aad iyo Daraawiishta Galmudug Galmudug ayaa soo Bandhigay Saanad iyo maydka horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka nabad diidka Al shabaab kasoo ku dhintay Dagaal galabta ka dhacay Koonfurta Gobolka mudug

Saraakiisha ayaa sheegay inay Dagaalkii galabta ku dileen Horjoogayaal ka tirsan Argaguxisada Al shabaab oo ku sugnaa baramaha Ciidanku weerareen

Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay inay la wareegeen Fariisimo ay Argaguxisadu ku dhuumaalaysanyeen

Habraaca Xalinta Khilaafaadka Aqalka Sare oo lasoo saaray

0

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada dadban ka dhaceysa ayaa soo saaray habraaca xallinta khilaafaadka doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalmaha soo socda ay doorashadoodu ka bilaabaneyso xarumaha dowlad goboleedyada dalka.

“Guddigu wuxuu la wadaagayaa Musharaxiinta iyo Codbixiyaasha Aqalka Sare Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa qoraalkaan ku soo bandhigay cidda ay cabashadooda qaabilayaan iyo shuruudaha looga baahan yahay, waxayna ku soo koobeen afar qodob oo kala ah:

1- Musharax soo buuxiyay shuruudaha musharaxnimada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee ku xusan Qodobka 58 aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka iyo Sharciyada kale ee Hagaya Doorashada Dadban ee 2020/2021, loona diiwaan galiyay u tartamida Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

2- Waxaa kaloo cabasho u soo gudbin kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban Xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka Sare ee Somaliland oo ay si toos ah u saamayso xad-gudubyada ka dhasha maamulka doorashada.

3- Waa in uu codsi qoraal ah u soo gudbiyaa Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban, soona buuxiyaa foomka diiwaan galinta cabashada xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare.

4- Waa in uu bixiyaa lacagta diiwaan galinta cabashada oo dhan 3,000 oo dollar (sedex kun oo dollar) kuna soo lifaaqaa galkiisa cabashada waraaqda cadeyneysa in uu ku shubay lacagta xisaabta bangiga loo asteeyay.

“Haddaba intaas oo shuruud ah haddii uu soo buuxiyo qofka cabanaya, Guddigu wuxuu qadanayaa go’aan uu ugu garnaqayo cabashadaas muddo 7 malmood gudahood ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada dadban.

Dhageyso: Senator Cabdi Qeybdiid oo ku sugan Camaara kana war bixiyey howlgalkii maanta

0

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug oo maanta laga saaray argagixisada Al-Shabaab ayaa la hadlay Radio Muqdisho, isagoo faahfaahin ka bixiyey howlgalka ka socda gobolka Mudug

Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed iyo daraawiishta Galmudug ayaa maanta gudaha u galay magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay isaga firxadeen argagixisadii Al-Shabaab ee dhuumaaleysiga ku joogtay Camaara.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa noo sheegay in deegaanka ay ka bilaabeen wacyi gelin ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana ay maanta fagaarayaasha Camaara kula hadleen bulshada ku nool magaaladaas, si looga dhaadhiciyo inay iska dhiciyaan cadawgaan baneystay dhiigooda iyo maalkooda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada gudaha u galay deegaanka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiiyay inay u suurta gashay inay la wareegaan guud ahaan magaalada Camaara, halkaas oo ay ku burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysa jirtay argagixisada Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay ka firxadeen magaalada Caraama, markii ay ka war heleen in lagu soo wajahan yahay.

Camaara oo dhacda koonfurta gobolka Mudug waxay ka mid tahay magaalooyinka faro ku tiriska ah ee Galmudug oo argagixisado ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed, balse maanta ayey ciidamada Qaranka u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan.

Hoos ka dhageyso wareysi uu Cabdi Qeybdiid siiyey Radio Muqdisho