Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka Isbadalka Cimilada Adduunka

Date:

Shirka cimilada adduunka oo ka socda magaalada Glasgow ee Scotland, UK ayaa lagu tilmaamay shirkii ugu muhiimsanaa ee looga hadlo isbadalka cimilada ilaa 2015 markaas oo la yagleelay madashan.

Madax badan oo Adduunka ayaa ka qeyb galaya shirkan oo diirada lagu saarayo wax ka qabashada uumiga iyo kuleylka Dunida oo kordhay, taas oo sababtay aafooyin dhanka deegaanka iyo nolosha ah.

Madaxweynaha Mareykanka Biden oo shirka ka hadlay ayaa raali galin ka bixiyay in maamulkii ka horeeyay ee Trump ay ka baxaan madasha cimilada aduunka.

Soomaaliya oo qeyb ka ah wadamada shirkaan ka qeyb galaya ayaa waxaa muhiimad ah sidii isbadalka cimilada wax looga qaban lahaa, maadaama dalkeenu u nugul yahay dabeecadaha ka dhasha karkarka cimilada sida abaaraha iyo fatahaadaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...