Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Kenya ee Soomaaliya xoojinta iskaashiga laba dhinaclaha

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Lt. General (Rtd) Lucas Tumbo, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee deriska ah u dhexeeya iyo qabanqaabada kulan ay yeesheen guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya.

8 bishii August, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulankoodii Muqdisho waxa ay isku-afgarteen in la dedejiyo qabsoomidda kalfadhiga seddexaad ee Guddiga Wadajirka ah si loo ambaqaado waxyaabaha dano wadaagga sida Ganacsiga, Maalgashiga, Amniga, Gaashaandhigga, Beeraha, Dalxiiska, iyo xiriirka labada dad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...