Tababarka dib u howl-gelinta Maktabadda Qaranka oo Muqdisho ka furmay “SAWIRRO”

Date:

Waxaa maanta ka furmay xafiiska Maktabadda Qaranka Soomaaliyeed tababar ku aaddan hawl-gelinta Maktabadda Qaranka. Tababarka ayaa lagu baran doonaa aqoonta iyo hawlaha lama huraanka u ah dib u hawl-gelinta Makatbadda oo dhawaan la qorshaynayo in dib loo furo.Tababarrada ayaa ka kooban Dajinta Istaraatiijiyo, Samaynta Biblograafiyada, Hannaanka Kaydinta, Lanbaraynta Agabka iyo Buugaagta.

Agaasimaha Tacliinta Sare ee wasaaradda Waxbaraashada oo furay tababarka ayaa tibaaxay baahida loo qabo tababarkan, maadaama furitaankii Maktabadda oo soo dhawyahay, gabagabana marayo dayactiraka dhisamha maktabadda.

“Wasaaraddu waxa ay xoogga saaraysaa hawl-gelinta iyo soo celinta adeegga maktabadda qaranka, si muwaaddiniinta qaybahooda kala duwan u helaan adeeggii akhrinta iyo daalacashada, sidoo kale aradada Soomaaliyeed na helaan xarun ay ka heli karaan buugaag aqooneed oo ka saacidi kara cilmi-baarista “. waxaa yiri agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada mudane Ismaaciil.

Khubarada bixinaysa tababarka ayaa ayagana si guud uga hadlay muhiimadda ay u leeyahiin tababaradaan hawl-wadeennada iyo shaqaalaha Maktabadda Qaranka. Ustaad Cabdirraxiim Shaafici oo ah khabiir dhanka Horumarinta Hay’adaha (Insitutional Development) ayaa sheegay in baahida maktabadda ay u qabto horumarinta kaabayaasha maamul iyo maarayn ay yahiin kuwo aad u wayn.

“Hadduu gabagabo joogo dhismaha, waxaa isha lagu hayaa, waa furitaanka maktbadda iyo inay soo buuxiso kaalintii ay uga jirtay sare u qaadista aqoonta iyo wacyiga bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Ustaad Cabdiraxiin.

Ugu danbayntii Agaasimaha Maamulka Ustaad Cabdullaahi Saciid Faqi ayaa ka war bixiyay dadaalka dheer ay maktabadda ugu jirto inay abuurto dhamaan kaabayaasha loo baahan yahay oo ay ugu horrayso abuuritaan kaadir aqoon iyo karti u leh fulinta hawsha Maktabadda Qaranka.

Tababarka ayaa socon doonaa muddoo lix cisho ah, 16-21 bishan, iyada oo lagu diyaarinayo shaqaalaha Maktabadda sidii ay dusha ugu ridan lahaayeen hawsha ku soo fool leh ee furitaanaka iyo daaddihinta hawlaha Maktbadda Qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...