Home Blog Page 707

Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo Dhuusamareeb ka furmaya

0

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka wadatashiga maamul goboleedyada.

Shirka ayaa waxaa la filayaa in madaxda maamul goboleedyada ay uga shiraan doorkooda ku aaddan doorashooyinka Qaranka iyo ka shaqeynta sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta adeegyada kala duwan ee bulshadu u baahanyihiin.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa saakay aad loo adkeeyay, waana markii ugu horreysay oo magaaladu ay marti geliso shir nuucaan ah.

Madaxa Waxbarashada Ceel-Berde Oo Sheegay in Sanadkii 1-aad Dalku Ka Dhaqangelayo Imtixaan Loo Dhanyahay “Dhageyso”

0

Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Ceel-Berde mudane, Maxamed Sheekh Xuseen Xaaji Oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qabashada Imtixaankan sanad dugsiyeedka ee Shahaadiga uu ka duwanyahay kuwii hore maxaayeelay waa imtixaan loo dhanyahay oo juhdi iyo dadaal badan ay gelisay wasaaradda Waxbarashada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Heer maamul Gobaleed, si dalka looga hirgeliyo manhajka loo dhanyahay oo mid ah.

Maxamed Sheekh Xuseen ayaa sheegay in ay todobaadyada soo socda ay ka sugayaan Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed in ay u gudbiso imtixaanka si ay ardayda degmada Ceelberde ugu fadhiistaan imtixaanka.

Degmada Ceelberde ayaa ka mid ah Degmooyinka Gobalka Bakool ee Ismaamul Gobaleedka Koonfur Galbeed halkaasi Waxaa dhowaan Booqday Wasiirka Waxbarashada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Casiis Goodax Bare oo halkaasi Soo dhagax dhigay dhismihii ugu horreeyay ee Xarun Dugsi sare oo ay degmadu baahi weyn u qabtay.

SI AAD UGA BOGATO DHAGEYSO WAREYSIGA KU DHUFO LINK-GAN

The Basics Of Casual Dating

0

Casual going out with or an all-around casual relationship could be a sexual and emotional relationship among at least two people who can have sexual intercourse and have absolutely a close-to-sexual relationship, not having necessarily planning on or necessitating the extra responsibilities that a more formal marriage would require. Common motivations for everyday dating include friendship, attraction, or even just having fun. Motivations intended for casual connections range from casual interest to love. No matter what your determination for starting casual seeing, it is important to not forget that you will want to established some rules, so that you plus your partner will certainly feel comfortable with the other person, and qualified to make certain decisions together.

As with virtually any relationship, it is important to set some ground rules and boundaries about how precisely far you are willing to move. In everyday dating, the most important rules of personal space and communication are still very important. You may not want to be shy or intimidated by your companion because he or perhaps she is not really committed to a loving relationship. It is necessary to let each other know stance on certain things. You should also set several limits for your self. Once you have proven some boundaries, after that you can work together to get over the shyness and uncertainty that are included with casual online dating.

Informal dating can be fun and thrilling, but if you are both unsure of what to do, you might want to reconsider engaging in casual contact. Having fun together is a wonderful thing. But if you are afraid that your spouse might be heading somewhere else in the foreseeable future or may possibly try to change the way you think, it might be far better move on just before it becomes inside its final stages. If you have proven some ground rules, you can then work together to find out more about each other and hopefully find a great meet. If you and your partner can easily https://latinbridesworld.com/top-sites/latamdate-review work through any awkwardness or hesitation, you can both equally enjoy the freedom that casual online dating can bring.

Dowladda Soomaaliya oo saakay si rasmi ah dib ugu furtay Duulimaadyada gudaha Dalka.

0

ku dhawaad boqol cesho oo  ay xirnaayeen duulimaadyada gudaha dalka ayaa saakay si rasmi ah dib loogu furay ka dib saameyntii cudurka safmarka ah ee civod19 oo yaraatay.

munaasabad kooban oo haatan ka socota gudaha garoonka Adan Cade ayaa lagu maamuusayaa in dib loo furo garoonka iyadoo ay goob Joog ka yihiin masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maareeyaha hay,adda duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay inay u diyarsanyihiin howsha adag ee hortaala maadaama wali uu jiro halista cudurka Karoona Feyrus.

Golaha Wasiirka xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee Khamiislaha ah ku ansixiyay in dib loo furo duulimaadyada gudaha dalka oo hore loogu hakiyay si loo yareeyo faafitaanka cudurka covid19.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29 bisha sedexaad ee sanadkaan 2020 hakisay sabab la xariiira cudurka safmarka ah ee Covid19.

Dhismaha wadada iska xirta Baladwayne iyo jentokundisho oo dib loo bilowday

0

Magaalada Baeledweyne ayaa  waxaa ka bilowaday dhismaha wadada isku xirtay jento kundisho taasi oo burbur xoogan u geysteen fatahaadihii Wabiga Shabeelle.

Mashruuca dhismaha Wadadaan  ayaa waxaa horaantii sanadkan waxaa Dhagax dhigay  Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Qaar kamid ah bulshada gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweynaayo dhismaha ka bilawday wadadan isku xirto magaalada Baladweyne ilaa Jento Kudisho madama bur bur xoogleh ka jiray isla markaan dhibaato xoogan lagu qabay isticmaalka wadadaas.

 

 

Taliska Booliska Soomaaliya oo faafaahin ka bixiyay Qaraxii ka dhacay laanta Canshuuraha.

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Saakay lala beegsaday waaxda ilaalada Canshuuraha Biriga oo ku taalla kasoo horjeedda Dekedda Muqdisho gaar ahaan  Dhabarka dambe ee Xarunta degmada Xamarjajab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka ilaalinayay xarunta.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska rasaas ku fureen ka hor inta uusan soo gaarin xarunta Ilaaladda Canshuuraha, islamarkaana uu ku geeriyooday kaliyah qofkii waday gaariga Qarxay.

Afhayeenka ayaa nooca gaariga qarxay ku sheegay in uu ahaa kuwa raaxada  ee loo yaqaana Surf Madow ah.

Laamaha ammaanka oo bilaabay baaritaanka qarixii saaka ka dhacay laanta canshuuraha

gaarigan laga soo buuxiyay walxaxa qarxa ayaa saaka ka dhacay  iridka hore ee xarunta laanta canshuuraha oo ku taala degmada Xamar-Jajab gaar agaanka soo horjeedka dekedda Muqdisho.

Weli khasaaraha si rasmi ah laama xaqiijin karo,balse wariyeyaasheena oo goobta tagay ayaa soo sheegaya in khasaare dhaawac ah uu jiro, laamaha ammaankuna aan weli u soo bandhigin warbaahinta.

Hay’adaha ammaanka ayaa ku howlan baaritaanka nuuca uu ahaa gaariga qarxay iyo sida falka uu u dhacay, amaanka ayaa aad loo adkeeyay.

Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayàa si kooban u sharaxay sida ay wax u dheceen.

“Xarunta Laanta Ilaalada Canshuurta ayuu qaraxa ka dhacay, Koontaroolka Kowaad ayuu dhaafay, midka labaad markii la joojiyay ayuu qarxay, hadda waxaa la dalbay ciidamada baara haraadiga walxaha qarxa dhaawacyo ayaa goobta laga qaaday wixii kale ee macluumaad ah waan sii wadaageynaa”.ayuu yiri (Oranjo).

“Target-ka Gaariga Qarxay wuxuu ahaa Xarunta Ilaalada Canshuuraha, xoog ayuu ku dhaafay Koontaroolka Kowaad, rasaas ayaa lagu furay, wuuna qarxay, dhaawacyo ayaa jira, illaa hadda dhimasho lama soo sheegin”. Ayuu intaasi ku daray Afhayeenka wasaaradda Ismaaciil Oranjo.

Munaasabado Lagu Xusayay 1-Da Luulyo Oo Ka Dhacay Magaalooyinka Gaalkacyo Iyo Goldogob+Sawirro

0

Munaasabadda xuska 60 guuradii kasoo wareegtay markii Goballada Koofureed xuroobeen oo xalay lagu qabtay dagmada Goldogob ee gobalka Mudug ayaa waxaa Ka qeyb galay xildhibaano Ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka dalka wasiiro iyo xildhibaano Ka tirsan dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug, waxgarad, siyaasiyiin iyo bulshada qeybahooda kala duwan ee ku nool dagmada Goldogob.

Senatar Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa ka hadlay iyo masuuliyiin ka tirsan kuwa dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug waxayna ka sheekeeyeen halgankii dheeraa ee loo Soo maray xornimada, iyagoona ku booriyay dhallinyarada maanta in ay Hormuud u noqdaan nidaamka dowladnimo ee dalku ku talaabsaday

Dhanka kale Munaasabad lagu maamuusayay xuska 60 guuradii kasoo wareegtay maalintii ay xuroobeen goballada koofureed iyo  midowgii labada gobal ee Waqooyi iyo koofur oo ay soo agaasimeen maamulka dagmada galkacyo ee Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamed Axmed oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay in maanta ay tahay maalin farxadeed loona baahan yahay in lagu xasuusto halgamayaashii naftooda iyo maalkooda u huray xornimada dalka, isagoona ka dhawaajiyay in ay tilmaam fiican oo ku dayasho mudan ay yihiin jiilka maanta nool.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa waxaa khudbado ka jeediyay qaar ka kida odayaasha dhaqanka kuwaas oo sharaxaad buuxda ka bixiyay halgankii xornimo doonka iyo guusha la gaaray taas oo ay xuseen in maanta aynu harsaneyno waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen dhallinyarada in ay noqdaan kuwa hormuud u ah hannaanka dowladnimo ee dib usoo noolaanayo.

 

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Oo Diiwaangeliyay Xisbiyo KMG Daawo “Sawirro”

0

Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka KMG ah ee diwaangalinta siiyay 8 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii GMDQ uu horey u diwaangaliyay,

GMDQ oo raacaya tilmamaha iyo talooyinka Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 ayaa munaasabadda xisbiyada lagu sinayay shaadada u qabtay qaab online ah iyadoo uu GMDQ aaladda ZOOM- ka u adeegsiday qabsoomidda Munaasabaddaas.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil iyo Diwaangaliyaha Xisbiyada Guddiga Maxamed Cumar Axmed Xaydara ayaa ka qaybgalay munaasabadda xisbiyada lagu guddoon siinayay shahaadada ku meelgaarka ah.

8 xisbi ee maanta helay shahaadada kumeel gaarka ah ayaa kala ah.

– Xisbiga Bulshada Dimoqaardiga Soomaaliyeed.

– Xisbiga Nolosha iyo Cadaaladda.

– Xisbiga Walaalaha Midoobay.

– Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabadda.

– Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka.

– Xisbiga Soomalinimo.

– Xisbiga Cadaaladda Horumarinta Dimoqraadiyadda iyo Isqadarinta.

– Xisbiga Badbaado Qaran.

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Xusayay 1-Da Luulyo+Sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey 60-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka kaddib munaasad Calan-saar ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta jeedin doona, khudbadda munaasabadda 1-da Luuliyo haddii Alle idmo.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha Shacabka,Ra,iisul wasaare ku xigeenka dalka,Guddoomiyaha Maxkamadda sare,Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qeybaha bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda.